Fikirku Miyuu Ka Sarreeyaa Diimaha? – W/Q. Cabdiqaadir Saleebaan Xaashi

0
40

Dadka mufakiriinta ahi astaamo garaad oo dheeraad ah ma leeyihin, waa laga yaabaa, muuqaal ahaan miyay dadka ka duwan yihiin, ma hubo, laakiin waxaan arkaa qolo timaha la baxda oo iyaga oo

 humaag ruuxdhabanka gacanta ku haya aad sawiro ku arkaysid, markaa ma astaanta mufakirnimadaa inaad timo dheer lahaato noocay doonaan ha u eekaadan hadaad dontana ha feedhine, ama inaad dhaygagto oo aad dhabanka gacanta saarto (Sida Sanabka uu sameeyay Auguste Rodin 1881 kii). Inaad fekertaa ma inaad dadka la yaabtaa oo aad tidhaa sidaas haddii loo fekero iyo sidan haddii loo fekero.

Mufakirnimadu ma leedahay meel laga bilaabo ama albaab laga galo, ma falsafadaa ah albaabka mufakirku ka galo mufakirnimada, ma diinta oo lagu foognaado oo qolo wadaado la yidhaa loogu dhuuntaa, mise odhaadii Karl Marx[1] baa ah halka mufekernimada laga galo ee odhanaysay “Naqdinta diintu waa shayga salka u ah naqdin oo dhan”.

Mufakirku ma waxa uu u fikirayaa inuu naftiisa xoreeyo mise inuu dadka xoreeyo.

Mufakirku xoriyad fikir miyuu abuura oo dadka ka jabiyaa xayndaab fikir oo cid kale ku xidhay, mise isagaaba ka mid ah dadka xayndaabyada ku xidha dadka ee dadka kale ay fikirkiisa u qoolaadan kana dhiga dad iyagu ku dhex fekera xayndaabkaa lagu xidhay, ma hab gumaysi maskaxeed baa mise waa hab maskaxda dadka lagu xoreeyo si dadku xor u noqodaan uguna socdaan fikrado ay dad kale u hibeeyeen.

Qofka ku sifaysan mufakirnimada maxaa ka maqan ee uu raadceeyaa, ma xaqiiqada (Reality) ayuu raadceeyaa, oo toosh daba sitaa, maba xumee haddiise xaqiiqo ay raadceeyaan intii aduunku jiray ba mufakir waa jiraye maxaa loo odhan waayay mufakir hebel baa xaqiiqadii (reality) helay oo xaqiiqaduna waa sidaas. Bal ila yara dhadhami ninka fikiray waxa uu ku fikiray, fikir dheer ka dib, , waa fikiray oo fekeray oo haddana eegay, haddana waa is qaad qaaday oo isla waynaaday, muxuu ka fekeray ee eegay, waxa uu ka fekeray ee eegay waa Quraanka lagu soo dajiyay Nabi Maxamed Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaate muxuu go’aan ku gaadhay, waxa uu yidhi waxani waa Sixir, waa waliid[2].  In yar aan kuu iftiimiyee halkan aayaddu waxay sheegaysaa inuu isla wayni la yimid ina Muqiira, waxase su’aashu tahay fikirka qaar ma kibir baa ka dhasha, mise kibirka iyo fikirkaa marmar badan isa soo jaleeca oo markaad yar fekertaa baa kibirkuna ku soo yara jeedaaliyaa markaasaa laba kalmadood ka dhashaan oo la kala yidhaa isla qumanaan iyo quudhsi.

Su’aalaha mufakirka ku dhaliya inuu fekero, oo mufakirka ka dhiga mufakir ma qaar xaddidan oo la isla yaqaan baa, inuu yidhaa waxaan is waydiinayaa Su’aalo aad u culculus ama su’aal aad u culus dabadeena waqti iyo feker baan ku bixinayaa aragtina waan la imanayaa ama jawaabo culculus baan bixinayaa, aad bixisid bee jawaabahaas ama aragtiyahaasi ma noqon karaan kuwo saxsan waayo mufakir baad tahay waxaad tidhaana waa aragti ku dhisan feker.

Qof kastoo mufakir ahi miyuu ku amaananyahay inuu fikiro waayo wuu fikiraa mise waxaad ileedahay mufakir kastaa waa ku saxsan yahay inuu fikiro oo uu wax la yimaado, haddaan kugu waafaqo inuu ku saxsanyahay miyay qasab tahay inaan kugu waafaqo waxa ka dhasha fikirkiisu waa sax, fikirku se haddii wax aan sax ahayn uu soo saarayo ma u qalmaa feker.

