Ha Ku Xiiqina Xeerar, Xeer ilaalin Iyo Maxkamado U Xamaala Xadhiga Xoriyatul-qawlka Xayiran Xukuumadda Qarsoon Ee Guurtida Bilaa Gadhka Ah

0
44

Inaba inta garanaysa Guurtida bilaa gadhka ah ee xukuumaddan ka hoos dilaacday ee talo maroorsiga u tafaxaydatay kama lunsana fahamka kooxdan balse inta aan la socon saaxada siyaasada dalka ayaan ugu talo galay qormadan inay wax ka fahmaan in dalka ay jiraan laba xukuumaddood oo awooda dalka saami qaybsaday

sirdoonka

Guurida bilaa gadha ka ah waa xukuumad qarsoon oo awoodo badan ku leh xukuumadda Siilaanyo isla markaana wax yaabo badan oo maanta dalka ka taagani ay ku tusayaan awoodaha qarsoon ee ay leeyihiin. Waa group haysta awoodo dayacan oo ay ka faa’idaysteen, waxa gacanta ugu jira dhammaan awoodaha ugu waaweyn ee dalku leeyahay, waa koox Illaahay aanu la simin raga sida magacu kuu fasilayo balse habka dimuqraadiyada lagu baandheeyay oo kastood shuruucda dalka u adeegsada, dhaqaale buurana haysta oo hirgalinta hadafkooda marka ay rabaan wax ku asqeeya,maxkamadahu waa kawaan ay leeyihiin oo dadka ka soo hor jeesta ay ku kala gooyaan, xabsiyaduna waa halka ay ku xereeyaan,  hadaba arrimahan aan halkan hoose kaga hadli doono ayaa kamid ah awoodaha ay mishiinka u yihiin isla markaana ah mid kuu iftiiminaysa heerka awood ee ay leeyihiin hadii aad rabto inaad wax ka ogaato:

 

Waxa laga joogaa muddo 7 bilood iyo Saddex Habeen markii ciidan isugu jiray SPU iyo RRU-du ay goor galab casar-dheere ah ay soo galeen xarunta guud ee wargeyskii Hubaal islma markaana ay gabi ahaanba ay la wareegeen oo ay albaabada u xidheen xaruntii Hubaal.

Maalintaas oo xaqiiqdii ahayd maalin Jimce ah oo ku taariikheysnayd 13-kii bisha December ee sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2013-kii.

Waxa maalintaas goobta ku sugnaa laba inamood oo kamid ahaa shaqaalaha xarunta Wareyska ka hawlgali jiray iyo hadii ay ka fursan weydo dhalinyaro goobta fadhiday.

Bal inyar aynu yara sawirano dhacdadii dharaartaas, Goorsheegtu markay ahayd amaba maraysay ilaa 5:00 galabnimo hadii aanay daqiiqado dhaafinba ayaa waxa xarunta wargeyska Hubaal soo galay ciidan qiyaas ahaan tiradoodu ahayd ilaa 25 askari oo watay Saddex gaadhi oo nooca SPU iyo RRU-da lagu qaado ah, xarunta Hubaal oo markaa ku taala isgoyska Togdheer inyar marka galbeed looga soo kaco amaba fooqa Seeraar laagta daba marta oo uu albaabkiisu afka u saarnaa, waxa markaliya xidhantay wadadii laamida ahayd iyo tii ililada yar ee loo soo mari jiray, halkaas oo gabi ahaanba loo diiday gaadhi, iyo dadba inay maraan, runtii qofka maalintaas goobta ka ag dhawaa wax kale ayaa u sawirmayay, inaba caqliga caadiga ah kumay soo dhacayn  wargeyska Hubaal ayaa waxaas oo hawgala loo samaynayaa.

Hada dadka ama aan idhaahdo dhalinyarada wargeyska gudihiisa fadhiday waxay ahaayeen taagba rag qayilaayay oo madal dagaalba umay diyaar garaysnayn oo macawiiso ayaabay xidhnaayeen, wax ciidanka intaa le’eg loo soo dalbadaa oo kharash loo sameeyaaba may jirin, laakiin waa fikir iyo caqli ay leedahay dawladda qarsoon ee la yidhaa Guuritada bilaa gadhka ah ( Koox Dhedig ah oo qasriga dalka looga taliyo jiifa)

Waxba yaanan ku sii talax tagin sawirashada dhacdada sheekadaase waxaan u soo daadagayaa muhiimada aan qalinka u qaatay.

