dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin?
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo,
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo,
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad,
Qullaab iyo kullaab iyo lacaab, laysu qarinaayo,
Qiyaamada kobtaa daahiraan, qun ugu soo jeedo,
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane,
Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono.
Maansadii Faarax Nuur ee “Booraan afkii laga qafilay”,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
15/5/2014ka, Hargeysa,
Qormada: 1aad
Haa…..Waa tuduc ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee Faarax Nuur inooga tegay soddonaadkii Qarnigii 20aad. Waa suugaanta aan duugoobin ee saacad walba taagan. Sidaas ayay suugaan dhab ah ku tahay oo mar walba loo soo xigtaa.
Waa Khamiisle xooggan……Waa Khamiisle taraar…..Waa Khamiisle digniin iyo dawanba u ah khataraha ina soo galay ee qarannimadeenna iyo madax-bannaanideenna halista ku ah ee ay gadh-wadeenka ka tahay Madaxtooyadan halaq-mareenka noqotay……Waa Khamiisle xusuus u ah ummusha illowday eedaadkii soo maray……Waa Khamiisle ina xusuusinaya inta wiil iyo gabadh lagu waayay qaddiyaddan dhawaan-xoolowga Madaxtooyada barriinsaday ciyaarta ka dhiganayaan.
Waa qardhaas ay tahay in aad jaxaasataan……Waa xirsi-xidh……Waa durbaan digniin culus sida……Waa tilmaan idin tusaysa dawga toosan oo idin ka leexinaysa tubta qalloocan ee idin dhaxalsiin karta mar kale in aad if iyo aakhiroba seegtaan. Waa guul idiin suntanayd oo qiime aan la qiyaasi karin idin ku joogtay sidii aad u ilaashan lahaydeen……Waa sidii aad iskaga ilaalin lahaydeen niman aad xilal u igmateen oo indhihiinnii oo shan ah doonaya mar kale in ay idin la ambadaan.
6dii bishii Ogos, 1984kii, waxaanu ku jirnay Shirweynihii 4aad ee SNM oo galabnimadii ka furmay magaalada Jigjiga. Waxay ahayd waqti ku beegnaa salaaddii casar ka dib. Markaas ayuu Shirweynuhu si rasmiya ugu furmay Aayado Quraan ah iyo Khudbaddii furitaanka oo uu akhriyay Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo xilka Guddoomiyaha wareejinayay. Shahiid Axmed Maxamed Warsame (Genius) ayaa Shirweynaha ka akhriyay hees la yidhaahdo “Dhayalsi”, dadku se inta badan u yaqaanno “Dharaaraa na soo maray.”
Isaga oo hallowgii Maandeeq ka hadlayay, Tuduc heestaa ku jiray ayaa ahaa:
“Intay dhibibidee hore,
Intay dhididday ee kale,
Intay dhaqan xumaatiyo,
Intay dhacantay Maandeeq,
Midna kuma dhadhabayee,
Yay dhliili doonaan,
Hadday dhama’do caawana,”
Shirweynahan 4aad, waa kii markii ugu horreysay lagu doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo oo markaa dibadda ka yimid ay ahaydna markii ugu horreysay ee uu goobaha halgankii hubeysnaa yimaaddo. Waxay wada socdeen rag kale oo uu ka mid ahaa Ibraahin Meygaag Samatar oo isagana loo doortay Guddoomiyihii Shirweynahaa 4aad. Dhaqankeenna ayaa iska caynkaas ah iyo in aanay is-indho-buuxin hadba intii meel wada joogtaa. Waa qaar ka mid ah arrimaha aynu ilaa maantadaa u dhutinayno aakhirkana u dhiman doonno.
