Hargeysa(Hubaal):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa taageeray shirka dhalinyarada Somaliland ee muddooyinkii danbe ay qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Hargeysa ku dhawaaqeen in ay ku qabanayaan dagmada Cadaadlay.
Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo kuu jeediyey munaasibad balaadhan oo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ay ku soo dhaweeyeen taageerayaal oo ka soo jeeda magaalada Gabilay ku was oo aad u tira badan isla mar ahaantaan ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaana uu Xukuumada u soo jeediyey in aan laga sasin shirarka ay noocan oo kale ah,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay shirarka noocan oo kale ah ay mudan yihiin in la taageero
“Beryaha waxaynu qalabka warbaahinta kala soconay dhallinyaro ku baaqday inay qabanayaan shirweynaha Dhallinyarada Somaliland. Arrintaasi waxay mudan tahay in la taageero waayo waxaa lagaga bixi karaa shirarka aan maalin kasta maqalo ee beelaha Inay cidina sas ka qaado looma baahna. Xisbi ahaan arrintaas waan soo dhaweynayaa waanan taageeraynaa.Waan inaan badina shirarka qaybaha bulshada ee reer Somaliland sida haweenka iyo ururada mihnadlayaasha”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro