DIFAACIDA RASUULKA:
Maalmihii laso dhaafay waxa ay so bandhigaysay jariirada todobaadlaha ah ee la yidhaa Shaarli Abidu ee kaso baxda magaalada Paris ee dalka Faransiisku aflagaado qaawan oo ay u gaysanaysay Rasuulkeena CSW. Waxa ay cadaysatay colaadda ay u hayso Rasuulka CSW iyo Islaamkaba, koley gaal nasteex kamaynaan sugayne.
Qof aan diin lahayni meel walba oo uu joogo iyo xilli walba oo uu nool yahay waa mid kaliya; waa mid u taagan deedifaynta iyo wax ka sheegida diinta Islaamka. Waa mid dardaran ku sita been abuur kasta oo u gaysan karo. Cidda u mudan ee Muslimiintu sharafiisa ilaaliyaana waa Nebi Muxamed CSW, taas oo ay dhaleecayn iyo wax aanu geyin ku sheegayaan maanta kuwaasi.
Illahay SWT mar uu ka hadlayey gaalada iyo ficiladooda is shabaha wuxu yidhi “waar may isku so dardaarmeen” taas oo mujinaysa gaal xilli walba oo uu joogo inu kii un yahay.
Haddii aad maanta arkayso mid majallad wax kuso daabacaya shalayba afkooga ayey ku dhaleecaynayeen, eeg marku Alle SWT ka waramayey Qur’aanka iyo waxay ka yidhaahdeen “waa saaxir”, “waa gabyaa waalan”, “gelinka hore iyo ka dambe ayaa loso dhiga”, iyo hadalo kasi liita.
Illahay SWT wuxu yidhi “kuwa dhibaya Alle iyo Rasuulkiisa, if iyo aakhiroba waa nacdalan yihiin”, haa imisaad aragtay mid laga fadhiyi waayey oo meel xun ku dambeyey, oo is waayey. Waxa aad taariikhdooda baadha kuwi Makka ku dhibi jiray Rasuulka CSW iyo saxaabada halki ay cidhibtoodu ku dambaysay.
Nin la odhan jiray Kacab Bin Ashraf ayaa maalintu geeriyooday inanku Rasuulku CSW dhalay ee Qaasim yidhi iska daaya Muxamed waynu ka raysan mar hadduu goblan noqdaye. Illahay SWT ayaa uso jawaabay oo suuradda la yidha Kawsar so dajiyey, isagoo aayada ugu dambaysa suurada ku yidhi “ka ku dhibaya waa mid cidhib la’”. Waxa la yidhaa ninkaasi isaguna si xun ayuu u god galay wax ubad ahna kama tegin.
Waxa aad arkaysa cidhib xumada ay leedahay Rasuulka CSW oo aad aflagaadaysa wataa suuradaasi ka waramaysa.
MAXA INALA GUDBOON
Marka koowaad waa inaynu ka xumaano hadalada gefka ah ee lagula kacayo Rasuulka CSW. Waa in aynu ka dhidhino oo hadalo ku lid ah ugu jawaabno kuna difaacno Rasuulkeena CSW. Waa in dawladaha Muslimiinta madaxdoodu ka arinsadaan fal-celinteeda. Waa in aan xidhidh wanaagsan loo mujin inta ay ku jiraan xukumad iyo shacbiba aflagaadada Rasuulka CSW.
Waa in aan adidaad iyo dhib lo gaysan gaalada diimiyiinta ah ee inala degan, haa iyagu waxba inaguma samayn Rasuulkana CSW waxba uma gaysan, cid kalana dhib loo gaysan maayo. Alle SWT wuxu yidhi “nafna lo qaban maayo wax ay naf kale samaysay”. Sida darteed iyaga rabshad iyo xumaan waa in aan lo mujin.
Waa in kuwa ay aflagaadadu ka imanayso Illahay SWT lo barya inu so hanuniyo, haa so Rasuulku CSW kuma ducaysan “Illahow labada Cumer midkood Islaamka ku quwe” waxay kala ahayeen Cumer Ibnu Khadaab iyo Cumer Ibnu Hashaam ee ku magaca dheera Aba Jahal. Marka ka laftisa waa inaynu isku dayna inaynu ka yeelno mid hanuuna oo xaqa u gargaara.
Wakhtiga aynu marayna; waa wakhti laynaga itaal roon yahay, waa wakhti laynaga aqoon badan yahay, waa wakhti laynaga xoolaysan yahay. Waa xilli duni hiigsi leh dhinaceeda la wada xejisanayo qoloba meel ay ka gaadho. Sida daradeed waa inaynu ka tashana xagge ayeynu u socona, se maxay himiladeena iyo hiigsigeenu tahay Islaam ahaan.
