Marwo EDNA AADAN Oo Hargeysa Ka Bilowday Dhismaha Warshadii Ugu Horeysay Somaliland Ee Dawada Soo Saari Doonta
Hargeysa (Hubaal)- Marwo Adna Aadan ayaa dhawaan ka bilawday caasimada Somaliland ee Hargeysa dhismaha warshadii ugu horeysay Somaliland ee dawada soo saari doonta.
Warshadan oo dhismaheedu bilaabmay dhawaan ayuu dhismaheedu ka socda xaafada masalaha ee Hargeysa.
Warshada dawooyinka ee Adna Aadan Dhakhtar oo ah warshadii ugu horeysay ee nooceeda oo kale ah ee laga hir galiyo Somaliland ayaa markay shaqada bilawdo dhamaadka sanadka la filayaa inay soo saarto dawooyin la tayo ah dawooyinka dibada laga soo dhajiyo oo Somaliland laga cuno.
Warshadan oo sida laga dheehan karo inay sidoo kale dhaqaale badani ku baxeen ayaa la filayaa marka albaabada loo furo dhamaadka sanadka ee ay shaqada bilawdo in ay ka shaqo gali doonaa ugu yaraan 25 qof oo shaqayn doona saacado dhamaystiran (full time) iyo ugu yaraan ilaa 10 qof oo kale oo shaqo kumeel gaadh ahaan ah kaga shaqa gali doona.
“Hadii aad doonayso inaad guul ka gaadho ganacsiga aad abuurayso, waa inaad ogaataa shaqo kasta oo la xidhiidha ganacsigaaga sida loo qabanayo. Waxaana inaad u diyaar garawdo sidii aad wakhtigaaga fasaxa iyo aduunkii kuu kaydka ahaaba ugu huri lahayd”, ayay tidhi Adna Aadan Dhakhtar oo la hadlaysay dadka mustaqbalka Somaliland ganacsiga ka abuuri doona.
Marwo Adna Aadan oo hore Somaliland uga hir galisay dhakhtarka way nee dhalaanka iyo hooyada ee Adna Aadan Hospital, Somaliland-na inbadan dadaal u gashay inay qayb teeda kaga qaadato xirfadeeda umuliso, ayaa waxay mutaysatay abaal marino caalami ah oo dadaalkeedaas lagu abaal marinayo. Warshadana waa mid cusub oo iyana dheefteeda la filayo inay Somaliland kaalin wayn uga gasho.