GUDDAHA KA AKHRI: Ciidamadda Laanta Socdaalka Oo Caawa Baadhitaan Dhanka Amaanka Ah Ka Wada Hudheelada Hargeysa

0
38

newsHargeysa (Hubaal) – Ciidamada laanta Socdaalka Somaliland ayaa caawa hudheelada magaaladda qaar ka mid ah. Gaar ahaan, Hudheelo la tuhmay.

Warku ma sheegin cid xabsiga loo taxaabay ilaa hadda, balse waxaa loo badinayaa in arrintani ay ka dhalatay hiigan ciidamada la geliyay oo guud si loo suggo amaanka maalinta Farxadda ciida guud ahaan, gaar ahaan goobaha Madaxda dalku ku tukanayso.

Taliyaha ciidanka Laanta Socdaalka oo aanu la xidhiidhnay waa uu ka gaabsaday inuu wax tafsiir ah ka bixiyo hawl-galkan, hase ahaatee waxaa uu qiray inuu jiro. “Waa hawl-gal ka mid ah baadhitaanada caadiga ah ee aanu ciidan ahaan sameyno, wax dhib ah oo soo kordhayna ma jiraan.” Ayuu yidhi Taliyaha waaxda Socdaalka oo waqtigaas ku jiray hawl-galka laftiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here