Kol haddaan la Koreyn (Xafladdii Qalin-jebinta Hormadii 11aad ee Jaamicadda Hargeysa)
Haddaad tahay guur-u-meer,
Garaabo adoon qub-qubin,
Adoon ummadda isku gubin,
Dadweynaha soo gab yidhi,
Waxaad ka gadayso mari,
Abaalkana waa gudnaa,
Waxaad noo gashee horiyo,
Gadaal waxaad maaggan tahay,
Bal noo sheeg waa golee,
Waxay dadku kaa guntaan,
Maansadii Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005tii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
6/10/2014ka, Hargeysa,
Qormada 3aad
Carruurta Jaamicadaha waalidku uguma dirto in ay soo bartaan guul-wadaynta iyo nacamlaynta. Bal u fiirsada dhaqammadeenna dimuqraaddiga ah ee qoysnimo. Aqal keliya ama xaas keliya ayaa qofba xisbi ama urur u codeeyaa, la iskumana ceebsado. Sidaas ayaanay Guddoomiyayaasha Jaamicaduhu u dooni karin ama u naawili karin in ay ardaydu majare keliya raacdo. Abaabulka siyaasadeed waa uu ka reebban yahay hay’adaha tacliimeed. Dadku waa xor, xorriyaddana dhiig iyo dheecaan ayay ku goosteen. Muxaafid iyo Mucaarad qof kasta oo goob Jaamicadeed abaabul siyaasadeed la tagaa waa uu qaldan yahay, Guddoomiyayaasha Jaamicadaha ee sidaa jidaystana waa laga tashan doonaa. Dalka iyo waxa joogaaba waa mulkiga Ilaahay. Wixii intaa ka sokeeyaya dadweynaha ayaa dalka, dawladda iyo wixii dalka dhex yaalba leh. Madaxweynaha laga soo bilaabo iyaga ayaa dirtay oo uu u adeegaa. Dadku dawladda uma adeegaan, dawladdaa dadka u adeegta. Guddoomiyayaasha Jaamicadaha qaarkood ee arrinka gurraca u rogaya laga siisan maayo. Deeq kasta oo ay xukuumaddu bixiso waxa ka badan deeqda Ilaahay iyo ta dadweynaha. Sidaa ha la yiqiinsado oo xakamaha ha lagu ruugo.
Xafladdii ku soo noqo:
Roggii casaa ayaa Jaamicadda la dhigay. Makrifoonka ayaa ardayda, waalidiinta iyo martida kaleba laga dalbanayaa. Waxaad maqlaysay: “Soo dahweeyo Madaxweynaha. Ku soo-dhaweeya sacab idinka oo taagan.” Sidaas ayaanu ka maqlaynay makrifoonka. Waxoogaa kuraasi ah oo aanan tirin, bal se dhowr iyo toban aan ka yareyn ayaa loo banneeyay Madaxweynaha iyo intii la male-awaalayay in ay soo raacayso. Kuraasidii ayaa ku fillaan weyday. Waa la isku yaac-yaacay. Dad bir-ma-geydo ah ayaa la kiciyay, haddana gab-gabtii ayaa sii badatay. Kuraasi ayaa la doonay. Adigu dhowr daqiiqadood ka dib la soo fadhiisay.
Jabba waa ka danbeeya. Show maddane ayaa dadka noogu jiray. Aayado Quraan ah ayaa lagu furay. Waa ta la isku kayo dhiib-dhiibay ee midba mar makrifoonkii ku jimicsaday. Guddoomiyihii Jaamicadda Gaas ayaa cabbaar hadalka haystay. Run ahaantii isaga oo marti loo ahaa, waa uu ku raagay. Horumarka Jaamicaddu samaysay, waxyaabaha u qorshaysan iyo dhalliilihii loo soo jeediyaba waa ka hadlay. Magaca ardayda ayaa wiil ku hadlay iyada oo qabyaaladda si xun loo dhaleeceeyay. Guddoomiye hore, Guddoomiyaha Jaamicadda Cammuud iyo dad kaleba waa ay hadleen.
