“Cadaalad Darradu Waxay Keenaysaa Kala Aamin Bax Iyo In Nin Walba Si Gaara Khiyaamooyin Badan U Maleego”

0
39

Hargeysa-(Hubaal):-Cilmi baadhe Maxamuud Daahir Cismaan, oo inta badan ka faalooda Arimaha Bulshada Iyo Siyaasada, oo Waraysi kooban maanta Warbaahinta ku siiyay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ka waramay Xaalada uu maanta dalku ku sugan yahay isagoo arinkaasi ka hadlayana wuxuu yidhi sidan “Awalan waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta kala duwan ee dalka Somaliland, waxaanan kusalaamayaa salaanta islaamka Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabaraakaatuh,Marka labaad waxaan idiinka mahadnaqayaa shaqada ballaadhan ee dalka iyo dadkaba u haysaan, in aad waxa dalkeena iyo dadkeena wax taraya marwalba baahisaanna waa idigu boorinayaa, Salaan ka dib, Waxaan jecelahay in aan ka idin soo gaadhsiiyo fariin kooban oo ku saabsan Xaaladaha bulshadeennu ku sugan tahay, waxaa jira dhibaatooyin badan oo dadkeena ka taagan laakiin waxaa xusid mudan in la garwaaqsado dhibaatooyinka tirada beelay halka ay dabada ku hayaan, taas oo keeni karta in xal waara loo helo.
MOHAMOUD
Cilmi baadhis in badan aan waday ayaan waxaan helay in dhibaatooyinku ay dhowr meelood ka soo fulaan ama kasoo shidaal qaataan Kuwaasi oo ah:- Qabyaalada, Musuqmaasuq, Aqoon la’aan iyo Maamul Iyo maarayn xumo.

midawgii soomaaliya iyo soomaaliland habeenkii uu dhacay ayaa wax laga waydiiyay nin khabiir arrimaha soomaalida ku’ahaa nin kaasu maalintaa wuxu kuwarceliyay hadal nuxurkiisu ahaa “haddaan hogaamiyayaasha soomaalida majaraha u hayaa ay nidaamka qabyaaliga ah ee wadanka kajira wax kabadalin midawgani waxba soo kordhin maayo ” anna waxaan leeyahay taasu soomaaliwayn bay ahayde haddaan maantadaan soomaliland sidan sidhaanta loo socon soomaalilaand waxba sheegi mayso oo waxuunbay mari doontaa halkii qarankii kada’ada waynaa kana ballaadhnaa maray.”

Markale Cilmi baadhe Maxamuud isagoo ka hadlaya Musuqmaasuqa ku baahay Dalka wuxuu yidhi “Musuqmaasuqa iyo cadaalad darraduna waa dhibaatooyin dalka kajira markasta waxii dadkaan wax kuqabsan lahaayeen waxuu marayaa meel qaldan. dalka iyo dadkuba waa dihinyahiin laakiin waxay ubaahanyihiin in latashiilo oo aan lamusuqin.

xagga cadaaladda waatii layidhi rag cadaalad waayay sidii cawsha kalayaac. cadaalad darradu waxay keenaysaa kala aamin bax iyo nin walba sigaara qayaamooyin badan u maleego, aqoon la’aanta iyo maamulka oo fadhiid noqdaana waxay keenaysaa in waxyaabo badan oo laqabsanlahaa laga gaabiyo.

Dhinaca kale Maxamuud Daahir Cismaan isagoo farta ku fiiqaya sababaha keena dhibaatooyinkaasi soo noqnoqoshadooda Waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Soo noqnoqoshada dhibaatooyinkan ama waxa keenay in laga guuri waayo waxa weeyi horta dadkeenu waa dad taariikhda in badan moogan, oo haddiiba Somaliland lafteeda heerarkii kala duwanaa ee aay soo martay aad wax kawaydiiso wax badan inaanay siwanaagsan uga warcelinbaa badan intaan taariikh kaleba laysla gaadhin. marka taariikhdu waa wax aad iyo aad loogu baahanyahay maxaa wacay intay taariikhdaadu gaadhsiisantahay baad horu u socon kartaa, tusaale ahaan haddaad moogan tahay sanadkii hore waxii kaaxumaaday oo waxii maantana kusoo maro sidaad shalaykayeeshay ayuunbaad yeelaysaa. haddaynaan taariikhda wax badan dhugan waxaannu noqonaynaa bacdaa kolba dhinac dabayshu uwadato.

lagasoo bilaabo 1960 kii waxaannu dhisnay intaasoo dowladood oo marwalba aannu kuniyadsamayn in wax wanaagsan soo kordho laakiin waa dhici wayday oo wax xumaada ma’ogiyeh wax noosoo kordhay wali haddaa mahayno, haddaba waxaa is waydiin mudan maxaa keenay in marwalba hoos u dhac ma’ogiyeh horumar loo gaadhi la’ayahay? waa war cad oo nidaamkii hore ayuunbaan dadka ubadbadalaynaahe nidaamkan qaldan marnaba kamaynaan fadhiisan sida looga baxi karo.

Hadda Somaliland marka laga hadlayo waxaannu kasoo go’anay soomaaliya muddo hadda laga joogo labaatan iyo saddex sano. marka mar haddaannu nidaamkii noocaa ahaaa ka biyo-diidnay waxaa innala gudboon inaanu lanimaadno midka gadisan oo kawanaagsan oo soomaaliyadii aannu kasoo go’anay laynakaga sooco, waydiintaydu waxay tahay ilaa hadda maxaannuu haynaa ee soomaaliyadii lixdankii ladhisay kaga duwan nahay? ilaahay baanu ka yaabayn ninka kuyidhahda waxaas iyo waxaas oo wanaagsan baannu haynaa ama waa ruux taariikhda aad u gafsan oon garanaynaa judhiibaa waxii laysku diiday waxuu ahaa, muuqaal sidan aanu nahahay maanta aad ugu egbuu ahaa muuqaalkii dowladdii lixdankii ladhisay.

Dawladnimadeenu ma sii jiri kartaa inagoo ku socona nidaamkii aynu hore ugu soo jirnay ee aynu ku fashilanay, keentayna in aynu taagnaano halkii aynu taagnayn markii aynu xornimada qaadanay?
anigu ruux ahaan waxaan talo umooday umaddeenan.

Cilmi Baadhe Maxamuud Daahir Cismaan waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday dardaar uu u Diray Bulshada Somaliland wuxuuna yidhan sidan “Waa Inaynu samaysanno waddo cad oo bilaa turxaana oo aannu mustaqbalkeena fog u marno. intay waxii soomaali wayn kuburburtay soomaalilaand yaallaan wax macno oo soomaalilaand samaynaysaa majirto. oo shanta shay ee aannu sheegnayba waa arrimihii soomaaliya kala daadiyay.

waa inaanu taariikhda aad uga warhayno si’aanaan dib ugu noqon halkaynu shalay kanimi. hadday sidaasu dhacday waxaannu iska noqonaynaa dad aan meel ay ujeedaan iyo meel ay kajeedaanba lakala garan halkan iyo meel kahoosaysa ayuunbaannu joogaynaa, waa inaanuu xalwaara u helno dhibaatooyinka wadanku halka ay ka’imanayaan illayn inta bullaacaddaasu furantahay waxba ma qabsankarnee, dadku waa inay fakaraan oo aay danahooda ogaadaan isla markaana ilaashadaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here