Geeridii Gaarriye: Gilgilkii Naxdinta iyo Goobtii Aaska Hargeysa‏

0
68

Foore illaa Omos (Feberweri-Oktoobar 2012), waa xilliyadii ay nolosha iigu darnayd. Xanuunka macaanka, xaalad qoys iyo wererro kale ayaa jidhkayga sida cadayga u dhuubay. Xitaa haddii aan hurdada u hollodo ma gam’i jirin wax ka horreeya 04:00 arooryo. Saacado badan ayaan sariirta rafan jiray. Habeennimadaas ma seexan, waxa aan ku haasaawayay internet misana waxa aan dirayay erey uu Gaarriye ka yidhi buugga aan qoray ee CULUUMTA MAANSADA. Maadaama oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka Norway waxa aan raaciyay duco aan Alle uga baryayo in uu caafimaad oo uu nolol nagu kulansiiyo. Weedhaasi waxa ay ahayd sidan:

maqaal

“Markaan akhriyey buuggan la magac baxay “CULUUMTA MAANSADA” oo uu qoray qoraa da’yar oo la yidhaa “Siciid Maxamuud Gahayr” oo aan odhan karo waxa uu mudan yahay in lagu daydo,oo uu misaal fiican u yahay dhammaan dhallinta afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan xerta suugaanta.

 

Mar kale waxaan odhan karaa waxa uu gutay qayb ka mida xil ka saarnaa afkiisa hooyo iyo suugaanta Soomaaliyeedba. Waayo,  waddan waliba waxa uu ku tamariyaa ama ku jabaa hadba siday dhallintu uga shaqayso afkooda, dhaqankooda iyo waliba diintooda.

 

Waxaad ka arkaysaa baydadkan soo socda in dhallintu tahay laf dhabarta ummadda:

 

“Hadduu geed engago xaabadaa, laga idlaystaaye

 

Dadkana odaygu goortuu ka tago, iyo islaantiisu

 

Ubadkooda hadha baa tabcoo, aayatiin hela e” (Xaaji Af-Qallooc)

 

Haddaba haddaan u soo noqdo buugga iyo waxa ku duugan

 

Horta buuggan Culuumta Maansada waxa uu xanbaarsan yahay qaybo badan oo mihiim ku ah suugaaanta Soomaalida oo mug balaadhan una qalma magaca uu sito buuggani.

 

Markaa waxaan ku baraarujinayaa bulshada guud ahaan, gaar ahaana da’yarta inay akhriyaan buuggan, iyana ay gutaan waajibka ka saaran afkooda iyo suugaantooda xiisaha badan.

 

Waxaan kusoo koobayaa hadalka in uu jiro qoraa da’yar oo keenay ama ururiyey wax mudan kudayasho .Wa salaamu calaykum”.

 

Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”

 

Abwaan weyn, Mufakar Cilmi-baadhe ah, Bare Sare (Professor) Saynis iyo Suugaaneed, Daahfuraha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed.

 

 

 

Aan waxoogaa faan ah ku daro’e ma la helayaa buug kale oo uu Mujaahid Gaarriye akhriyay kaddibna uu ka yidhi erey-maamuus?. Waa ii sharaf in aan taas nasiib u helo, waxa aan mahad-naq ballaadhan guddoonsiinayaa Aqoonyahan Xuseen Cabdi Cawil (Foodcadde), Guddoomiye Xasan Maxamed Yuusuf Cabdi, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) iyo Aqoonyahan Mustafe Maxamed Kheyrre oo aanu dhammaan isku nahay “Xerta Gaarriye” oo door weyn ka qaatay in aan ereygaas helo muddo siddeed bilood ah waa bilihii Mahiigaan illaa Dabayaaqo (March-December 2009) oo aan sugayay in Macallinkaygu ansixiyo dhiganahaas aan qoray. Kelmaddaasi waxa ay gufays u tahay dhaliilo badan oo ay jeediyaan kuwo aad mooddo in loo diray niyad-jebinta ummadda, hagaasinta dhallinyarada iyo han-duminta qoraayada dhallinyarada ah.

