Hargeysa(Hubaal) -Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ka qayb gashay munaasibad xalay lagu qabtay Hotelka Maansoor oo ay goob joog ka ahaayeen haweenka xilalka ka haya Xukumadda Siilaanyo iyo taageerayaashooda.
Munaasibada ayaa lagu sheegay in haweenku taageero ugu muujinayo wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay. Xilkan oo ah markii u horaysay ee haweenay loo dhiibo ayay haweenku ku bogaadiyeen Samsam.
Waxaana halkaasi ka hadashay marwada madaxweynaha, Wasiirka Deegaanka, Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqal insaanka, Maareeyaha Samafalka, Gudoomiyaha ururka Now, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hawenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dib u dejinta, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Shaqaalaha, Safiirka Sweden iyo haween kale oo tiro badan oo dhamaantood ka mida xukuumada Somaliland xilal muhiimana haya.
Intaasi ka dibna waxa halkaasi ka hadashay Wasiirka Maaliyada oo uga mahadnaqday taageerada iyo dhiirigelinta ay la barbar istaageen guud ahaan haweenku una soo dhaweeyeen markii xilkaasi loo magacaabay.