AKHRISO+DAAWO SAWIRO: Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Loo Baneeyay Wasaaradda Duulista + Mashaariic Horu Marineed Oo Laga Hir Geliyey Garoonka Diyaaradaha

0
51

Hargeysa(Hubaal):-madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jiray dhismaha cusub ee wasaarada duulista iyo Somaliland iyo mashaariic kale oo laga hir geliyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa waxa uu kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay wasaarada duulista iyo hawada Somaliland iyo sidoo kale xafiisyada wasaaradaasi.

DSC_0023

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo dhaweeyey dhismaha cusub ee loo bineeyey wasaarada duulista iyo hawada Somaliland, waxaanu kormeer ku soo maray xafiisyada kala duwan ee wasaaradaasi ka kooban tahay.

DSC_0016

Dhinaca kale madaxeynaha Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic horu marineed oo laga hir geliyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo qaybnaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaaarku, halkaas oo uu war bixin kaga dhagaysanayey wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi.

DSC_0050

Sidoo kale  waxa uu madaxweynaha Somaliland kormeer ku soo maray  dhismaha wajiga labaad ee Run Way-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kaas ilaa haatan dhismihiisu socdo.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo markii madaxeynaha Somaliland xadhiga ka jarayey dhismaha wasaarada faah faahin ka bixinayey  mashruuca lagu hir geliyey dhismaha wasaaradaasi ayaa waxa uu sheegay inay ku baxday lacag gaadhaysa $280,000 taas oo ay  bixisay xukuumada Somaliland, waxaanu wasiirku si faah faahsan uga waramay inay xukuumada wax ku qabanayso dhaqaalaha wadanka isla markaana lagu horumarinayo.

DSC_0079DSC_0113DSC_0094

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa uu mucaaridka ku dhaliilay inaanay ka hadal horu marka ay xukuumadu samaysay, waxaanu tilmaamay inay xukuumadu wax badan ku qaban doonto dhaqaalaha wadanka ee ay gacanta ku hayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here