“Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya waa dambiile-dagaal Soomaali ah oo ay ku raad-joogdaan dawladda Canada iyo booliska degaanka Toronto, waxayna…”-Wasiirka Badbaadada Dadweynaha ee Canada
Hargeysa (Hubaal)- Dambiyada saraakiishii sare ee dawladdii Siyaad Barre” ka galeen dadweynaha reer Somaliland, ayaa saamayn qallafsan ku yeeshay taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Genaraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.
Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Cabdiweli Sheekh, ayaa taliyaha cusub ee booliska Genaraal Maxamed Sheekh Xasan magacaabay 9 July 2014, kadib markii weerar khasaare xooggan gaystay lagu qaaday xarunta madaxtooyada Muqdisho.
Haseyeeshee, dawladda Canada (Kanada) ee woqooyiga Ameerika, ayaa shaacisay in taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya Generaal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil uu yahay dambiile lagu raad-joogo, kaasoo la rumaysan yahay inuu ka mid yahay saraakiishii dhinaca ammaanka ee dawladdii Siyaad Barre sannadihii siddeetamaankii ilaa toddobaatannaadkii, xilliyadaas oo ah markii xasuuqa ugu badan lagula kacay shacabka Somaliland.
Sida lagu baahiyey warbaahinta dalka Canada oo Hubaal soo xigtay Wasiirka Badbaadada Dadweynaha Dawladda Canada Mr. Vic Toews, ayaa xaqiijiyey in dawladdiisa iyo booliska degaanka Toronto ku raad-joogaan Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya, loona haysto dambiyo uu galay xilligii dawladdii Siyaad Barre ee burburtay 1991-kii.
“Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya waa dambiile-dagaal Soomaali ah oo ay ku raad-joogdaan dawladda Canada iyo booliska degaanka Toronto, waxayna dawladda Canada u doonaysaa xadgudubyo dhinaca xuquuqda bani’aadamka ah oo hoos taga dambiyada ka dhanka bani’aadanimada, iyadoo loo cuskanayo sharciga dambiyada dagaalka,” ayuu yidhi Wasiir Mr. Vic Toews.
Shabakadda wararka luqadda Ingiriisiga ah baahisa ee Somaliland Sun, ayaa faafisay in aanay dawladda Canada ilaa hadda si rasmi ah u shaacin noocyada dambiyada loo haysto Genaraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, balse sida xogaha la helay tilmaameen, waxa tuhunnada la qabo muujiyeen in loo hayso xasuuq iyo dambiyo-dagaal oo uu shacabka Somaliland iyo dadka kale ee Soomaaliya ka galay xilligii taliskii Siyaad Barre joogay, isagoo markaas ahaa taliyaha nabad-sugida Gobolka Bannaadir, sidoo kalena xilal kala duwan ka soo qabay booliska iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya sannadihii toddobaatanaadkii ilaa siddeetannaadkii oo dhibaatooyin fool-xun lagula kacay dadweynaha Somaliland.
Waxa kaloo wararku sheegeen in taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya lala raadinayo xadhig heer caalami ah, (International arres warrant), taasoo suurtogalinaysa in meel kastoo uu joogo lagu qabto, si loogu qaado dambiyada loo haysto ee ka dhanka ah banni’aadanimada, kaasoo ku jira liiska ilaa 30 qof oo dambiyo kala duwan galay oo dawladda Canada ee woqooyiga Ameerika raadinayso.
Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo markii dawladdii Siyaad Barre burburtay u qaxay dalka Canada, ayaa markii dambe ka baxsaday halkaas, kadib markii uu ogaaday in laga war-helay dambiyada uu galay, iyadoo dawladda Canada caddaysay in sarkaalkaasi aannu safar ku tagi karin dalkeeda, wax oggolaansho ahna la siin si uu ugu noolaado, xabsigana la dhigi doono haddii gacanta lagu dhigo.
Dhawaaqa dawladda Canada, ayaa weji-gabax ku riday Ra’iisal-wasaaraha iyo dawladda Soomaaliya, kuwaasoo hadda ka fikiraya qorshahooda la xidhiidha eedaha loo haysto taliyaha cusub, iyadoo dhinaca kalena taliyihii hore ee booliska Soomaaliya Genaraal Cabdixakiin Daahir Saacid, ayaa diiday inuu xilka wareejiyo, isagoo ku dooday in cidda qudha ee xilka ka qaadi kartaa tahay madaxweynaha, Ra’iisal-wasaaruhuna aannu wax awood ah u lahayn inuu taliyeyaasha booliska magacaabo amma eryo, inkasta oo uu gelinkii dambe ee shalay oggolaaday inuu xilka wareejiyo, kadib markii sida la sheegay culaysyo fara badan lagu saaray fulinta xil-wareejinta.