“Waxaa Boolisku gurrigiisa tagay Mujaahid Lix Bilood ka hor dhintay oo la yidhi wax buu qarxinayaaye hala soo xidho oo qoyskiisii yaabay” Jaamac Shabeel
Hay’adaha Amaanka Somaliland Oo Gurigiisii Ka Baadhay Marxuum Waa Hore Geeriyooday
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay gabtay amaankii dalka, islamarkaana ay Qaraxyo u liistaysay dad qaarkood waa hore dhinteen.
Jaamac Shabeel oo ka qaybgalay dood laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBC-du isugu keentay labada garab ee Kulmiye ayaa waxaa uu ku eedeeyay Xukuumadda inay waddo amaan darro.. “Anagu illaa immika sharciga waanu ilaalinaynaa…weji ku macaash ma soo ururino oo ma nidhaa TV-ga ka caaytama…waxaa la xidhaa oo danbi laga dhigay oo jeelka ku jira inamo danbi looga dhigay sawirka Guddoomiyaha Kulmiye waxaa xidhan in ka badan 30 qof oo ay guddoomiyaha isku qolo yihiin…waxaa Boolisku gurrigiisa tagay nin Lix Bilood ka hor dhintay oo la yidhi wax buu qarxinayaaye hala soo xidho oo qoyskiisii yaabay Axmed Qowdhan ayaa la odhan jiray Liiska (Dadka la xidhayo) ayuu ku jiraa. Miyaanay ilaabin wixii aanu ilaalinaynay.…yaa wax qarxinaya waxaa wax qarxinaya kuwa amaanka suggi kari waayay ee ogaan waayay ninka dhintay ee marxuumka ah anagu bari ayaanu ka nahay.”
Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha garsoorka Xuseen Axmed Caydiid oo isagu la safan garabka madaxweynaha ayaa dood taas ka badalan keenay waxaana uu ugu horeyn isaga oo ka hadlaya khilaafka Kulmiye yidhi. “Khilaafka ka taagan Xisbiga Kulmiye waa hungiri siyaasadeed. Iyaddoo madaxweynihii dalku uu ku jiro teeramkiisii ugu horeeyay sumcadiisuna halkii ugu horeysay marayso duniduna aanay ka dhicin in madaxweyne lagu qabsaddo marka labaad taageero haysta ayaa Muuse ku haystaa……halkaas weeye, khilaafkuna waa mid soo jiitamayay…waa markii sadexaad ee damac gudoomiyaha ka yimi khilaaf galiyay Xisbiga…” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladdu.
Jaamac Shabeel…oo ka tirsan madaxda Xisbiga Kulmiye ee la socota Guddoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa uu isaga oo ka hadlaya sababta khilaafka yidhi. “Inta aanan khilaafka ka hadal, ninka ila doodayaa waa Wasiirkii Cadaalada Somaliland, waxaa uu duudsiyayaa xuquuq distooriya oo sharci ah…oo uu qof kasta oo muwaadin ah siinayo..waxaana uu gudoomiyaha ku eedeynayaa murashax baan ahay…waa xaq qof waliba leeyahay isaga ayaa leh oo iska qaadaya…khilaafka waxaa wadda xubno wasiiro ah oo kooban…oo muddo ayay soo socotay…oo marka hore guddoomiyaha lagu socdaa mar labaadka madaxweyne ku xigeenka…”ayuu yidhi Jaamac.
Waxaa markaas ku soo laabtay Wasiir Xusseen oo yidhi isaga oo ka jawaabaya in Xisbiga Kulmiye raaco jidkii UDUB. “Diyaar uma nihin in aanu marno halkii UDUB…Duudsiyi maayo qofnaba waanan ku hanbalyaynaynaa haduu is sharaxay..waana ta aanu doonayno in uu xalku noqdo..ta aanu diidanahay waa hay’adaha sharciga ah ee uu duudsiyayo…Fikradda dadka in la ixtiraamo weeye iyo qofka guusha xisbiga u keenya…waxaanu diidanahay waa guddiga fullinta iyo golaha dhexe oo uu leeyahay Muuse anigaa kaligay soo xulaya…” “Waa run khilaaf hadii uu soo baxo culays ayay keenaysaa…waxyaabahaas oo dhan waa in sharciyadda lagu dhaqmo Jaamacna waad arkaysay oo waxaa uu u baydhay shaqsi ee sharci kama uu hadal…Guddigii shirweynaha hagaysay ee la yidhi halagu soo ururiyo wixii qabyo ah ee labadii cisho laga gaadhsiin waayay in laga boodo maaha waa shirgudoonkii raalida lagu wadda ahaa maaha inay wasiiro noqdaan maaha, waxa lagu amray shirgudoonka shirweynaha inay soo ururiyaan wixii ka soo baxay shirka…dhamaan dadka kale ergo ayay ahaayeen shirgudoonkii shirka mooyaane. Markaa marka la diido natiijadii shirguddoonka ee qof ergadii ka mid ahi diido maxay noqonaysaa..imikana xukuumad kuma hadlayo ee waa xisbsi waxaanu ku doodaynaa” Ayuu yidhi
Jaamac Shabeel ayaa soo galay mar kale, waxaana uu yidhi. “Annigu ma diidanin in madaxweyne is sharaxo oo xaq ayuu u leeyahay…arrin la buunbuuniyana ma ay ahayn…ta kale ee uu leeyahay waxaa uu diidanyahay shirweynihii go’aamadii ka soo baxay…waa nasiib darro inuu Wasiirkii Cadaaladu difaaco sharci daro intaas leeg.
Horta ta sharciga shirweyne ayaa meesha ka dhacay…waxaana shirweynaha ku jiray in xubnaha guddiga fullinta iyo xubnaha golaha dhexe la doorto ayay ahayd..nasiib daro waxa dhacday iyadoo aan guddi fulineed la dooran gole dhexena aan la qaadan ayaa shirkii dhamaaday…waxaa kale oo dhacday in labadii qodob ee shirka lagu codeeyay mooyaane todoba kale ayay keeneen. Intay immika qaylinayaan wasiiraddani waxay ahayd inay shirweynaha ka dhameeyaan waxaa ay doonayaan” Ayuu yidhi.
Cabdisalaan Yaasiin Oo wax ka dhiga Jaamacada Hargeysa. Kana mid ahaa aas-aasayaashii SNM ayaa isagu ku jiray xubnaha dooda ka qayb galay, waxaana uu tilmaamay in sharciyadda dalka iyo tan xisbiga lagu kala baxo oo aan fowdo la abuurin.“Xisbi..sharci iyo dhaqanka dimuquraadiyadda ayaa kala jira. Xisbigu shuruuc ayuu leeyahay waa in la ilaaliyo…hanti wadaagga oo kale, shuruucda sida ay doonayaan ayaa loo fuliyaa madaxdu..xisbiyana waa kuwan aynu dalalka Soomaalida ka sameynay..horena taariikh ayaynu ugu lahayn oo waa jireen ka hor Siyaad Bare
Waa in aanay cid gaar ahi yeelan shuruucdaas oo aanay meesha ka bixin talo wadaagii iyo dimuquraadiyaddii…” Ayuu yidhi, mar uu ka hadlayay khilaafka Kulmiye waxaa uu yidhi “Khilaafkanina waxaa uu ka yimi…waa madaxnimo la isku qabsaday..halkan ma yaalo maabaadi lagu kala tagaa sidda dunida kale.” Ayuu yidhi waxaana uu tilmaamay in aan dalku qaadi karrin dhibaato ka dhex dhacda xisbigii talada dalka hayay.