Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo Baarlamanka La Hor Tagay Ansixinta Xeer Aanu Sharciyan U Fahmin + Daawo Xildhibaan Kula
xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha baarlamanka ayaa u ta’kiidinaya wasiirka arrimaha gudaha mudane Cali Warancade oo isagu horkeenay xeer ay aqoon daro ka hayso fahamkiisa sharci
waxaana uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ula hadlay si sharcigu dhigayo isagoo si sarbeebaysana u faray wasiirka inuu samaysto la-talin xaga sharciga ah maadaama uu yahay masuul xaga nabad gelyada ah sidoo kalena u sheegay wasiirka inaan halkan lagu ansixin xeer lagu guul wadeenayo mar uu wax fahansiinayay wasiirka iyo kuwa xukuumadda Siilaanyo u guulwadeeya ee sacabka la hor istaaga madaxtooyada