Ninka mufakirka ah tashuush ma ku furmi karaa oo ileen waxan uu adeegsanayaa waa software ka maskaxdee intuu faylal badan furay fayras ma ku soo baxay, waayo hadaad malaysato ama maskaxda qofka ka soo qaado wax sida computer ka u shaqeeya waxaad garan kartaa in computer ka wax fayrus la yidhaa lagu furi karo ama fayras burburin karo macluumaadka (corrupt) si taa la mida miyuu jira wax fayraska u dhigma oo mufakirka tashuush ku furi kara oo fikirkiisa wasakhayn karaa (corrupt garayn kara) mise mufakirka fikirkiisu ma wasakhoobo.

Mufakirka Juquraafigu ma xidhaa mise aduunkaba qol yar buu u haystaa oo il-bidhiqsiyo ayuu ku wareegaa oo isaga talaabaa, waqti se ma xidhaa (time bound/time travel), mise isagu waqti ma yaqaan oo ma kala laha wax tagay, wax soo socda iyo saaka waxa jooga, mise saddexdu waa u mid kaliya.

Haddaba mid baan ka yaabee tolow khiyaalkiisu ilaa xadkeebuu gaadhaa mise khiyaalkaaba hanti u ah oo inta uu doonaa buu ka qaataa oo kama dhargaba , amaba se khiyaalka ayaa isaga lehba amase isagaa khiyaalka ahba mise khiyaalkaa isaga ah.

Mufakirka iyo fikirkiisu ma isku wax kaliyaa mise waa laba shay (entity) oo kala duwan oo kala madax bannaan.  Isna waxaanad ba is waydiin mufakiriintu ma isku mufakiriinbaa mise waa kala mufakiriin, haddii se ay kala mufakiriin yihiin maxay wadaagan ee ka dhexeeya, mise magaca uun bay ka siman yihiin. Nin fikiray hadduu fikiray ma wuxuu ku fikiray inuu laba fikradood kala doorto mise wax uu ka fikiray wax uu isgu leeyahay, waxaan u jeedaa dad mufakiriin isku arka oo fikirado jira uun ku kala fayla oo midba dhinac qabsanayo haddii aad jaad kaas tahay maxaad saaxada mufakirnimada ku soo biirisay mise tiyaatarkaasaad iska soo dhex gashay oo qaar hore oo jaha wareersan oo jiho wareersan u socda ayaad la jaha wareertay, nin dayaysan nin dayaysani ma tilmaami karaa, haa hadduu doono wuu tilmaami karaa lakin tilmaan saxsan se inuu siin ayaa hadal ka taaganyahay.

Mufakirka iyo fikirkiisa wax u dhexeeyaa haddii ba la raadin lahaa waxa la heli lahaa shaqsiyadiisa[3] iyo degaankiisa ama kobta uu ku barbaaray haddiise aan laba raadin ka waran, waa kolba sidaad ka dhigato.  Haddii aad raadiso oo si Allaba badane aad hesho waxa uun aan kugula dardaarmi inaad xidhiidh ka dhaxay siiso isaga iyo labadaas shay ee u dhexeeya fikirkiisa.

Mufakirku diin gaara miyuu leeyahay oo ka duwan diimaha aynu isla naqaan, mise mufakirnimadaa diin u ah mufakiriinta qaar kood, inay fikirka diin ka dhigtaan se wax aan diimahu sheegin ama mushkilado diimuhu xalin kari waayeen ma ku xaliyay diintiisa mufakirninada ah, mise qaar baa inala aaminsan diimaha kala duwan ee dadkii Nabi Aadan dhalay kala haystaan, haddise uu ku yidhaa diintu waa opium ay isticmaalaan dadka intooda badani oo haddaa adiga opium taadu waa maxay ma fikirkaa mise waa inaad diimaha daba qablayso oo meeshay galaanba ka daba gasho ama diimuhu iskugu kaa mid ha ahaadan ama ha kuu kala soocnaadaane.