Waxaynu ka war haynaa in Hubaal ay xidhantahay muddada intaa le’eg waxaynu sidoo kale ka war haynaa wargeyska labaad ee Haatuf oo isna xidhan ilaa Affar bilood ku dhawaad oo maalintii Shalay ahayd uun la soo daayay guddoomiyahiisii yuusuf Cabdi Gaboobe, dabcan waxaynu ka war haynaa inaanu jirin kiis ama dacwad wargeyska Hubaal lagu haysto oo maxkamada ay u taalo, ilaa wakhtigan aynu joogno waa arrin noqotay fajac iyo yaab waa arrinta hadaad tidhaahdo yaa Hubaal haysta aanad helayn jawaab rasmi ah,dadka badankoodu su’aalaha ay isweydiiyaan waxa kamid ah horta Hubaal maxaa lagu haystaa? Hubaal wali may xidhantahay? Guriga ay Hubaal ku jirtay ma Caloolay baa iska leh micnaha ma xaafadooda ayaa leh? Iyo su’aalo kale oo badan waxa garanaya inta had iyo jeer dadku ay ku soo xusuustaan Hubaal oo ay ka kow yihiin shaqaalihii Hubaal marka qofku uu arko oo noqotay mida uu ku xasuusanayo Hubaal.

Tusaale ahaan marka ay dadka qaar isweydiiyaan guriga Hubaal cida leh oo runtii ahayd su’aal dadka inta su’aalo isweydiinteedu ka badatay isweydiin jireen waana sax in la is weydiiyo su’aashan oo kale maxaa yeelay Hubaal hadii aanay guriga lahayn oo uu u kiraysnaa meeyay kuwii amaba dadkii lahaa miyay madheen? Ileyn iyagu kiradoodii wey u baahan yihiin, oo Caloolay baa bixiya qofna maskaxdiisa ku soo dhici weyday waa run caloolay ma bixiyo oo isagii baa dadku markay faasheeyaan yidhaahda waar ma ninkayga bilaa camalka ah ee meeshii yaraydna laga xidhaybaad wax weydiinaysaan, oo runtii asxaabtu ay faashka dib ugala noqdaan. Laakiin waxaan odhan karnaa waa awood dawladeed oo qofka dusha laga saarayo ilayn hebel, reer hebel iyo cid kaleba waad iska celisaa, se ka waran dawladd haayadaheedii, maxkamadihii,labadii gole intaba wadata sow ma xoog badna bal adiguba!!

Hadaba dadku markay su’aalahaas isweydiiyaan ayaa waxa meesha timaada inaanay helin jawaab sax ah taasina waa ta keentay in marwalba dadku ay isweydiiyaan su’aalo ay ka simanyihiin weydiintooda

Jawaabta saxda ah ee su’aalahani xataa waxa aan garanayn kuwa dhibta qaba amaba bahda Hubaal laftooda oo iyagu marmar is weydiiya waxa ay dadku weydiiyaan marka ay arkaan, tanina way dhacaysaayoo meel kasta oo ay u mareen xayiraada wargeyskooda ilaa Jananka dalkana dhahoo iyo maxkamadaha dalka iyo xeer ilaalintuba waxa wargeyskooda haysta way ka waayeen iyo xataa inay tlmaan ka helaan midnaba, waxa allaylehe mar ka yar naxay jananka waa C/laahi fadal ‘e oo markuu arkay Caloolay iyo tafaftirihii wargeyska Xasan keef-keef oo bacad kulaylka dhididku labada dhabanba ka da’ayo ku yidhi waar annigu waxba idinkuma haysto waxbana idiin kama qaban karo oo waxa la idinka haystaa halkaa iyo madaxtooyada dalka looga taliyo.

Hadaba ma madaxweynahaa, waabay fududaatay mar hadii madaxweynaha dalka uu noqday halka laga haysto Hubaal. Markaasay waxay isku qaadeen halkaa iyo cid odayga isu wanaagsanyihiin oo ay isu shushubtaan se waxa lagu yidhi hadana maaha madaxwenaha.