Aduunyadu waa maalinba cidhif oo maalina way kula jirta maalina kaa hilisa eeg aayada Qur’aanka ah “maalmuhu waxay ku dhex wareegan dadka” oo maalinba cidba leh. Aayadaasi waxay so degtay marku dhamaaday dagaalki Uxud ee Muslimiinta lagu jabiyey ee ay idilkood is eersadeen, ayaa Alle SWT ku yidhi “wixi dhacay nafiina ayaa kasbaday” oo la lahaa ee cid kale ha eersanina ee qof waloow naftaada canaano. Waa mid kale waad isku jirteen oo waxaydun kala ahaydeen sida aayadu sheegtay “waxa idinku jiray mid aduunyo doon ah, waxa kaloo idinku jiray mid aakhiro doonayey”, xalkii muxu noqday idinka ayaan mid ahayn ee isku milna.
Inta qofka muslimka ahi cadawga uu leeyahay yahay mid kale oo muslim ah. Inta dal kasta oo dal Islaam ahi cadawgiisa u haysto dalka kale ee Islaamka ah ha eegin in aad cid kale iska eegto.
Inta sidaa layskugu maqan yahay haw fadhiyin in cay Rasuul iyo Islaam lagu duulo laga maago. Haw fadhiyin in aad cudud yeelato oo aad wax iska dhiciso intaad gomodahaaga ku maqan tahay. Illahay SWT wuxu yidhi “mu’miniintu waa walaalo”, Rasuulkuna CSW wuxu yidhi “mu’minku mu’minka kale dhis ayuu u yahay, midba ka kale adkeeya”, Allahu akbar, taasi maanta xaggey joogta ma dhis ayeynu isku nahay, ma walaalo ayeynu isku nahay mise midba ka kale ayuu eegaya, reero is haya ayeynu nahay, dalal xifiltamaya ayeynu nahay, bal adba!.
Illahay SWT wuxu yidhi “annaga ayaa kaaga filan (Muxamadow) kuwa kugu dheeldhelaya”. Illahay SWT ayaa ku filan gaalada maanta aflagadaynaysa Rasuulka CSW. Se inagu ma sidii reer Nebi Muuse ayeynu nidha Illahay iyo malaa’igtisa ayeynu u daynay, qaar ka dhidhiya oo ka murugooda oo ka fal-celiya ayeynu noqona. Fal-ceelintu waxay noqonaysaa mid dawladeed iyo mid shakhsiyadeed; dawlad kasta oo Islaam ah waxa ku waajiba inay la xisaabtanto dalka Faransiiska iyo siduu u joojin lahaa aflagadada Rasuulka CSW. Qof kasta oo shicib ahna inu qoraal wacdi iyo si kasta oo u ku difaaci karo Rasuulka CSW sameeyo.
Fal-celinta gacan ka hadalka ahi waxa ay aniga ila muuqata mid aan saxsanayn oo wakhtigeedi aan joogin. Waxa la eega waxa ka iman karaya hawsha la galayo ma maslaxadbaa mise waa mafsado; haddii maslaxadu ku jirto waa la samaynaya, tusaale ahaan nin indha la’ oo asxaabi ahaa ayaa gabadhu qabay uga taagi waayey Rasuulka oo ay caayi jirtay, maalintii dambe ayuu dilay, Rasuuku marku arinkii waydiyey wuxu ugu jawaabay adiga ayaan kaaga taagi waayey, Rasuulku CSW waxba uma qabsan cidina lama hadlin, ogobey gabadhaas marku dilay rabshadi kama aanay dhicin, ninkiina lama dilin, reerkooguna godob uguma aanay qaadin. Sidaas darteed ayaa lo baneyey dilkeeda, maslaxada ayaana noqotay dilkeeda oo rabshad ka weyn ayaan ka imanay, haa waa halkii qaacidadi ahayd “labada dhib, ka yar ayaa la qaadanaya”.
Marka mafsado la eegayana; waxa la yidha haddi sidaa la sameeyo maxa ka iman kara oo dhib ah. Yadna haddii aynu tusaale ka bixino waxa jirtay munaafiqiin Rasuulka CSW dhibi jiray, kuna dhibi jiray hadal iyo ficilba, waxa ka mid ahaa hadaladoodi sida Qur’aanku so guuriyey “marka lagu noqdo magaaladi, ka sharafta badani wuxu ka saari doona magaalada ka duliga badan” “kori eygaaga haku cune” waxaanay u jeedeen Rasuulka CSW. Waxa ka mid ahaa ficiladoodana shir-qoolki ay ku doonayeeen inay ku dilaan Rasuulka CSW. Dabadeed saxaabadi ayaa ku yidhi qoladan dhibkooga aynu iska qabano, oo aynu layno, ka dib ayuu Rasuulku CSW ku yidhi “carabi ku sheekaysan mayso Muxamed saxaabadiisu laaya”. Rasuulku CSW iyaga uma danaynayo ee maslaxadda ayaan ku jirin inu laayo. Sidaa daradeed inagu kiciya xal maaha.
Illahay SWT isaga inagaga filan cid kasta oo Rasuulka CSW wax ka sheegaysa, ee inagu aynu isku noqono oo wixi inaga khaldan aynu dib u saxano, Illahayna waxaynu ka baryayna inu inaga dhigo duul midooba, oo Islaamnimo ku midooba xaqana garta.