Badhan (Hubaal)- Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beesha Harti oo fadhigiisu yahay magaalada Qardho ee maamul-goboleedka Puntland iyo madax-dhaqameed maamulkaas u dhashay oo uu hoggaaminayo, ayaa la sheegay inay todobaadyada soo socdo socdaal ujeedooyin kala duwan xambaarsan ku imanayaan deegaanno ka tirsan gobolka Badhan ee Somaliland.
Lama oga ujeeddada rasmi ah ee ka dambaysay socdaalka Boqorka Beesha Harti ku imanayo deegaannada gobolka Badhan ee Somaliland, haseyeeshee sida ay tilmaameen xogo ku saabsan socdaalkiisa oo Wargeyska Himilo helay, ujeeddada socdaalka Boqorka ayaa la xidhiidha arrimo siyaasadeed oo liddi ku ah midnimada Somaliland, waxaana la sheegay in qorshaha socdaalkiisa uu ka dambeeyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland oo dhowaan magaalada Garoowe kulan kula yeeshay Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.
Warku waxa uu intaas ku daray in dadka deegaanku oo ka war-helay qaban-qaabada socdaa loogu diyaarinayo socdaalkiisa, ay is-weydiinayaan sababta ka dambaysa socdaalkiisa oo shaki badan ku abuuray maadaama oo aanu boqor Burhaan ka qayb-galin shir dhowaan deegaanka Xiingalool ee gobolka Badhan ugu qabsoomay Beelaha Warsangeli oo ka mid ah beelaha uu Boqorka u yahay.
Ilo-wareedyada aanu ka soo xigganay warkan, ayaa sheegay in boqorka beelaha Harti uu deegaannadaas u imanayo taageero uu shacabka deegaankaas uga raadinayo sidii ay u taageeri lahaayeen maamul-goboleedka Puntland iyo sidii maamul-goboleedka Puntland dib gacan ugu dhigi lahaa gobolka Sool ee Somaliland oo maamul-goboleedkaasi sheegto inuu ka tiran yahay deegaannada maamulkooda hoos-yimaadda.
Deegaanka Xiingalool ee gobolka Badhan waxa dhowaan ku qabsoomay shir-beeleed ujeeddadiisa ay siyaabo is-khilaafsan uga hadleen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo deegaankaas u dhashay, kuwaas oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey saamaynta uu shirkaasi siyaasad ahaan ku yeelan karo Somaliland muddadii uu ka socday deegaankaas. Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ujeeddada shirka ku tilmaamay mid dhaqan oo beeshaasi danaheeda kaga arrinsanayso, wax saamayn siyaasadeed ah oo qadiyadda Somaliland ku-liddi ahina ka soo bixin doonin. Halka Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed uu dhankiisa ka sheegay inuu ahaa shir khilaaf ka dhex-abuuray isla markaana aanay u dhammayn beelaha Warsangeli, siyaasad ahaan aanu wanaagsanayn Somaliland, isaga oo taas ku sababeeyey shirka oo gacanta ugu jiray shakhsiyaad liddi ku ah qaranimada Somaliland.
Safarka la sheegay inuu boqor Burhaan ku imanayo deegaannada gobolka Badhan, ayaa lala xidhiidhiyey inuu ka dhashay socdaal uu Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan dhowaan ku tagay magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, isaga oo halkaas kula kulmay madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo Aqalka madaxtooyada ku qaabilay suldaanka iyo wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayey.
“Waxa lanoo sheegay maalmaha soo socda ayuu imanayaa. Waxa la sheegayaa arrimo dhaqan inuu halkan (Badhan) u imanayo, in kasta oo la yidhi wuxuu u socdaa inuu taageero ugu raadiyo gobolka Sool sidii dib loogu celin lahaa gacanta maamulka Gaas,” sidaas waxa khadka telefonka ugu sheegay Himilo qof ku sugan deegaankaas oo ka cudur-daartay in magaciisa la xigto.
Safarka la sheegay inay madax-dhaqameedka Puntland ku tagayaan deegaannada Bariga gobolka Badhan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa, lamana saamaynta siyaasadeed ee socdaalkoodu ku yeelan karo bulshada deegaanka oo shaki xooggan ka muujiyey.
Ma jiro wax war la xidhiidha socdaalka madax-dhaqameedka Puntland oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, tiroba dhowr jeer oo aanu isku daynay xidhiidho aanu la samaynayo masuuliyiinta xukuumadda ugu jira deegaankaas nooma suura-gelin inaanu khadka telefoonka ku helno si aanu wax uga weydiinno ogaanshiyaha ay ka haystaan socdaalka la sheegay inay ku imanayaan deegaannada gobolka Badhan madax-dhaqameedka Puntland ee uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.