Golaha deegaanka ee Magaalada laascaanood ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen waxay xilkii kaga qaadeen mayorkii Magaaladaasi Md Cabdiqaadir jaamac saalax, waxana ay doorteen mayor cusub, Md Cismaan saleebaan Jaamac.
Kulanka xildhibaanada golaha deegaanka oo uu ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Sool Md yaasiin maxamed Shide ayaa mayor-ka xilka laga qaaday waxa uu si nadiif ah ugu hambalyeyay hanaanka uu ku tilmaamay mid dimuqraadi ah oo doorasho xor iyo xalaal ah lagaga qaaday xilkii laguna doortay Mayor cusub.