Hargeysa (Hubaal) -Gudoomiyihii Ururka Afgarad Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali Shiine ayaa iska Casilay Xilkii Gudoomiye ee Urkaasi in mudo aha Hogaan ka soo ahaa, Sidaasi Wuxuu ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo uu nuqul ka mid ahay soo gaadhay Xafiiska Wararka Ee Waaheen waxaanu u dhignaa sidan:
“Waxaan u sheegayaa Shacbiwaynaha Somaliland, in maanta oo ay bishu tahay 10/05/2014, aan iska Casilay Xilkii Gudoomiye Nimo ee Ururka Afgarad, hadaba waxaan la socod siinayaa Shacabka Reer Somaliland inay sidaa ula Socdaan, waxaanan u mahad naqayaa dhamaanba Ururka Afgarad Gudo iyo dibadba sidii fiicnayd ee ay iila soo shaqeeyeen markii aan gudoomiyaha ahaa, waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka inaad wadi doono shaqadii samo falka ahayd ee aan awalba ka shaqayn jiray, taasi oo u badan dhinaca arimha Bulshada, sababta aan uga tagay Ururka Afgarad waxa kale maaha ee waxaan ka leexanaya dhinacii siyaasada waxaanan ka shaqayn doonaa Arihamaha Bulsha Hadii ale idmo”.
Allah Mahad leh