Tuduc kale oo dardaar-werin ahaa oo maansadaa ama heestaa ku jiray ayaa isaguna ahaa:
“Ma Dhurwaa I haystaan,
Ku beddeli Dhurwaa kale,
Mise aniga Dhiil-xoor,
Igamaba dhammaadoo,
Marka Dhahar la waayaba,
Dhiqlaa soo beddeli jiray,”
Madax-bannaanida Somaliland ama gobolladii Woqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee Dimuqraadiga ahayd, waxay ahayd fikrad si joogto ah ugu jirtay maskaxda dadkii halgamayay. Golayaasha hoggaaminta ee SNM arrintaa kor looma qaadi jirin iyada oo la dhowrayay ra’yal caamka dunida oo ka soo hor jeeday qayb-qaybsiga. Waxa kale oo arrintaa aad u diiddanayd dawladii Itoobiya oo bah-wadaag la ahayd Beesha hanti-wadaagga ee sida dadban noo taageeri jirtay. Gobolaysiga iyo qaybsanaantu waxay ahaayeen arrimo ay ka soo hor jeedday dawladdii Itoobiya iyada oo danaheeda iyo midnimadeeda dhowraysay. Dadka Soomaaliyeed waxa laga yaabaa in ay qabeen fikradda ah in ay Itoobiya Soomaalida qaybinaysay.
Xornimo iyo madax-bannaani ayaa loo dagaallamayay, dadkuna waxay u yaqaanneen ‘Qaddiyad’. Waa loo soo jeedi jiray, waa laga werweri jiray, in ay ambato ayaa laga ilaalin jiray, in lala ambado ayaa laga ilaalin jiray. Mujaahidiinta iyo guud ahaanba SNM-tu ma ay oggolaan jirin in xataa Guddoomiyaha SNM kelidii cid gaar ah arko. Si gaar ah waxa loo ilaalin jiray in aanu Guddoomiyuhu kelidii arag Mengistu Haile Mariam. Arrin ay Guddoomiyayaashu ka sinnaayeen ayay ahayd. Mudane Axmed Siilaanyo oo SNM hoggaaminayay Ogos, 1984kii ilaa Maarj 1990kii, maa daama uu muddadii ugu dheereyd hoggaaminayay muddada ugu dheer isaga ayaa la ilaalinayay.
1984kii, markii uu Siilaanyo imanayay ama ku soo biirayay SNM, wuxu ka soo kicitimay magaalada London. Axmed Siilaanyo uma ololayn in uu SNM Guddoomiye ka noqdo, bal se dadkii markaa joogay ayaa u gartay. Damal Cabdilqaadir Koosaar ayaa xilka Guddoomiyaha hayay oo laga ololeeyay oo weliba intii ka ololaysay ay u badnaayeen saraakiisha millateriga oo Koosaar ximin jirtay iyo reerkiisa. Cabdilqaadir si xishmad iyo xarragoba leh ayuu xilka u wareejiyay. Waxaan amminsanahay in uu ahaa hoggaamiyihii ugu roonaa ee SNM soo mara. Berigaa uu Siilaanyo noo yimid waxa la odhan jiray wuxu ka tirsan yahay urur la odhan jiray: “Somalia first” oo dibadaha ka dhisnaa.
Markii uu Shirweynahaa 4aad dhammaaday ayaa hoggaankii hore iyo kii cusbaa isu raaceen Addis-Ababa. Ka mid baan ahaa wefdigaas. Waxa kale oo nala socday Nuuradiin Maxamed Xaashi oo xiliigaa ahaa Xoghayihii Golaha Dhexe ee SNM. Habeen aanu fadhinay qolkii Koosaar ee Hudheelka Gannad oo aanu afar nahay, ayuu Siilaanyo oo xilka ku cusbaa yidhi: “Haddii aynu dhowr gobol qabsanno, miyaynaan gor-gortan la geli karin nidaamka?” Guddoomiye, Siilaanyo waxaanu ka codsannay in aanu hadalkaa mar kale meel kale kaga celin.
(Hadal-haynta 11aad, Qormada: 2aad la soco maalinta Sabtida haddii Eebbe idmo)
“Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso,”