DHAGEYSO: “Waji Ku Macaashka Waxaan Leeyahay Wasiirka Beesha Been Ha U Sheegina ,Madaxweyne Siilaanyo-na Been Ha U Sheegina” Garaad Sayid Haaruun

0
37

“waxaan wax ka odhan lahaa waxa loogu yeedhay taageerada  nimanka ku hadlaayey Magaca Beesha Bariga Hargeysa  ee saladiinta odayaasha iyo cuqaasha ahaa ,kuwaas oo aan ku macnayn karo inay yihiin weji ku macaashayaal xaqiiqadiina  aan warkoodaasi  beesha matelin ee uu ku kooban yahay iyaga, lama odhan karo tageerada noocaasi  ahi waa wax ka soo baxay  dad caqli leh , waxa weeyaan umada iyo beesha ay afkeeda ku hadlayaan waa umad tashatay oo hadafkeedu meel yahay,waxaan odhan lahaa waar malaha waxay ku qurux badnayd madaama oo aad afkii  beesha  ku hadlayseen in aad horta beesha ku horeeya oo uu go’aanku sidaa ku soo baxo, imika iyo haatan waxan leehay wasiirka Beeshana Been ha u sheegina Madaxweynahana been ha u sheegina kuwa aad arin kooda taageerada u muujiseena been ha u sheegina Beeshani wey meelaysan tahay  oo tashatay umadanu way ka baxday wakhtigii tafaraaruqa ee inba meel lagu  oodanayay,Madaxweynaha wadanku wuxuu ku yimadaa   codkooda , ee waxa weeyaan haddii idinkoo ash-khaasa aad u muujiseen taageero wax sharici daro ah, waxay soomalidu ku maah-maahdaa hanga-raarac lug uma dhutiyo,  markay siddaa tahay umadan hadafkeedu waa meel waxaan u sheegayaa cid kast oo tageero ka quul daaraynaysa umada iyo Beesha Bariga Hargeysa in aanay ku talo gelin haddii ay Madaxweyne tahay iyo haddii ay cid kale tahay inay halkaa cod ka helaan”Ayuu Yidhi Garaad Sayid

Garaad SayidGaraad Sayid Haruun ayaa ka hadlay talaabadii sharci darada ahayd ee golaha guurtidu muddo –kordhinta ugu sameeyeen xukuumdda siilaanyo isagoo sheegay in Gole sharcidaro ah oo mudo dhaafay wuxuu soo saaro aanu sharci noqoyn “Golaha Guurtida iyo odayaashan waxaan leeyahay wakhtigii aad xilka qabateen waala wada garanayaa,wakhtigii ay mudadu idinkaga dhamayd waala garanayaa,wakhtiga aad maata taagan tihiina weynu ognahay sharci alle sharci  idiin banaynayaa  in aad xilk intaa haysaan ma jiro,umada meesha idin keentay magaca iyo Beelbaa ku timadeen umadi meeshay xilka idiinka jadiidisay ee dib la iidinku dhiibay  lama garanaayo,sidaa daradee wixii ka soo baxa  waxaan odhan karaa  anigoo ku haddlaaya magaca Beesha Bariga Hargeysa maaha in la qaato waajib iyo mubaax toona,waxaan lee yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtid Saleebaan umada qalalaasaha iyo waxaad u horkacayso ka daa waa lagu weydiin doonaa xilkaad haso  haddii aad u adeegsato waxaan bannaanay

Isagoo hadalkiisa sii wata garaad Sayid Haruun wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan odhan lahaa maata ma taagnid  wakhti aad qalalaaso  iyo sumcad daro aad kaga tegti,Rasuulkeeni (NNKH) wuxuu yidhi umadayda cimrigeedu inta 60 iyo 70 u dhaxaysa maanta intaba waad dhaaftay oo waad ka gudubtay  markay sidaa tahay Mujaahidna waad ahayd oo ragii dalka u soo halgamay ayaad ahayd waxa kuu qurux badan si sharaf leh ayaad ku soo fuushay kursiga oo waa taynu ogayn oo taariikhbay noqotay sidii xilka laguugu dhiibay ,iminka si taariikhiya oo xushmada ku jirto ayaan kugu waa nin lahaa in aad u dhiibto ayaan kugu waanin lahaa, waxa lagu maah-mahaa wax-wax ku siiya waad heshaa wax-wax kuu sheega ma heshid,markay sidaa taahay waxa weeye maasuuliyada kaa saran umada  haday mucaarad tahay iyo haday shacab tahay iyo hadday cid kugu hoos nool tahay cid kastay tahay masuuliyada ayaa kaa saran waana lagu waydiin doonaa ilaahay hortiisa ,maanta waxaad sugtaa waa hawgaagii aakhiro wixii aad la tegi lahayd ka diyaarso umada wax wanaagsan iyo khayr u horseed .

Gebagebadii Garaad Sayid ayaa shacabk Reer Somaliland u diray hanbalyo iyo mahad naq isagoo ku dar daaray inay ilaasha daan nabada “shacabka iyo bulshada  reer Somaliland waxaan leehay waxay ku mahad san yihiin  nabad gelyadooda siyay u ilaa shanayaan, cid kasta oo isku dayda inay qala-laase geliyaan ay ka dhega aday-gaan waanay ku mahad san yihiin,waxaan ku boorin lahaa inay amingooda ilaashadaan.

Lasoo Deg Codka Oo Mobile-kaaga Ku Dhageyso

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here