Haddii aan toosay 11:00 barqannimo, waxa aan arkay tilifoonno badan oo isoo wacay. Si aan aashooda u hubiyo ayaan ku celiyay qaar ka mid ah jaallayaashay, waxay ii xaqiijiyeen geerida Maxamed Xaashi Dhamac. Ma xanuunkii ayay geeri darani ii raacday? Ma haynnin taag kale, inta aan luuday ayaan aaday meel ku taalla istaanka gawaadhida ee Burco oo u dhaw tiyaatarka ee Hargeysa iyo gurigayga. Walaw aanay cidi ila joogin keligay ayaa oohin qabsaday. Dadku ma arkaynnin ilmadayda oo indhaha waxa aan ku qarinayay gacmahayga.

Aniga oo habeen saamaleyl ahaa ayaa la yidhi “waxa la aasayaa berri”. Inta aan dhawr saacadood indhaha casaystay ayaan hambabaray 09:00 arooryo. Shaw goobkii guuldarro ayaan ka kacay. Rag badan oo aan wacay waxa ay ii sheegeen in ay xabaashii joogaan. “Adiga ayaa habsaamay” ayay igula garnaqsadeen. Lug ayaan bilaabay, in gaadiid badani waddada mareen ayaa la igu wargeliyay. Illaa Is-goyska Togdheer ayaan socday aniga oo baalla-daymoonaya. “Maxay ahaayeen dadkan aan aaska tegayn iyo baabuurtan iska mushaaxaysaa” ayaan ku xantay intii Hargeysa dharaartaas iska dhex joogtay.

 

 

 

Ma haynnin lacag aan gaadhi ku raaco, waxa gurmad weyn ii fidiyay saaxiibkay iyo walaalkay Axmed Maxamed Faarax “Badeed” oo gaadhi Mark Two ah nooga kireeyay Khayriyada Hargeysa. Sidaas ayaan kaga qaybgalay aaska Marxuumka. Inta aanaan xabaasha gaadhin waxa aanu arag raxan gawaadhi ah: qaar sii socda iyo kuwo soo socda. Miyaa laga soo dareeray!. Waxa noogu darnaa askar waddada tubnayd oo doonay in ay na celiyaan. Malaha waxa ay la socdeen Madaxweyne Siilaanyo oo aaska ka qayb-galay. “Waanu maqalnay amarkiinna” inta aanu ku nidhi ayaanu waddo kale marnay. Ma waxa soconaya amar la soo rogo maalin noocaas ah?.

Waxa aanu xabaasha isku aragnay Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray oo igu yidhi “Siciid, sawdigan xumaaday maxaa dhacay” “Macaan ayaa igu dhacay” “Anigaba waxa uu saaka marayay 400 haddana waan iska fiicanahay”. “Aniga ayaa Sheekh kuu warrami”. Miyaa la tiring karaa. Waa Aadan Tarabbi, Xasan-Ganay, Hadraawi, Siilaanyo, Warancadde, Xirsi, Samaale iyo guutooyin arday ah. Ma awoodaynnin wax ka badan “samir iyo iimaan”.

 

 

 

Waxa ii suurtogalay in aan iilka dul istaago markii laga soo saaray naxashkii uu ku duubnaa. “maradu way sumaysan tahay ee fogeeya” ayaa la lahaa. “La illaaha illa laah” ayaa lagu bud-dhigay. Way iyo way, Alle ha kuu naxariisto. Mooyi in aan subaxaas u kici lahaa wax kale? Sidee ayaan geeri mooyaane uga baaqan karaa aaskiisa? Malaha waa geeridii iigu naxdinta badnayd, marka laga yimaaddo tii aabbahay. Qorshaha aan damacsanaa waxa ka horreeyay wedka. Waxa uu ahaa in aan duubo dhammaan casharrada uu Jaamacadda noogu dhigo haddii Alle soo nabad-celiyo sannadkaas.