Fikirku miyuu ka sareeyaa Diimaha? , haa iyo maya, inkastoo Soomaalidu odhan jirtay ilaahayow haa iyo maya meel ha nagaga wada yeedhsiin. Haa, haddii aad aragto diin afkaarta lagu daray ay ka badantahay asalka Samada laga soo dajiyaya (Authentic), haddiise diinta samaawiga ahi sidii lagu soo dajiyay aad u heli kartid waa maya, Tusaale kooban waxan uga soo qaadan diimaha samaawiga ah, Diintii ina Maryan, Nabi Ciise Calayhi salaam tolkii meel adag bay la mareen siday doonaana way ka yeeleen fikiradohoogii bay banbaanooyin kaga dhigeen oo ku qarqiyeen ilaa ay hafatay oo qarqoontay lana gaadhay in Nabigaa la yidhaa waa ilaah, ama saddex baa saddex ah (trinity), dee saddex baa saddex ah ama qof baa ilaahay ah haddii aad fikriyan ku diido waad fikirtay wanad ka kor martay fekerkaa kale lakin halkaad maraysaa aday ku taal meeshaad go’aansato xaqa ka raadi ama cilmaaniyad ka raadi ama diin kaloo Samaawiya ka raadi.  Haddii Proffessor Richard Dawkins uu yidhi ilaaha old testmanku   waa khaakh (monster) u ooman dhiig (blood thirsty) ahna mid daandaasi badan (bully) oo ku dhisan fikrad caruurnimo ah (childish idea) haddana markii la waydiiyay inuu ilaaha islaamka wax ka yaqaan uu yidhi wax badan kama aqaan, diimaha oo dhana uu cadow u yahay meelna uu ka wada taaganyahay yahayna  mufakir reer galbeedka kuwa ugu mufakirsanna  ka mid yahay.

Diinta se ku tidhi “Waxay ka fekeraan cirka iyo dhulka, fikir dheer kadibna waxay yidhaahaan ilaahayagiiyow labadaas, waa cirka iyo dhulkee kumaad abuurin gardaro ama baadil, adigaa xumaan ka nasahane ilaahow noo danbi dhaaf” ma qabo in fikir laga kor mari karo hadaad kaga kor mar istidhaana  waad ka fikiri, cirka iyo dhulkaba, waxaanad ku jawaabi way iska ahaadeen, cidina shaqo iyo shuqul kuma leh aan ka ahayn qawaaniin dabiiciya kuwani waa ayo waa mufakiriin, fikirkoodu miyuu ka sareeyaa diinta mar hadduu natiijo qaldan dhalay mayee kama sareeyo haadanayba ahayn kuwii la yidhi bahaayinka ayay ka liitaan.

In yar ila eeg, waa Richard Dawkins[4], waxa waraysanaya wiil Muslin ah, waa Head to Head[5] halka lagu kulmayna waa Oxford, maxaa la is yidhi: oo miyaad rumaysantahay in Maxamed, waa Nabi Maxamed eh, uu Buraaq ku tagay samada, come on, Mahdi, you are in the twenty first century[6], Mahdi muxuu yidhi miyuu isaga celiyay sidii Nabi Ibraahim uu Namrud iskaga dhiciyay markii uu lahaa, Aniguba waxna waan dilaa waxna waan nooleeyaa?, Mahdi waxa uu yidhi, “ Kaba soo qaad inaan qaldanahay, inantayda yar ee lix jirka ah ee arintan aan u sheegayna qalad aan u sheegay, Richard, can you proof that Mohamed didn’t use winged horse[7]”, Richard, maya macdayn karo inuu raacay iyo inaanu raacin. Waxan kuu sheegayaa in Richard Dawkins waa dhanka aan ka taagnahaye uu jaha wareeray sidii uu ilaahay ku sifeeyay Nemruud ee uu lahaa “fa buhita ladii kafara”.

Fikirka miyaan diidanahay? waxa ka soo baxa ee  ka dhasha ayay ku xidhantahay, mabdi’iyan (principally) ma diidani, haddba waxa maxsuulka fikirkaagu noqdo Ayaan ku go’aan qaadan.

Qof Soomaali ah oo fekeray miyaan diidanahay?, ma diidani lakin waxaan ogahay in isaga laftiisu fikirkaa cid marti uga yahay, haddii uu qoxooti ku yahay wadamada Yurub ama wadan kaleba oo uu marti u yahay, waxa uun aan aaminsahay inuu aragtidooda iyo xadaaradoodana marti uga yahay, waxa kale oo aan ogahay inuu aniga oo Somali ah iyo waxan ahay diirad wayn u soo qaatay oo uu ku eego ceebahayga oo kaliya mase arag wax uu iiga taray fikrad ahaan duruufaha ii gaarka ah ee aan la noolahay.

Cabdiqaadir Saleebaan Xaashi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here