Hargeysa (Hubaal) Qoraal kooban oo goor dhaweyd laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay waxqabadka u qabsoomay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Afartii Sanno ee la soo dhaafay qoraalkan oo uu ku sexeexnaa afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxa uu udhignaa sidan:
WAXQABADKII XUKUUMADA U QABSOOMAY AFARTII SANNO EE LA SOO DHAAFAY
02.08.2014
Marka hore dhamaanba shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba guddaha iyo dibadaba waan salaamayaa, waxaana ku bogaadinaynaa sida iskaashigooda iyo isku duubnidoodu qaran ahaan ay inoogu suurto gelisay in waxbadani ay noo qabsoomaan, waana ILAAHAY MAHADII,
Intaasi ka dib walaalayaal muddo Afar sanno ah ayaa haatan ka soo wareegtay markii xilka qaranka iyo hogaamintiisaba ay la wareegeen madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ka dib natiijadii ka soo baxday iyo doonistii shacabka reer Somaliland sida dimuqaraadiga ah ay ugu doorteen hogaaminta dalka xisbiga kulmiye kuna badaleen xisbigii talada hore u hayay ee UDUB, waxay ahayd marxalad guul ah sidii nabad-galyada ahayd ee wax waliba ay ku dhamaadeen, in kastoo dalka ay taalay duruufo adag iyo goldaloolooyin u baahnaa in deg-deg wax looga qabto, waxaa nasiib wanaag ahayd oo kale sidii shacabka Somaliland ay filayeen kuna doorteen xukumadan, ayaa madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland uu markiiba dhaqaajiyay barnaamuj wax-qabad iyo qorshe hagid siyaasadeed leh oo koobayay baylaha tirka duruufihii yaalay oo dhan.
Sideedaba waxaa ay ummadi ku jiri kartaa oo qaran ku dhismi karaa marka ay jirto Maba’adii aas-aasi ah oo ku salaysan aaminsanaantooda aragtida guud ee ummadda oo ku qotoma go’aan loo dhan yahay kaasina waxa uu ahaa in go’aankii shacab ee dadka reer Somaliland ay ku go’aamiyeen magaalada BURCO 1991-KII waana takeentay dhowrista iyo ilaalinta hadafka qaran-nimada gayigan reer somalilandna ka sabato bixiyay duruufaha adag ee ka jira gobolkan geeska Afrika oo meelo badan oo ka mid ah ay ka taagan yihiin nabadgalyo darro iyo awood kala hororsi, waayo inaga shacab ahaan meel marinta go’aankeena qaran-nimo ayaa inagala wayn waxkasta oo kale oo khuseeya dane qof amba mid kooxeed. Marka hadaba la eego ama aan dib ugu noqono afartii sanno ee aynu ka soo gudubnay ee xukummadan uu hogaaminaayay Madaxwayne Axmed Maxamed (Silaanyo) xilka ummaddana haysay wixii ay qabatay waxay noqotay natiijadii ka soo baxday horumar iyo wax-qabad muddo gaaban qarankan u keenay isbadalo, siyaasadeed dhaqaale, kor u qaadida dhisme hay’ado dawladeed oo sal adag ku taagan, kor u qaadida adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale, daryeel tayayen shaqaale iyo darajo ciidan, amniga qaranka, gogol walaalnimo , maamul fidin, abuurida iyo midaynta xooga ummadda iyo xukumada oo dhinaca wax wada qabsiga u dhaqaaqay, soo celinta haybadii dawladeed iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeedooyin iyo hadaf beesha caalamka lagu gaadhsiinayo qadiyada qaranimo ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin intaasi oo wax-qabad ah oo raacaya dariiq qeexan iyo hogaamin ay u dejisan tahay halka loo socdo iyo halkii laga yimid ayaa qarankan ka dhigtay dal iyo dad u jihaystay, xaga hormumarka deganaanshiyaha iyo rajo ku dhisan waxa aynu qabsanaa inay jawaab u tahay gaadhida himilada qaranka ee beesha caalamka.
Qodobadaasi aynu kor ku soo sheegnay ayaan mid mid u dulmari doonaa waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee xukumada madaxwayne Silaanyo qabatay oo xaqiiqadii doorashadiisii ay shacabka Somaliland ay u ahayd fursad wax-qabad oo dadkeena iyo dalkeenaba u soo korodhay
1. NABADGALYADA QARANKA (National security)
Waxaa ILAAHAY MADAHDII AH in guud ahaanba dhulka Jamuuriyada Somaliland ay ka jirto nabadgalyo buuxda , xukumada Somalilandna waxay si mugleh ugu shaqaysay sii xoojinta nabadgalyada dalka, xaalad kastoo timaadana oo dhalinkarta nabadgalyo darona waxay ku xalisay caqli aqooneed iyo waayo aragnimo sii adkaysay walaalnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland oo fahamsan aas-aaska wax noqoshadeenu in ay tahay kuna tiirsan tahay nabadgalyada, waxaa xukumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ay xooga saartay tayeynta, balaadhinta, tababarada iyo qalabaynta hay’adaha qaranka ugu qaabilsan nabadgalyada kuwaasi oo xasladay nabadgalyada Jamhuuriyada Somaliland, waxaa xukumaddu iskaashi dhinaca nabadgalyada ah ay la gashay wadamada jaarkeena iyo kuwo caalamka kale ah, waana qorshayaasha nabad-galyo ee ay xukumadani ay u dejisay geyigeena uu ka dhigay meel ka caagan budhcad badeed iyo dibaatooyinka ay wadaan kooxaha argagixisadu, waxaana amaan mudan shacabka reer Somaliland oo gacan buuxda xukumada ku siiyay ilaalinta nabadgalyada geyiga oo qof waliba halkiisa uu ku noqday xilqaad nabad-galyada dhowra kana jira in cid kale ay dhaawacdo nabad-galyada.
