DAAWO SAWIRRADA: Shirkadda Daabacaada Ee SAGALJET & Dallada Dhalinyarada Ee SONYO Oo Iska Kaashaday Diiwaan Lagu Ururiyey Taariikhdii Abwaan Gaarriye OO Loogu Wan-qalay MAHADH-DHO

0
36

 

Hargeysa:(Hubaal)-Munaasibad lagu soo bandhigayey buug cusub oo la magac baxay Mahadho, laguna soo koobay Taariikhda Marxuum Abwaan Maxamed  xaashi dhamac gaarriye, ayaa lagu qabtay Hutel Mansoor ee Magaalada Hargeysa.  Buuggan oo uu qoray Qoraa Cabdiraxmaan Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa waxa soo bandhiggiddiisa  iska kaashaday Shirkadda Sagal Jet iyo Ururka Sonyo, kuwaas si weyn munaasibadaas uga dhex muuqaday.  Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geeddi, waxana uu ku dheeraaday doorkii Marxuuum gaarriye iyo kaalintii uu ku lahaa horumarka ay maansada soomaalidu gaadhay maanta. Abwaan Axmed oo Geeddi, waxa uu Marxuum gaarriye ku sifeeyey shaksiyad lahayd sifooyin aan wali la haynin cid hibo u heshay,  “Waxa uu ahaa qofka ugu mudan ee meel isasoo taaga casharna bixiye, iyadoo hal-tebintiisu ahayd mid aan la heli Karin, waxana uu wax ka curiyey riwaayaddii caanka ahayd ee Aqoon iyo Afgaradd” ayuu yidhi abwaan Axmed Aw Geeddi.

Guddoomiya-yaasha saddexda Xisbi qaran, ayaa iyaguna kamid ahaa Dadkii munaasibadaas kasoo qaybgalay, waxan ugu horrayn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha           Xisbiga Ucid eng. Faysal Cali-waraabe, waxana uu sheegay in Abwaan Gaarriye ahaa shakhsi taariikhdiisa aan lasoo koobi Karin, isla-markaana inta noloshu jirto laga sii sheekayn doono.   Guddomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyeha Xisbiga Waddanai  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)oo isaguna Halkaas ka hadlay ayaa taariikhda Marxuum gaarriye ku dheeraaday, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Qoraagga Buugga Cabdiraxmaa  Guri-barwaaqo.  Darbo oo ku Hadlayey Magaca shirkadda Telesom, ayaa isaguna Halkaas ka Hadlay, waxana uu ku dhawaaqay Boqol Buug oo shirkaddiisu iibsatay.  Barawaani oo ka socday SONSOF, ayaa soddon Buug isaguna halkaas ka qaatay, waxana uu ku dhiirigeliyey shacabka somaliland inay Buugtaas iibsadaan si loo dhiirigelyo qoraaga Buugga.  Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Munaasibadda ka Hadlay, ayaa ku dhawaaqay inuu Laba Boqol iyo Konton Buug iibsaday, taas oo keentay in bulsho badani u sacabo tunto.

 Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna Halkaas ka Hadashay, ayaa ku dheeraatay Taariikhda Marxuum Gaarriye, waxana ay tilmaamtay inuu macallinkeedii ahaan, isla-markaana Xasuustiisu ku dheer tahay, waxana ay ku dhawaaqday in Laba Boqol iyo Konton buug ay lacagteeda bixinayso, iyadoo amar ku bixisay in loo qaybiyo ardaydii Goobta Joogtay.

 

Mahadho

Ibraahim Meygaag

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here