Garowe (Hubaal) Waxa saaka ciidanka daraawiishta ee ku jira xeradda ciidanka 54-aad ee duleedka magalada Garowe dhigeen Mudahraad ay ku dalbanayaan in si deg deg ah mushaharoodkooda oo ka maqan dhowr bilood lagu soo gaarsiiyo.
Ciidanka oo maalin sii horaysan gadood sameeyay ayaa saaka muujiyay inay ka xun yihiin sida uu wali uga maqan yahay xaquuqda ciidan ee ay dowladda Cabdiwali Gaas ku lee yihiin waxayna ku hanjabeen haddii la bixin waayo mushaharkooda inay sii xoojin doonan gaadoodka ay wadaan.
Bananbaxaan ayay ku dhigaan afeefka hore ee xeradda 54-aad waxana sidoo kale la arkayay ciidamo aad u faro badan oo saaran buuraha Xeradda 54-aad kuwaasoo ku muujinayay inay ka biyo diidsan yihiin hadalada madaxda sare ee ciidanka usoo jeediyeen.
Qaar ka mid ah Askartan oo la hadlay warbaahinta ayaa madaxda Dowladda Puntland ugu baaqay inay bixiyaan mushaharkooda isla markasna ay ilaaliyaan xaquuqda ciidan maadama ay yihiin difaaca Puntland.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili dowladda Cabdiwali Cali Gaas ay ku jahwareersan tahay sidii qarashaadka ciidanka iyo xarumaha kale sida Isbitaalada,Xabsiga Garowe loo bixin lahaa iyadoona arrinta ugu hadalka badan ay tahay sababta loo bixin la yahay mushaharka shaqalaha dowladda qaarkood.
Shirkii Gollaha wasiiradda ee Khamiistii lasoo dhafay qabsoomay ayaan wax hadal ah loogu soo qaadin xaaladaha cakirin ee gudaha Puntland ka taagan balse waxa diiradda lagu saaray socdaalkii madaxwaynaha ee dibadda iyo socdaalo kale oo ay wasiiradda qaar sameeyeen.