2. WAX-QABADKA XUKUMADU AY KA QABATAY ADEEGYADA AAS-AASIGA AH EE BULSHADA .
A) Waxbarashada (Education)
Madaxwayanaha Jamuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) isagoo og-kaalinta iyo saamaynta aqoon la’aantu ay bulshadu ku yeelan karto horumarkooda iyo ilbaxnimadooda , isla markaasina ku xisaabtamaya aqoontu in ay tahay tan abuurta hal-abuur, ummadda u keena horumar iyo mustaqbal wanaagsan, ayuu dalku u dhigay siyaasad waxbarasho oo dhamaanba ubadkeena siinaysa fursad waxbarasho oo aanay lacagi ku xidhnayn , culays kasta oo dhaqaale oo ay arrintaasi ku keenaysay qaranka oo dhaqaalihiisu aad u kooban yahay kamay hor istaagin in uu barnaamijkaasi uu guulaysto , waxaana xukumadu ay bilaash ka dhigtay dhamaan waxbarashada aas-aasiga ah, waxaa ay talaabadaasi ay keentay in ilmo kasta oo reer Somaliland ihi meel kasta oo dalka ka mid ah hajoogee ay heleen waxbarasho bilaash ah waxaana lagu garan karaa qiimaha arrintaasi iyo haraadka loo qabayba in sanadkii koowaad ee xukunka xukumadan ay kordhaan arday u dhiganta kala badh ardaydii reer Somaliland ee hore iskuulada ugu jiray kaasi oo korodhka uu gaadhay 43.3% waxaana xukumada oo taasi si fiican uga baarandagtay iskuna halaysay waxa aynu haysano ay u dhaqaaqday kordhinta macalimiinta si ay u daboolaan baahida waxbarasho ee ardaydii soo korodhay, waxaa xusid mudan markii ay xilka la wareegtay xukumdani macalimiinta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare wax ka dhigaa ay ahaayeen 2,000 oo macalin oo xukumadihii kala danbeeyay ee xukuumadan ka horeeyay midba meel ay soo gaadhsiisay shaqaalaynta macalimiinta, hase ahaatee waxaa arrin guul ah in muddadaasi afarta sanno ah ee xukumadani ay talada haysay ay shaqaalaysay 4,500 oo Macalin oo waliba lagu xushay Awoodooda aqooneed ee gudbinta waxa ay dhigayaan, waxaa wax-barasho dibadeed ay xukumadu ay u dirtay 2,500 Oo arday waxaa la dhisay 600 oo Dugsi oo sigu jira kuwo hoose dhexe (15 Dugsi) oo ah dugsiyada sarre ayaa kordhin, dhisid iyo dayactir ay ku samaysay, 266 Hablood ayaa ay xukumadu ay siisay deeq waxbarasho, waxaa la dhisay dugsigii farsamada gacanta ee Burco lana qalabeeyay si dhakhso ahna ay hawshii wax dhigistu ay uga bilaabi doonto .
3. WAXQABADKA CAAFIMAADKA
Waxaa dhab ah awooda caafimaad qabka bulshada ama qofku ay tahay ta horseedka ka noqon karaysa bulsho u taagan nolosha iyo mustaqbalkooda danbe, waxaa muhiimada arrintani ay tahay qaran ahaan in bulshada reer Somaliland hesho caafimaad ku filan waa talaabo xoojinaysa awoodeena wax-qabsi.
