“Cidi Waxba Weydiin Mayso Wasiirrada Ku Dawakhay Xilka Madaxweynuhu U Dhiibay Waana Kuwo Garan La’ In Aroorta La Eryi Karo “

0
38

Jaamac-Shabeel Oo Ka Hadlay  Xiisadda Siyaasaddeed Ee Oogan Iyo Wasiirro Uu Sheegay In  Ay Ku Dawakheen  Xilalkii  Uu Madaxweynuhu U Magacaabay

 

 “Markaanu Odhanayno Guurtiyeey Soo Hormariya Doorashada Waa Marka Hawlaha Qabyada Ah La Qabto, Xisbiyadana Waxaanu Ku Heshiinay….”

jaamac shabeel

Hargeysa:(Hubaal)-Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sharraxaad ka bixiyey sida loo hirgelin karo Heshiiskii ay dhawaan Axsaabta dalka iyo Xukuumaddu ku wada galeen in muddo-kordhintii Guurtida laga soo guuro oo mid kooban la iskugu yimaaddo. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa ku adkaystay in waddada kaliya ee sharciga ah ee haatan bannaani ay tahay in la raaco Muddo-kordhintii Guurtidu samaysay, isla-markaana loo baahan yahay in la ixtiraamo. Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in Muddo-kordhinta Guurtidu tahay midda madaxweynuhu dalka kusoo hoggaamin doono, isla-markaana Guddoomiye Cirro uu xilkiisa kusii haysan karo, “xukuumadda Muddo-kordhinteedii waa la sameeyey Golaha Guurtidaana Sameeyey, waana Sharci taasi oo waxay ka Bilaabmaysaa 27-ka bisha jully ee soo socota. Xukuumadda iyo Golayaasha qarankuna Sharciyadda ay kuraasta ku fadhiyi doonaanna waa Sharciyaddaas Golaha Guurtidu sameeyeen.Cirro waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada kusii ahaan doonaa Muddo-kordhintaas Guurtida, Axmed Siilaanyo-na taasuu madaxweyne kusiii ahaan doonaa, cidkasta oo sharciyaddaas ka hortimaaddaana waa cid dalka duminaysa.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel. Jaamac Shabeel waxa uu tilmaamay inaanu jirin farqi weyn u dhexeeya Labada xilli ee Heshiiska Axsaabta iyo Golaha Guurtidu, taasina keenayso inaan la kala fogaanin, waxana uu yidhi,“Annagu haddaanu xisbiga Kulmiye nahay heshiis baanu la galnay Xisbiyada Mucaaridka, Heshiiskaasina waxa uu ahaa wakhtiga doorashada la qabanayaa inay Bisha December 2016-Ka Noqoto. Taasina wax u dhigma oo la barbar dhigo Sharciyaddii dalka u taallay maaha, waxa loo baahan yahay in la fahmo faraqa u dhexeeya wakhtigaas aanu xisbiyada la galnay iyo wakhtiga sharciyaddu sheegayso, farqiga u dhexeeyaana waa laba bilood, waxana la kala taagan taagan yahay bilaha December,2016 iyo March,2017.” Guddoomiye Shabeel waxa uu sheegay in loo baahan yahay sidii looga wada shaqayn lahaa qabyooyinka jira, haddii taas lagu dhiirran waayana Doorashadu dib usii dhici doonto,“farqi laba bilood ahi macno badan oo uu samaynayaa ma jiraan, wax intaas loo qaybiyaana ma ahee waxanu leenahay baroortu ceesaanta ka weyn, annaguna waxanu qabnaa heshiiskaa aanu axsaabta la galnay inuu fuli karayo haddii laga wada shaqeeyo sidii loo dhamayn lahaa caqabadaha doorashada horyaallay. Haddii aan imika la qaban hawlihii qabyada ahaana waxa ay geli doontaa 2020-ka, Haddii Doorasho uun ay cajaladdu kaga dhegtona waa ayaandarro.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel. Mudane Shabeel waxa uu sheegay heshiiskii ay xisbiyada la galeen uu ku yimi caqligooda, isla-markaana ay iyagu isku xukumeen inay la hadlaan, waxana uu yidhi,“Heshiiskii aanu axsaabta la galnay Garashadayadaa keentay, qayladuna waa iska caadi mucaaridka, annaguba markaanu mucaaridka ahayn waanu qaylin jirney laakiin sidoodan maanu sii wadi jirin.” Jaamac Shabeel waxa uu ku adkaystay in Hirgelinta Heshiiskii Axsaabta iyo Xukuumaddu galeen iman doono marka la qaybyo tiro Baylaho uu sheegay inay ka jiraan sharciyadda Doorashooyinka lagu hirgelin doono, waxana uu yidhi, “waxanu ku heshiinay haddaanu shaqaysan karno doorashada waa lasoo qaddimayaa, marka aanu odhonayno guurtiyeey soo hormariya doorashada waa marka hawlaha qabyada ah la qabto, ayaa Golaha Guurtida ka codsanaynaa inay soo qaddimaan oo bisha December ka dhigaan, laakiin iyadoo aan waxba la qaban oo duruuftii shalay lagu kordhiyey ay wali sidii inoo hortaallo af aanu Guurtida ma jirto.heshiiskan dhaqangelkiisu waxay ku xidhantahay hawlaha Caqabadaha ah ee yaalla in meesha laga saaro.” Geesta kale  Jaamac Shabeel waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay wasiirro shaaciyey hankooda musharraxnimo oo uu sheegay inay tahay in ay ixtiraamaan madaxweynaha, waxaanu yidhi   “Horta dadkani waxay doonayaan garan mayno ee iyo murashaxan ayna waydiinayaane Madaxweynuhu waa kii intuu halka soo fadhiistay yidhi Murashax ayaan ahay, Wasiirradaasina   qaar asqeysan weeye oo  jaahwareersan oo wasiir madaxweynihii oo soo fadhiya leh waxbaan sharaxanahay iyo waxba doonayaa waa nin dawakhay oo xilka yar ee madaxweynuhu u dhiibay ku dawakhay oo kaa cidi waxba u diran meyso , ninka garan la’a madaxweynihii xilka ku dhiibtay ayaa meesha fadhiya oo aroorta ayuu ku eryi karayaa ee bal isaga horta ixitraam oo isaga ka dambee oo waxan aad dhureyso horta dib u yara dhigo inta aad xilka ka degeyso ninka inta garan la’a ,maxay arkeen anigu waxay arkeen garan maayo”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here