Dhambaallo tacsi ah mariyay saxaafadda intii aan awooday gaar ahaanna dhinaca TVyada. Maxaa kulmay dad murugaysan? Maxaa weji boodh leh barada taagnaa. Soo noqodkii waxa aanu is-raacnay Cabdiraxiin Cabdillaahi Ismaaciil (Bidaar) oo ah Suxufi iyo Siyaasi dhallinyaro ah oo aanu saaxiib iyo walaalo nahay. Waxa aanu beegsannay gurigoodii, halkaas oo aanu hadhimo ku cunnay. Duhurkaasi waan gataati dhacay waxaanan toosay salaaddii gabbal-dhaca. Xilli fiid ah ayaan ka lugeeyay Guryosamo oo aan u tallaabay New Hargeysa oo xarun ii ah. Halkii aan ku koray, ku kaalin-qaaday, ku guursaday, imakana ay waalid iyo wiilba ii joogaan.

Keligay ma dareemin geeridiisa, waxa aan la qabanay kumannaan iyo malaayiin ku nool daafaha caalamka. Durbadiiba waxa la bilaabay in la qabto dood-aqooneedyo ku saabsan shakhsiyadda iyo aqoontiisa, munaasibado baroor-diiq ah iyo unkitaanka xarumo Gaarriye loogu magac-daro. Bal aynu taas ka soo qaadanno qoraal aan sannadkii hore u diyaariyay in lagu daro diiwaanka Ilmadii Hal-abuurka ee uu qoray Macallin Boobe Yuusuf Ducaale. Aniga oo xilligaasi ahaa gacan-yare ama arday ka qayb-qaadanaya tifaf-tirka diiwaankaas.

 

 Munaasibidaha, Madal-doodeedyada iyo magac-bixinnada Lagu Maamuusay Gaarriye

 

Geerida Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa ay ahayd warkii ugu badnaa ee lagu baahinayay saxaafadda Soomaalida labadii toddobaad ee u horreeyay bishii Oktoober sannadkii 2012-ka, sida fogaal-aragyada (TV), Wargeysyada, Idaacadaha iyo Mareegaha Internetka oo aan si xooggan ula socday. Waxa kale oo jiray munaasibado Gaarriye loogu baroor-diiqay iyo bar-aqooneedyo loogu magac-daray oo aan si guudmar ah uga sheekayn doono.

 

Warbixino iyo dood-wadaagyo ku saabsan guulihii uu Maxamed Xaashi Dhamac suntaday ayaa lagu daadihiyay idaacado iyo telefishanno aan ka soo qaadanayo:

 

 

 

1.Telefishanka iyo Idaacadda Jabuuti ee RTD waxaana ka qaybgalay dad ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Dhaqanka Jabuuti Md Aadan Xasan Aadan (Beleloo) oo markaa ahaa Guddoomiyeha Naadiga Somali Pen, Madaxa Kaydka Telefishanka iyo Idaacadda Jabuuti ee RTD Md Cabdalle Xaaji Cismaan Ceeleeye, Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka Somali Pen iyo mudan kale

 

2.Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo dood sooyaalkiisa la xidhiidha u qabatay wax-garad ay ka mid yihiin Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) iyo Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

 

3.Dood uu qaban-qaabiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Horn Cable TV oo kulmisay Saxafiyiin hal-abuuurro, fannaaniin iyo qoraayo ay ka mid yihiin Rashiid Sheekh Xaaji (Gadhweyne), Siciid Jaamac Xuseen, Maxamuud Ducaale, Sheekh Maxamuud Axmed Dalmar, Abwaan Cali Axmed Raabbi (Seenyo) iyo Al-fannaan Nuur Daalacay.

 

4.Barnaamij Tacsi ah oo London lagu qabtay laguna baahiyay Teleshinka SLNTV xaruntiisa Yurub waxa ka qayb-galay dad badan oo uu ka mid yihiin Maxamed Baashe Xaaji Xasan, Marwo Caasha Xuseen Marykan, aqoonyahanno, culimo, haween iyo hal-abuurro kulanka ku bilay maansooyin duco ah.

