Militariga xukuumadda shuuciga ah ee Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabisay sawaariikhda nooca ridada dhexe ah oo ay ku rideen xeebta Bari oo u dhaw xaduudka ay la wadaagto Koonfurta Kuuriya,sawaariikhdan oo laga tuuray gaadiidka dagaalka ayaa ku soo beegmay xili dalka Koonfurta Kuuriya uu ka socdo dhoola tus ay si wadajir ah u samaynayaan militariga Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed,talaabadan ay qaaday Waqooyiga Kooriya ayaa u muuqanaysa digniin ay ugu muujinayso dalka Maraykanka iyo dalka ay cadawga yihiin ee Koonfurta Kuuriya