Muqdisho (Hubaal)- Ururka Al-shabaab, ayaa ku hanjabay inay fulin doonaan weeraro ka xannuun kulul hawlgalkii ay ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya toddobaadkan, iyagoo farriin adagna u diray dalalka dariska iyo kuwa caalamka ee taageerada u fidiya dawladda Xasan Sheekh Maxamuud.
Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa waraysi uu saxaafadda siiyey ku sheegay in waddamada taageera dawladda Soomaaliya ay khasaare kala kulmi doonaan Soomaaliya, isagoo xusay in aan xilligan wax lacag iyo taageero ah la is kagaga khasaarin dawladda Xamar.
Waxa kaloo afhayeenku sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab gudaha u galeen, muddo ilaa lix saacadood ahna ku dagaalamayeen, isagoo tilmaamay in qaar ka mid ah raggii weerarkaas fuliyey si nabad ah uga baxeen madaxtooyada, halka kuwo kalena uu ku dooday inay ku shahiideen hawlgalkaas.
“Weerarku wuxuu ku bilowday gaadhi miineysan oo lagu qarxiyey albaabka madaxtooyada, kaasoo ka soo gudbay dhowr bar-kaantarool, qaraxa ka dibna mujaahidiinta ayaa gudaha u galay madaxtooyada, waxayna galeen dhismeyaal muhiim ah iyagoo halkaas gumaaday cadowga. Ciidamada mujaahidiin qaarkood iyagoo bad qaba ayey dib ugu soo laabteen xarrumahooda, halka kuwa kale ay shahiideen,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenka Al-shabaab, ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii habeenkii Arbacada lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya uu ahaa mid si qurux badan loo qorsheeyey, waxaannu yidhi; “Muddo lix saacadood ah ayey mujaahidiintu ka dhex dagaalamayeen madaxtooyada gudaheeda iyagoo cadowga dharbaaxo kulul ku dhuftay, waxa la yaab leh in madaxtooyadii ay dhisayeen ay iyagii gacmahooda ku burburiyeen markii ciidanka AMISOM ay ku garaaceen madaafiic, weerarkayaguna wuxuu ahaa mid si qorshaysan loo fuliyey.”