Xaflado badan oo Alle-bari iyo duco ah ayaa marxuumka loogu qabtay qaaraha dunida. Munaasibadaha loo qabtay baroor-diiqda Abwaan Gaarriye ee  maalihii uu xijaabtay ka dhacay dacallada aduunka waxa aynu ka xusi karnaa kuwan:

 

1.Kulan baroor-diiq u ahaa Gaarriye ayaa lagu aloosay Jaamacadda Hargeysa 12/Oktoober/2012-ka waxaana xaadiray maamulka iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Boobe Yuusuf Ducaale oo ka warramay sooyaalkiisa, Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ay halkii SNM saaxiib ku ahaayeen iyo Wakiil ka socday jaaliyadda Norway. Waxa maansooyin baroor-diiq ah ka jeediyay hal-abuurro ay ka mid yihiin Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq), Axmed Cismaan Batuun, Xasan Maxamed Yuusuf, C/Raxmaan Cismaan Cashuur (Baadidoon), Nimco-gabaydo. Sidoo kale goobta waxa ka hadlay Fannaan Cabdinuur Allaale oo metelayay shacabka Jabuuti, Guddidii u xilsaarnaa aaskiisa iyo mudan kale.

 

 

 

2.Jaaliyadda Maraykan gaar ahaanna Minasoota ayaa qabtay madal-bulsheed lagu bandhigay doorkii Abwaan Gaarriye waxaana goob joog u ahaa dad ay ka mid yihiin Abwaan Siciid Saalax Axmed iyo Abwaan C/Laahi Xasan-Ganey

 

3.Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan Boqortooyada Sucuudiga ayaa iyaguna agaasimay kulan loogu duceeyay Abwaan Gaarriye, sidoo kale lagu lafaguray geeddigii iyo guulihiisii nololeed.

 

4.Magaalada Oslo ee Caasimadda Norway oo ah halkii uu Abwaanku ku geeriyooday isla markaana uu Afka Soomaaliga ku dhigi jiray ayaa lagu qabtay barnaamij loogu magac-dray tiiraanyadii Gaarriye, waxa ka qayb-galay C/Laahi Saleebaan Bidde, Axmed Xaaji Nuur, Muuse Jaambiir, Jamaal Cali Cismaan, Wakiilka Somaliland ee Norway iyo dad caddaan ah. Halkaas waxa loogu mahad-naqay dadkii u hagar-baxay muddadii marxuumku xanuunku u jiifay.

 

5.Hudheelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa lagu qabtay munaasibad loogu baroor-diiqay Gaarriye waxaana ka qayb-galay Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland Md C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Seylici), Guddoomiye ku xigeenka KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo mudan kale oo dhammaantood marxuumka u duceeyay.

 

 

 

6.Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama oo uu Marxuumku ka dhigi jiray suugaanta iyo cilmiga uur-jiifka (embryology) ayaa lagu qabtay kulan tacsi iyo baroor-diiq u ahaa Gaarriye oo ay ka qayb-galeen maamulka iyo ardayda Cammuud.

Marka laga yimaaddo munaasibadaha iyo doodaha loogu baroor-diiqay Gaarriye, waxa xusid mudan in loogu magac-daray meelo badan, Guddoomiyeha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas ayaa 15/Feberweri/2013 yidhi  “waxa ii farxad ah inaan kula wadaago inaanu doonayno furista Gaarriye Center for Languages and Culture (Rugta Gaarriye ee barashada afafka iyo dhaqanka). Rugtaana waxa aanu jecel nahay in lagu barto afafka”. Sidoo kale gebagebadii sannadkii 2012-ka waxa Hargeysa laga furay rug-aqooneed (maktabad) loogu magac-daray Hargeysa, tani waxa ay ahayd mid qayb ka ah ololihii doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ka dhacay dabayaaqadii 2012ka, ma aha mid furan. Waxa se farxad ah in Hargeysa laga furay dugsi hoose/dhexe oo Gaarriye la yidhaahdo. Waxa uu ku yaallaa Xaafadda Jigjigar ee Caasimadda.

Maamuuska Gaarriye ma bilaabmin markuu geeriyooday oo qudha, magaalada Hargeysa waxa ka furnaa dhawr iyo toban gu’ ee la soo dhaafay Xarun-murtiyeed lagu keydiyo dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaalida. Waxa hubaal ah in magaciisu ifka ku waari doono inta aan suurta la afuufin, qoraalkanna waxa aan ku af-meerayaa “Alle ha u naxariisto macallinkaygii, abwaankii, halgamaagii, mufakarkii, halgamaagii, xaq u dirikii iyo cilmi-baadhihii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”.

 

Siciid Maxamuud Gahayr

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here