Hadaba ibtilo waa tane ayay odhan jirtay fanaanad kamid ahayd hoboladii Waabeeri, oo yaa haysta meesha hadaa

Markii ugu yaabka badnayd waxay noqotay markii lagu yidhi arrintaada waa Hubaal ‘e waxa haysta guurtida bilaa gadhka ah, hadaba guurtida bilaa gadhka ahi waa kuwee? Cida ku odhanaysaa maaha kuwa ay kaftamaane waa masuuliyiinta xukuumadda kuwa ugu tunka weynle

Guurti bilaa gadh ahna xukuumaddani na bartay, waa sida aynu hada u aragno xaalad kasta oo dalka laga fuliyo kuwa fulinayaa inay yihiin gurtidaa bilaa gadhka ah ee la sheegay.

Markaa waynu garan karnaa waxa ka dhalanaya ama halka uu dalka nidaamkiisu ku dambayn hadii guurti gadh leh oo talisa ayeynu naqaanaye, tu bilaa gadh ahi ay taliso.

Waana meesha ugu saraysa amaba awooda ugu weyn ee dalka iska leh ee masuul kasta oo mansab ka haya xukuumada Siilaanyo uu hoos yimaado guurtidaa bilaa gadhka ah rag waaweyn baana suuqa ugu jira oo warka u dhiiba halkaasay awooda taladu ku aroortay Illaahay ha inoo sahlee

Qofka kastaana wuu garanayaa oo waxba laysma magac dhabo ‘e guurtida bilaa gadhka ah markaasaynu ku faanaynaa oo aad arkaysaa guurtidii dalka oo waxaas agtooda laga sheegayo waa kuwa la yidhaahdo markay adagtahay baa lagu baxsadaa oo ay dalka samata bixiyaan.

Waa dalka dhan ee baarlamaan leh, guurti leh oo waliba ay ku jiraan kuwa Somaliland loogu ixtiraamka badan yahay ayaa hadana bal imtixaanka inagu dhacay waxani ay dalka ka dhacayaan, waydun aragtaan Haatuf maanta iyagaa haysta oo xataa kaliftay inaanu madaxweynuhu afkiisa soo marin cafiska la sheegay inuu u fidiyay wasiir Biixigan lasoo boodayna waxaanba u malaynayaa inaanu is ogayn markuu sheegayay oo culayska ay ku hayso arrinta saxaafada ee uu meelnaba ka hadsan waayay awgeed baa ku keentay.

Hadaa maxaynu ku sheegnaa ilayn waakan Siilaanyo la hadlay saxaafada ee u jawaabaayaye muxuu u odhan waayay waan cafiyay oo waanigaa sii daayay ina Cabdi Gaboobena mise soo hadal qaadka magaca yuusuf ayuu iska diidaayay? Ileyn wasiir biixi waxa uu sheegay in madaxweynuhu cafis u fidiyay Haatuf madaxweynuhuna afkiisa taasi kamay soo bixinba oo waa kii isku qaaday meel kale ee yidhi maxkamadaha ayaa xidhay Haatuf.

Yuusuf Cabdi Gaboobena waxaan leeyahay halka Hubaal ay martay Haatuf-taaduna halkaasay maraysaa, oo waxa laguu soo daayay inaad suuqa sidaa Caloolay ka shaaxaysid cid wax kuu qabanaysaa ma jirto dalka dhamaan sharciyada iyo haayadaha iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Hubaal iyo Caaloolay wax u qaban waayay u malayn mayo inay taada wax u qabanayaan xukuumaddanina maanta waxay haysaabaan u malaynayaa ijiinka cid kastaba laga istaadho, ilayn waakan dalka wixii joogay haday tahay xuquuqal iinsaan, kuwa la yidhaa madasha wadatashiga iyo labadi xisbi mucaaradba la soo taagan cambaarayn cidlaa oo ay kamaradaha intay isu dhigaan marfashyada ay mirqaanka la tagaan iska daawanaya calashaan sidii ay u hadleen.

Sidaa daraadeed anigu waxaan u sheegayaa saxaafada iyo wargeysyada xayiran inay hoos tagaan oo ay hawshooda ka dhamaystaan awoodaa dalka qeybta weyn ku leh ee guurtida bilaa gadhka ah, hadii kale madax meel ka saraysa oo la taabto ma laha ‘e haku daalina meelo awoodoodu ay hoos taalo guurtidaa bilaaga ah ee aan soo sheegay

Wabilaahi tawfiiq

Mustafe Hala-Hala

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here