Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag u weeraray duubka madax dhaqameednimo ee boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madow) oo indhawayd ku dhex milmay saaxada siyaasadeed ee wakhtigan.
Cismaan buur madow oo maalmihii u dambeeyay qaadaa dhiogaysay saxaafadu hadaladiis isagoo mucaaridku ay dhibsadeen waraysiyo difac u muuqda oo uu ugu xaglinayay garabka xisbul xaakimka isla markaana uu ku weerarayo qaar kamid ah beelaha birmageydada ah ee darafyada gaar ahaan gobolka Awdal ayaa Mujaahid Cali Guray ugu jawaabay qoraal kooban oo nuxurkiisu naqdinayo magaca iyo mansabka cumaamadeed ee boqor Buur madow.