Wasiirka Qorshaynta ayaa ka mid ahaa dadkii hadlay oo ku dheeraday waxyaabaha loo baahan yahay isaga oo aan ka sheekayn qaababka loo gelayo ama lagu hirgelinayo. Wasiirka Qorshayntu waxba kama odhan Qorshihii Waddaniga ahaa ee 5ta sannadood iyo Higsigii 30ka sannadood ahaa. Xataa intii Waxbarashada ama Jaamicadaha Qorshahaa shan-sannadoodka ah kaga beegnayd ee la hirgeliyay ma sheegin. Mid qabsoomi weydayna hadalkeeda daa. Gabadh ayaa iyaduna maansooyin dhaadheer ka soo jeedisay.
Kalba waa kalkiisee, la-ye waa kalkii Xisbiyada: Muxaafid iyo Mucaaradba. Feysal ayaa ku horreeyay oo cabbaar dadka ka qosliyay. Kaftan-dhable dadka hurdadii ka kiciyay ayuu meesha ka mariyay. Wuxu madasha ka sheegay in ay Xukuumadda iyo Xisbiyadii heshiis yihiin oo wada-hadallo u socdaan.
Waa wax fiican in la midoobaa oo ujeeeddooyinka guud laga sinnaadaa. Waxa se aan meesha qaban in ummadda lagu dul ciyaaro maadeysyada macaan-dhereglada ah ee Tom iyo Jerry oo kale. Waa la is-laayay……Waa la heshiiyay…..Waa la is-laayay……Waa la heshiiyay……Waa la is-laayay…….Waa la heshiiyay. Dee bal idinkuba wada inta goor ee sidaasi dhacday. Mudane Siilaanyo intaaba waa soo liignaa……Muuse Biixi waa soo lignaa…….Mudane Cirro waa soo lignaa…..Feysal waa soo lignaa…….iyo qaar kaloo badan.
Jilayaal saaxadd immika soo galay ma aha. Col iyo nabad midnaba ma aha. Xaalku waa: “Walloon kaa cabbaa……Wallood iga cabbayn.” Heshiisku waa fiican yahay, waxa se ka sii fiican in la koro oo aan maalin walba sida dhallaanka la odhan waa la is-haystaa oo weliba waxyaabo hore looga heshiiyay aan marar danbe la isku qabsan. Haddii kale astaamihii iyo baadi-sooc wixii aynu ku faani jirnay ayaa wax la’aan noqonaya. Dadku waxay inagu xantaan: “Ma-kortadii ma la korinayaa.”
Uur-cadde oo Waddani masilayay ayaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay. Muuse Biixi oo afka Kulmiye ku hadlayay ayaa isaguna madasha ereyo ka yidhi. Wuxu ku dheeraaday jawaab uu siinayay Madaxweynaha Muqdisho oo uu lahaa qarannimadii Somaliland ayuu ku soo xad-gudbay. Muuse Biixi tolow waddanka miyuu ka maqnaa? Xisbigeennan aan la mahadin ee Kulmiye iyo Xukuumaddeenna kacaan-u-egu xaggee ayay joogeen 3dii Bishii Meey, 2014ka markii ay madaarka Hargeysa ka soo degeen odayaasha Walla-weyn ee 50ka kor u dhaafay ee aan baasaboor iyo fiise sidan. Xaggee ayay joogeen markii loo kireeyay Hudheellada waddada Jigjiga-yar ku taxan? Xaggee ayay joogeen markii sida tooska ah loo soo weeraray qarannimada Somaliland ee suuqyada Hargeysa sida qushiga ah midnimada ma-dhalayska ah loola dhex meeraysanayay? Xaggee ayay joogeen markii odayaasha loola carary Boorame sidii waxay malab ka soo durduuranayaan, bal se dacarta iyo dhunkaasha la soo waraabiyay? Xaggee la joogay markay iyaga oo kabna lulaya, kabna laallaadinaya Hargeysa galab-carraabe ku soo galeen, aroortiina ka jarmaadeen intii aan dadba soo toosin? Xaggee…..Xaggee….Barroortu orgiga ka weyn ayaa hore loo yidhi. Yaa odayaasha keenay? Yaa maammulayay? Yaa wad-waday? Gaadiidka yaa siiyay? Dhuunigii ay cunayeen yaa bixinayay? Yaa u daanyo-qaad ahaa? Maxa ummadda hadba la isugu carrab-tirayaa. Sow tii Gaarriye maah-maahdii caanka ahayd suugaameeyay ee maansadiisii Gar-naqsi ku lahaa: Waraabena nin ganay, iyo kii galladay, kala garay la-yee.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)