Noradin Schools ama dugsida Nuradiin maamulkiisa guud waxa uu ku wargelinyaa saxaafadda madaxabannaan ee Somaliland guddaha iyo dibadaba inaanay waxba ka jirin warka odhanaya “Dugsiyada Nuradin oo dhaliilay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare kadib markii ay u ogolaan weyday inay siiyaan rusqada jaamacad uu hirgalinayo maamulka Nuradin” ee lagu soo diray emailada warbaahinta.
magaca laga soo diray oo ah Maxamed Axmed Jaamac maxdjamac@gmail.com ee uu ku qoray xafiiska warbaahinta ee dugsiyada Nuradin waa mid aan jirin ee ha layska ilaaliyo oo halaga digtoonaado
sidoo kalena maaha magaca masuulka iska leh wargeyska Hubaal ee caloolay oo magaciisa oo saddexani yahay kan uu isticmaalay.
si kastaba ha ahaatee waa war aan jirin warka magacaas emailkiisa laga soo diray.
waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad noola shaqeysaan hadaad tihiin warbaahinta dalka
Ismaaciil Maxamuud Cakuush
xafiiska xidhiidhka bulshada iyo warbaahinta ee dugsiyada Nuradin