AKHRISO+DAAWO: Kooxda La Magac Baxday Khaliifada SHAAM Ee Ka Dillaacday Dalka Ciraaq Oo Del-delay Wiil  Faadir Ah Oo Ay Sheegeen Inuu Sabab La’aan Soomi Waayay

0
202

Kooxda Daish (ISIS), ee dalka Ciraaq ayaa salbiyay nin dhalinyaro ah iska cunteeyay maalin-nimadii Ramadan kaas oo sida ay sheegeen cunteeyay, isagoo aan wax cudur daar ah u haysan ama sida ay kooxdaasi sheegtay safar ahayn, wax xanuun ahna aan qabin.

Ninkan dhalinyarada ah oo lagu salbiyay magaalada Mosel waxa la qabtay wakhti saacado koobani ka hadhsan yihiin afurka, xiligaas oo lagu qabtay isaga oo cunaya xaraan, waxaana loo del delay sida gaaladu ku doodo in Nabi Ciise (CS), loo salbiyay, taas oo loox isku talaab ah lagu deldelay.

Kooxdaas ayaa ninkan dhalinyarada ah markii ay del delayeen laabtiisa ku dhejiyay halku dhegyo ay ku cadaynayaan, sababta ay u del deleen, taas oo ku qoran afka carabiga, waxaana marka la macneeyo ay ku dhejiyeen qoraal u dhigan, “Waxa loo salbiyay ninkan isaga oo cuntu si xaaraan ah u cunay maalin Ramadan isaga oo aan wax cudur daar ah u haysan.”

SAWIR Faadir ahDad badan oo eedeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ficilada ay ka qaataan diinta ayaa talaabadan kooxda Daish ka qaadatay, ninkaas ee ay ku del deshay ku tilmaamay mid deg deg badani ka muuqdo, sawir khaldana ka bixinaysa diinta Islaamka.

Dadka sidan u doodaya waxa ka mid ah culimo waaweyn oo loo dabo fadhiisto arrimaha diinta, kuwaas oo sheegay in qofka Ramadanta ku xad gudba, ciqaabtiisu aanay ilaa heerkaas gaadhsiisnayn, waxa kale oo deldelaada ay adeegsanayaan ay ku tilmaameen mid gabi ahaanba ka soo hor jeeda sharciga ayna kaga daydeen kiristaan, taas oo marka la fasiro la odhan karo, waa qaab muujinaya in kooxdaasi ku qanacsan tahay ama aaminsan yihiin, in Nabi Ciise (CS), la del delay, mar haddii ay sidii gaaaladu u aaminsanayd si la mid ah dadka u del delayaan.

Faadir

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here