Goobtu Waa Halkee,Yaase Bixinaya Kharashka Masaajidka Ay Marwada Madaxweyne Siilaanyo Dhagaxa Dhigtay!

0
32

Berbera-(Hubaal)-Marwada Madaxweyne Siilanyo Aamina weris oo sidii Idaacada Radio Hargeysaba baahisey dhawr maalin ka hor hogaaminaysay wefti wasiiro ah oo ka tirsan golaha xukumada Siilanyo ayaa safar ku tagtay magaalada Berbera.
Marwo Aamina Weris ayaa intii ay ku sugnayd magaalada  Berbera waxay Dhagax dhigtay Masaajid ku yaala xaafada Barwaaqo ee Berbera,Masaajidkan oo ah mid muddo dheer lagu tukanaayey ha yeeshee gaboobay ayaa xogguhu sheegeen in la duminaayo si dib loogu dhiso.

marwada madaxweynaha
Sida xogguhu tibaxayaan Masaajidkan Marwadu dhagax dhigtay ayaa lacagta lagu dhisi doona waxaa bixin doona Dekeda Berbera oo hore u hirgelisay Masaajid ku yaala Dekeda gudaheeda oo Maareyaha Dekedu u bixiyey Masjid Axmed Siilanyo.
Inkastoo ay waajib tahay,Dekeduna ku mahadsan tahay in canshuurtii laga qaadey umada wuxuun gacantooda dib loogu celiyo ama adeegyo mihiima loogu qabto haddana Timir lafbaa ku jirtee arintu sidaa way ka sii yar durugsan tahay oo lacagta ama kharashaadka masaajidkan lagu dhisaayo waxaa lagu dhex qarinayaa lacag kale oo lagu dhisaayo Guri Fooqa oo binadiisu socoto oo ku yaalla Badhtamaha Berbera oo weliba laba mitir iyo jarjar wadada soo galay oo ay mulkiyadiisa leedahay Marwaada Madaxweyne Siilanyo Amina Weris Jirde.
Labada binaba (Masaajidka iyo Fooqa) lacagta lagu dhisaayo waxaa gacantiisa ku bixinaya oo ku maamulaya Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.Cali xoorxooor oo Digrii sare ku haysta ku talaalida Qoysaska madaxtooyada Somaliland isaga danbeeyay musumaasuqa farsamaysan iyo lunsahada hantida qaranka ee ka soo ururta Dekeda Berbera,calaashan Shandadii Siilanyo markuu mucaaradka aahaa sheegi jiray in Cali Xoorxoor madaxtooyada geeyo (Daahir Rayaale u geeyo) ayaa calaa duul isagu bedeshay in Qoyska Madaxtooyada (Qoyska Siilanyo) Gasaro iyo Fooqyo dalka gudihiisa iyo debediisa loogaga dhiso ama loogaga iibiyo.
Yeelkeede Marwada Madaxweyne Siilanyo Aamina Weris ayaa noqotay Marwadii u horeysay ee soo  Somaliland ee Masaajid dhagax dhigta iyadoo Caamo iyo Culimo badani hor iyo dabo yaacayeen.
xigasho: Qarannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here