Hargeysa (Hubaal)-Horraantii sannadkan ayaa ay ahayd markii uu soo baxay warka ah ergadii Somaliland uga qayb galaysay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, in ay magaalada Addis Ababa ku qaateen tababar la xidhiidha wada-xaajoodka iyo sida loo galo. Tababarkaas oo ay madaxtooyada Somaliland ku sheegtay in uu ahaa aqoon-is-weydaarsiyo iyo kulamo ay kaga arrinsanayaan sidii ay guulo ugala soo noqon lahaayeen wadad-hadalka dalka Turkiga. Laakiin afhayeenka madaxtooyada oo warkaas sheegay xilligaasi ma’uu faahfaahin cidda ay aqoon-is-weydaarsigaas iyo kulamadaa la qaateen waftiga Somaliland.
Si kastaba ha ahaato ee waxa uu Wargeyska Geeska Afrika ogaaday in ururka tababarkaas bixinayey oo lagu magacaabo Conflict Dynamics International uu yahay urur ka diwaangashan dalka Maraykanka oo ka shaqeeya ka hor-tagga iyo xal u raadinta khilaafaadka ka dhex qarxa labada dal ama dal gudihiisa iyo in uu yareeyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ka dhasha iyo arrinta tababarkan xidhiidhka la leh oo ah in uu taageero wada xaajoodyada iyo isu-soo-dhoweynta siyaasiga ah. Meelaha uu sida weyn u dhex dhexaadiyeyna waxaa ka mid ah dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, sidoo kale waxa uu ururku bartiisa internet ka ku caddeeyey in uu xidhiidh wada shaqayneed oo xooggan uu la leeyahay guddiyada wada-xaajoodka uga qayb gala Soomaalida. (Soomaaliya iyo Somaliland).
Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Norway iyo Switzerland ayaa ururka Conflict Dynamics mashruuc ku siisay diyaarinta iyo agaasinka siyaasiga ah ee wada hadallada Somalia iyo Somaliland, iyo sidoo kale xal u raadinta khilaafka dhinac walba gaarkiisa uga dhex qarxa, sida muuqatana waa halkaas halka uu ku sal-lahaa tababarka uu ururkani Addis Ababa ku siiyey ergada wasiirrada u badnayd ee Somaliland uga qayb galayey shirkii ugu dambeeyey ee wada-xaajoodka Soomaaliya.
Haddaba hayadda Conflict Dynamics International oo degelkeeda Internet ka ku faahfaahinaya ujeedooyinka iyo natiijada laga doonayo mashruucan ay dalalkani ka caawiyeen ayaa natiijada laga doonayo wada hadallada socda qodobka kuuwaad ku sheegtay “Wada xaajoodka bilowga ah ee ku aaddan nooca uu noqonayo xidhiidhka mustaqbalka ee Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ee Somaliya, waxaa loo marayaa wada xaajood laga yeelanayo sidii loo samayn lahaa biriish lagaga guuro aragtida ah dalal kala madax bannaan si loo noqdo qaran midaysan”
Hayaddan oo uu aas-aasay isla markaana madaxweyne ka yahay Gerard Mchugh oo ah waayo-arag 20 sano arrimaha bani’aadamnimada ka soo shaqaynayey ayaa sheegtay in mashruuceeda Maamulka iyo dhismaha nabadda Soomaaliya (Somaliland ku jirto) oo uu madax ka yahay nin lagu magacaabo Paul Simkin, uu fiiro-gaar ah siin doono in uu xidhiidho la yeesho, waxa uu ugu yeedhay maamulka Somaliland, kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo geeddi-socodka hawlaha dastuurka Soomaaliya.
