Waa sheekooyinka maqal jirta loogu sheekeeyo. Ma Itoobiya oo xidhiidhka intaa leegi Soomaaliland ka dhexeeyo oo waxaas oo abaal ah loo galey galey haddii aaney aqoonsan, ma Zambia oo aaney waxba wadaagin ayaa aqoonsan, mise Poland ayaa aqoonsan mise shiinahaa aqoonsan, tolow mise Venezuela ayaa aqoonsan. Taa macneheedu waxa weeye “idin aqoonsan meyno” oo si dadban loo yidhi.
Jabuuti oo iyana ay Soomaaliland ka dhaxeyso jaarnimo iyo walaltinimo ayaa hadana aan marna la soo hadal qaadin iney xitaa ka fikireyso iney Soomaaliland ictiraafto. Aduunyadu maanta waa dan, waxaana la isku kaashada sida danta loo kala leeyahay. Itoobiya iyo Jabuuti khasab ayaa loogu lahaa in aqoonsi laga keeno. Labadaa dawladoodba maanta Alshabaab iyo kooxo kale ayay kula dagaalamayaan Soomaaaliya gudaheeda waxaana ka baxaya maaliyad aad u badan. Balse dhianaca Soomaaliland hal shilin kama galo oo waayo Soomaaliland ayaa nabadgelyedii xuduudahooda bilaash uugu sugtey. Haddii aaney Soomaaliland maamulkeedo jirin, Alshabaab iyo kooxaha kale ee Soomaali ka dagaalamaya beri hore ayay jabuuti khalkhalin lahaayen Itoobiyana afarta dhinac aya dagaal kaga socon lahaa.
Siyaasaddu sideedaba maaha wax aan la fahmi kareyn oo dad gaar ihi uun ay furdaamin yaqaanaan. Tasi wax shaqeeya maha. Siyaasaddu waa xisaab, waana ganacsi. Maaha wax la yidhaa siyaasiyiin ayaa inoo maqan oo aynu ka war sugeynaa. Wuxuba waa intaa kuu muuqata. Ma jiro wax mucjiso ah oo cirka ka soo dhacaya, amana aha wax duco iyo sixir lagu maamulo. Ha filan inad aroor soo toosto oo ad idaacadda ka maqasho ra’iisal wasaaraha ingiriiska oo yidhaa Soomaaliland waanu aqoonsanney, hana filan inu Ruushku kaa naxo. Aqoonsiga koowaad itoobiya iyo jabuuti ayuu yaala, waxaney aheyd in 23 sanadood ee ina soo dhafey la hordhigo oo la yidhaa sidaasaan idin ka rabnaa. Maantadan lafteeda ayay taagantahay oo ay tahan in la yidhaa Soomaalind waxa an u dhisaney inaan noqonno dawlad madax banaan oo la aqoonsayahay. Aqoonsigaasina idinka ayuu idin fadhiyaa iyada oo loo tirinayo sababahaa an kor ku sheegey.
Aqoonsi iyo aqoonsi la’aan wax u dhexeeyaa ma jiro oo aan aheyn been dalalkaa la isku madadaaliyo. Fursad badan ayaa hore u luntey oo waxa jirey xilli ay lavada dawladoodba aad uugu baahnaayeen maamulka Soomaaliland madaama ay dadalakaa dhibaatooyin badan iyo baqasho heysey. Maanta wey ismahadiyeen oo waxaaba laga yaaba iney rumeysan yihiin iney iyagu axsaan usameynayaan Soomaaliland. Dawladda ad 23 sanadood taageereysey, taagtaadu inte doonto ha noqotee ee waxa ay codsato ad u fulineysey, adna waxa ad xaq uugu leedahay iney taada fuliso.
Gebagebadii. Cabirka ad ku qiyaasi karto in dawladi aqoonsato Soomaaliland waa Itoobiya iyo Jabuuti. Waxba yey rajo ku gelin wafdi meel u baxey, ama jaaliyad meel ka mudahraadey. Wafdiyada iyo mudahraadka waxa la yidhaa “kaabayaasha” oo waxa ay wax taraan marka uu jirto hawl rasmi ah oo socotaa. Haddii kale labudba dalxiis iyo madadaalo wakhtiga la isku dhaafiyo ayuunbey noqonayaa. Inta ay maqantahay ama laga meermeereyo in labadaa dawladood si cad loo wajaho oo la hordhigo iney Soomaaliland aqoonsadaan, ha filin in dawlad Yurub ku taala ama mid laatin Amerika ku taalaa ay Soomaaliland aqoonsaneyso. Rajada ay labadaa dawladood ku aqoonsadaan Soomaaliland maanta aad ayay u yartahay. Waxey aheyd markii ay iyaga baahidooda nabadgelyo badneyd in lala jedhaa. Iminkase, waxa ay arkeen in 23 sanadood ad aheyd askarigaa Ilaahey soo direy ee wanaagooda ka shaqeeya ee aan isagu waxba dooneyn. Ma qof ad ag joogtey oo deyntii ad ku laheyd ka qaadan weydey 23 sanadood sida uu maanta kugu maqlaa oo uu deyntii kugu siiyaa wax dhib yar maaha. Balse nin baa laga hayaa colka wadhaf ma lagu dayey! Laba mid uunbey noqon kartaa. Inaan arinkan looba dhaqaaqin oon la hordhigin dawladahan, iyo in la hordhigey balse jawaabta laga heley aaney fiicneyn oo aan dadka loo soo bandhigin.
Dhamaad
Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com