Lawyo caddo (Hubaal)-Dadweynaha reer Somaliland ayaa billihii u dambeeyey ku cadiban galitaanka dalka Jabuuti, isla markaana ay dadweyne badani tuban yihiin xuduudda Jabuuti.
Dadweynahan cadiban waxa ugu dambeeyey Haweenay ganacsatado ah oo reer Lawyo cadde ah ooshalay lagu xidhay dhanka Jabuuti ka dib markii ay doontay inay u gudubto Jabuuti, maadaama oo ay tahay muwaadinad labada dhinacba ka haysata dhalasho.
Haweenaydan oo caan ka ah magaalo xuduudeedda Lawyacadda, isla markaana ah haweenka jaadka ka ganacsatadda magaceedda la yidhaa Barni Cabdi Cumar ayaa shalay ciidamadda Jabuuti ee xadka fadhiya xidheen ka dib markii ay isku dayday inay u talowdo dhanka Jabuuti.
Dad ku nool magaaladda Lawyacaddo oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey xadhiga haweenaydan ganacsatadda ah, isla markaana sheegay inay dadku dhibaato weyn ku qabaan sidii loo gali lahaa Jabuuti maadaama oo aan Passporka Somaliland lagu gali Karin, sidoo kale, waxay sheegeen in wakhtigii hore dadka reer Lawyacaddo oo qaarkood dadkoodu ku nool yihiin Jabuuti ay si caadi ah u talaabi jireen, haseyeeshee mudadooyinkan dambe dadweynahaasi waxay cadibaad kala kulmaan ciidanka Jabuuti ee Lawyacaddo ku sugan.
Dhanka kale, waxa isaguna isla shalay loo diiday inuu galo wariyihii Telefishanka Qaranka uga soo warami jiray Jabuuti.
Wariyahan wakiilka u ahaa Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay in shalay loo diiday inuu u gudbo dhanka Jabuuti oo uu markii horaba fasax ahaan uga yimid, taas oo uu xalay u hoyday magaaladda Lawyacaddo ee dhanka Somaliland.
Wariyahan oo magaciisa la yidhaa Maxamed Jaamac Cawaale ayaa la sheegay inuu sitay dal ku galka Somaliland, haseyeeshee ay ciidanka amniga Jabuuti ka diideen inuu Passporkaasi ku gallo, iyadoo kaliya la ogol yahay inuu qofka galayaa Jabuuti sitoSharciga Jabuuti ama Passporka Soomaaliya.