HALKAN KA AKHRI: Natiijooyinkii Madaxtinimada Brazil Kasoo Baxay Oo Ka Farxiyey Haweenaydii Hore Madaxweynaha u ahayd

0
30

ReoDejaneiro (Hubaal)-Natiijooyinka kasoo baxaya Doorashadii Madaxtinimada ee Maalintii Axaddii ka dhacay Dalka Brazil, ayaa waxa ay Ka Farxiyeen Haweenaydii hore dalkaas Madaxweynaha uga ahayd ee Dilma Rousse foo tartanka ku jirtey.

Ilaa iyo Haatan waxa la sheegay inay tartanka dibadda ka tahay oo ay ka hadhay Haweenaydii Wasiirka Deegaanka ka soo ahayd dalkaas oo lagu magacaabi jirey Marina Silva.

dilmaHaweenayda sii Haysa Xilka Madaxtinimo, ayaa u baahan innay Tartan labaad gasho, isla-markaana ku guulaysato si ay u gaadho inay mar kale madaxtinimada dalkaas qabato, waxana dhawaan la qabanayaa Wareeg Labaad oo doorasho.

Madaxweyne Dilma ayaa wareeggani labaad ee doorashada waxa ay tartan adag la geli doontaa musharaxa xisbiga midigta-dhexe ee Aecio Neves.

Ms Rousseff oo markii labaad u tartameysa xilkani ayaa waxa ay heshay boqolkiiba 41 codadkii la dhiibtay, halka Mr Neves uu helay 34 cod.

Wasiirkii hore ee deegaanka Marina Silva ayaa heshay 31 codadkii la dhiibtay, waxana ay si toos ah u macasalaamaysay tartanka dalkaas ka socda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here