Dadaal Baa Ina Huran Dhalinyaro-W/Q: Mohamed Omer Odowa

0
126

Dhalinyarada Somaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan Way Amanan Yihiin Wax Badan Oo Lagu Amaano-na Way Gadheen Sidoo kale guulo la taaban karo ayey 5-ti sanno ee u danbeeyey ka gaadheen dhanka siyaasada iyo arimaha bulshada hadana wali waxan dareemaya inay wax dhiman yihiin oo aan awoodi ku jirtay ee dhalinyarnimo 5% Aanay isticmaalin aragtidayda yaree gaaban oo kolay awooda inagu jirta iyo waxaynu qabanay farqi badanba u dhexeeya sidaa darteed maqaalkan yare kooban waxan ugu tallo galay naftayda iyo nafta dhalinyarada Somaliland ee aan jecelahay inaan bal wax yar oo gubaabo iyo dhiirigalin ah la wadaago.cabdiraxmaan

Marka aynu quwada dhalinyaronimo iyo cududa ay leedahay sheegayno waxaynu ku qiimayn karnaa wadankeena 65% ilaa 75% inagoo odhan karna saddex meelodoow laba meelood waa dhalinyaro inagoo ka duulayna oo ka tusaale qaadanayna guri walba ugu badnaan waxa ku nool  labba  ama saddex qof oo waawayn iyo saddex ilaa laba qof oo aad u yar yar ama (under age)ah  halka shan ilaa lix am ka badana dhalinyaro yihiin.

Hadaynu tusaale kasoo qaadano kacdoonki baladhanaa ee ay ku hoobteen madaxwaynayaal iyo xukumado kali talis ahaa ee ka dhacay qaarada Asia gaar ahaan wadamada Tunisia, Egypt, Syria iyo Libya waxaaso dhami waxay ka dhasheen nin yar oo dhalinyar ah oo xaqii uu kulahaa xukumadiisa ka waayey taasi waxay inoo muujinaysaa awoodenu inta ay leegtahay.

Uma jeedo oo uma goll’lihi aynu samayno kacdoon sababtoo ah ma jiraan wax muuqda oo aynu ka kacnaa sidii wadamadaa aynu soo sheegnay,  ee maqaalkaygu wuxuu daraan yahay dhalinyaro inagu aynu is aqoonsano oo kartida iyo awooda inagu jirta aynu yaqiinsano.

Sida aan cadceeda gacanta loogu qarin Karin ayaan awoodeena cidna u dafiri Karin cidna u qarin Karin lakiin waxa is waydiin mudan inaga awoodeenu ma u muuqata sida cadceeda ?

Dhalinyarada aan anuu u horeeyo waxa aan la hurayn oo xaqiiq ah inaynu bari marka aynu ka baxno marxalada dhalinyarnimo isku qoomamayn doono alla maxan waxa u qaban waayey markan awoodayey? alla hadii aan barigaa wax qabsan lahaa? intii nool ee aan imika isticmaalin awooda iyo fikirka ku jira ee maskaxed waa lama huraan in ay qoomamadaasi ku imanayso.

Inaga oo karayna marka aynu waynaano inaynu xusuusteena ku noolano ku raaxaysano oo ku xasilno oo aad kolba soo ceshato dhalinyaranimadaadi iyo sharafti iyo karamadi aad ku noolayd iyo sidaad uga fa’idaysatay awoodi kugu jirtay yaynaan qoomamo iyo ciil kaambi iyo inaynu farta dhexda ka qaniino ku badalan.

Si aynu midho fiican uga helno wakhtigan qaaliga ah ee aynu ku jirno Waxa aynu u baahanahay inaynu marka hore nafteena ka xorowno oo garano oo aamino inaynu nahay quwada manta iyo kuwa dhaxalka wadankan leh ee uu sugayo, Waxaynu u baahanay inaynu ogaano inaan la’aanteen manta wadanku dhinacna u dhaqaaqi Karin sidoo kale in waxqabadkeenu muhiim u yahay dalka.

Maah-maah Somaliyeed-ba ahayd “ nin aamusay hooyadi qadisay ,, iyada oo looga jeedo qof ka aamusan inaan cidna waxba isagoo fadhiya u gaynayn markaa dhalinyaro maaha inaynu sugno inta layna o dhanayo hooya waxan qabta ee aynu is muujino dabadeed waxa laga yaaba in laynoo garaabo oo la yidha walee kuwani wax badanbay qaban karaan ,

maalin dhawayd oo halkan golaha wakiilada hawl yari nagaga xidhnayd oo aanu u soconayn gudoomiye ku xigeenka kobaad  BAASHE aniga iyo niman aanu saxiib nahay anagoo hawshaanu u soconay wadna oo xafiskiisa la fadhina ayaa waxa u soo galay laba xildhibaan markaasay sheekadayadi maqleen intay qosol ku dhufteenbay yidhahdeen ‘ waar dee xeerki aynu kuwan u ansixinay waabu inooga daray , iyaga oo uga jeeda xeerki ay ansixiyeen ee ahaa Da’da uu qofku siyasada ku gali karo markaa waxa shaki la’aan ah in aan wadankeenu diyaar u ahay inay dhalinyaro wax maamusho mararka qaar aad sidaa ugu sii fiir-fiirsato ayaad quus istaagaysaa hadana markaad aragto nin dhalinyar ah oo magaceen sita oo hawshi loo diray sideeda u qabanaya ayaa farxad , firfircooni iyo yididiilo kale ku galaysaa.

 Waynu u mahad celinaynaa aabayaasheen hooyoyinkeen awoowyaasheen iyo dhamaan walidinteen waa kuwa manta wadanaka halkan soo gaadhsiiyey ee ilahay ka sokow inoo keenay nabada iyo xasiloonida aynu ku naalonayno.

 Jiilba waa mare manta waxay maraysaa wakhtigii aynu kasii amba qadi lahayn halkaa ay soo gaadhsiiyeen walidiinteen runti wax fiican ayey soo qabteen meel fiican ayeynu maraynaa hadana waxa lagama maar maan ah inaynu dhaqaaqno ee waa inagiyo taagteen iyo halka aynu gaadhno .

Gabagabadii dhalinyaro dadaalba ina huran waxa lagama maarmaan ah inaynu fadhiga ka kacno

                                                     Mahadsanid

                                          ALLE AYAA MAHAD LEH

Diyaariye : Mohamed omer odowa

CellPhone : 0633554455 ama  0659881919

Email : Odowa110@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here