Warbixin ay hayadda Conflict Dynamics soo saartay bishii Labaad 2014ka oo ah maalmo kooban kadib markii ay magaalada Addis Ababa tababarka ku siisay ergada wada hadallada ee Somaliland ayaa ay ku sheegtay qaabka ay ula muuqato in lagu xalliyo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo nooca ay la tahay in uu noqdo xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya ee mustaqbalku, waxa aanay soo bandhigtay dhowr qodob oo dhammaantood meesha ka saaraya in Somaliland qaran madax bannaan noqoto, kuwaas oo u dhexeeya in Somaliland iyo Soomaaliya ku midoobaan dowlad keliya illaa nidaam ah federal dabacsan oo farogelinta doweladda dhexe ku yaraanayso Somaliland. Lixda qaab ee ay Conflict Dynamics International soo bandhigtay oo ah qaar ay si indho la’aan ah u soo saareen, dhammaantoodna tusaalayaashooda watana waxa ay kala yihiin:
- Dowlad midaysan oo awoodo baahsan leh, oo ah in maamul daadajin ballaadhan uun ay dowladda dhexe samayso, waana nidaamka ay ku dhisan yihiin dalalka Ghana, Indonesia iyo Ingiriiska.
- Dowlado Federaal ah: Oo macnaheedu yahay in qolo kastaa ay nidaam dowladnimo oo dhamaysitran leedahay laakiin meel sare isugu yimaaddaan, waxaana ku dhaqma dalalka Argentina, Ciraaq / Kurdiga iyo Malaysia.
- Qaran midaysan oo maamul hoosaadyo awood badan leh: Serbia-Montenegro ayaa ku dhaqmaysay intii u dhaxaysday 2003-2006dii, sidoo kale waxaa hadda nidaamkan ku dhisan dalka Imaaraadka Carabta.
- Midow Xor ah: Oo ah in labada dhinac mid kastaa dowladdiisa iyo nidaamkiisa maamul oo dhamaysitran yeesho, balse meel sare oo calanka guud, baasaboorka iyo arrimo la mid ah lagu midoobo, waxaana hore nidaamkan ugu midoobey dalal ay ka mid yihiin; Bougainville oo la midowday Papua New Guinea iyo New Caledonia oo iyaduna nidaamkan dowlad kula wadaagtay dalka Faransiiska.
- Dallada qaramo madax bannaan: Oo ah nidaam dal kastaa madax bannaan yahay balse uu axdi iyo qaab dallad ah kula midaysan yahay dalka kale, waana nidaamka ay ku wada shaqeeyaan dalalka Masar iyo Suudaan, dalalka Midowga Yurub, Dalalka loo yaqaan Bulshada Bariga Afrika (East African Community) iyo Dalalka Gacanka Carabta (Khaliijka).
- Iyo ugu dambayntii nidaamka ah, Is-dhexgal dhaqaale iyo siyaasadeed oo ah in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala noqdaan laba dal oo kala madax bannaan balse ay iskaga jiraan arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda guud oo lagu hago axdi rasmiya oo u dhexeeya.
Ugu dambayntii in urur aragtidan iibinayaa uu ku lug lahaado wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland gaar ahaanna dalal saamayn weyn ku yeelan kara jihaynta natiijada wada-xaajoodku (Norway iyo Switzerland) ay u igmadaan in uu ka shaqeeyo isu-soo-dhoweynta siyaasiga ah ee Soomaaliya (Somaliland ku jirto) waxa uu tooshka ku shidayaa rajada ay weli dalalka wada-xaajoodka wadaa ka leeyihiin in Soomaaliya ay sii ahaato qaran magac keliya leh, arrintaas oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inta badan carrabka ka du’do, muwaadiniinta caadiga ahna wada xaajoodka ugu sheegto in ay yihiin kala gurashadii ugu dambaysay ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aanay dhalinaysaa su’aalo la xidhiidha sababta ay Somaliland dhex-dhexaad ugu aragtay urur aragtidaa ku dhisan iyo dalal fikirkaa ku shaqaynaya oo haddana ku tababaraya qaabka ay tahay in ay ula hadlaan Soomaaliya, oo dabcan la malayn karo in ay u jeexayso uun jidka tegaya qaabka ay hayaddani u aragto in xalku ku dhammaado. Waxa aanay mar labaad soo celinaysaa aragtida ah in qaladka ugu weyn ee ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka gashay dhinaca wada xaajoodku uu ahaa ogolaanshiyihii in Turkigu gogosha dhigo dalalka kalena gacan aad u yar ku lahaadaan.
Geeska