Xukumada Somaliland hindihiseheedu wuxuu yahay abuurida iyo hormarinta caafimaadka dadkeena, iyodoo dadaal badan dabadeed xukumadan talada haysaa wax-qabadkeeda dhinaca caafimaadku uu ku tusayo natiijo wanaagsan, waxaa xukumadu dalka goboladiisa iyo degmooyinkiisa kala duwan ay ka hirgalisay 689 goobo caafimaad ah oo iskugu jira, cisbitaalo gobol ,kuwo degmo, MCH-yo , health post-yo waxaana ay hogaanka qabatay oo ay la wareegtay afar sano ka hor iyadoo dalka ay jiraan 260 goobood oo caafimaad waxana inoo soo baxay tirooyinka goobaha waxqabadka caafimaadka markaan eegno, korodh kala badh ka sareeya oo muddo gaaban ku qabsoomay, waxaa kaloo xukumadani ay goobaha caafimaadka ka hawlgalisay 38 Ambulance waxa la hawlgaliyay 8 xarumood oo lagu daaweeyo khaasna u ah cudurka TB-da, waxaa xukumadani dadaal wayn u gashay sidii loo helilahaa mishiinada kaliyaha lagu sifeeyo oo aan jirin dalkeena dhibaato badana dadkeena ka haysatay iyadoo cida ay awoodi kartaa mooyee, dadkeena aan awoodi Karin arrintaasi dad faro badan ay u dhintaan ama ay waxyeelo ka soo gaadhay waxana haatan shaqeeya dalkeena gudihiisa 7 mishiin oo kaliyaha lagu sifeeyo oo xukumadani ay keentay baahiwayna ay dabooshay, waxaa shaqaala caafimaadka xukumadani ay ku kordhisay shaqaalihii hore 2,559 shaqaale waxaan hore u jiray 1,374 shaqaale ah, waxaa la hirgaliyay siyaasada daadajinta caafimaadka si goobta iyo qofka la badbaadinayaa ay iskugu dhawaadan gurmadna loo fidin karo
4. CADAALADA IYO GARSOORKA
Cadaaladu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan marka la eego dhisme bulsho iyo mid qaranba, dhismaha cadaalada oo dastuurka si cad ugu tilmaaman , waxaa xukumadani markii ay timid ay ahayd cadaaladu meelaha loogu hadal haynta badan yahay wax ka qabashadeeduna ay lagama-maarmaan u ahayd dhismaha qaranka, waxaana xukumadani oo taasi ogayd ay si mug leh dib ugu eegtay dariiqii dheeraa ee qaabka cadaaladeenu ku socotay.
iyadoo la sameeyay dib u habayn wayn oo ku saabsan dhismaha cadaalada ee dalka iyo qiimaynta wax-qabadka iyo ka war haynta dhibaatooyinkii haystay bahda garsoorka iyo cadaalada iyo dadka loo adeegayo .
Dib u eegistaasi lagu sameeyay cadaalada waxay keentay in la qabto shir-waynayaal arrimaha cadaalda iyo garsoorka lagu naaqishaayay , waxaana ka soo baxay qaab iyo habab loo waajahayo nidaamka cadaaladeed iyo garsoorka oo saldhig u ahaa is badalka wayn ee maanta ka muuqda cadaalada iyo garsoorka dalka, waxaa la tababaray dhamaaanba hawl-wadeenada cadaalada, waxaa la qoray garsoorayaal iyo hawlwadeeno cusub oo la biday aqoontooda cadaaladeed in ay noqon karayso mid wax ka tarta arrimaha Cadaalada iyo Garsoorka iyadoo sida wanaagsan looga faa’idaysanayo, oo waxtaraysa nidaamka cadaaldadeed ee dalka waxaana la dhamaystiray dhismaha heer gobol iyo heer qaran ee hay’adaha cadaalada ka shaqeeya in kastoo cadaaladu ay tahay hawl adag oo u baahan wakhti dheer sixideeda ayaa hadana dadaalada xukumadani ay ugu jirto uu yahay mid maalin kastaba u socda in wax la hagaajiyo
waxaana amaan mudan masuuliyiinta caalada uga masuulka ah oo xilkasnimo wayn, qabashada iyo hagaajinta hawshan ka muujiyay.
5. WAXQABADKA MASHAARIICDA BIYAHA (water)
Xukumada madaxwayne silaanyo bilowgii qabashada hogaankaba waxay dadaal wayn ay u gashay isla markaana ay ku guulaysatay in Somaliland ay ka hesho dadaal dabadii midowga yurub deeq lacageed oo dhamayd $28 milion lacagtaasi oo xukumadu ay u qorshaysay in wax lagaga qabto baahida dhinaca biyaha ee ka jira magaalooyin badan oo dalkeena ah oo ay ka mid yihiin magaalada Hargaysa, Burco, Togwajaale, Boorama iyo Ceeri-gaabo, waxaana haatan la dhamaystiray dhuun 12 km ah oo biyaha soo gaadhsiisa hargasya, waxaa kale oo 21 dhuumood oo biyo galin ah lagu kordhiyay magaalooyinka burco,boorama iyo berbera , waxaa kale oo la dhamaystiray qodaalka 65 ceel oo riigag ah degaanada miyiga ee dhibaatad biyo la’aantu ay haysatay waxaa kale oo xukumadu ay dhamaystirtay 25 Tuulo biyo galintood oo badankoodu ku shaqeeyan tamarta la cusboonaysiiyay , iyo qodida 8 dhaam iyo hirgelinta shuruucda qodaalka riigaga, waxaa intaasi dheer booqashadii madaxwaynuhu uu ku tagay Emirate ka carabta ay inoogu deegeen biyo galinta qaybaha ugu muhiimsan ee magaalada hargaysa, iyo Mashaariic kale.
6. WAXSOO SAARKA BEERAHA IYO DARYEELKA XOOLAHA (LIVESTOCK AND AGRICULTURE)
a) Beeraha:
Waxaanu ogsoonahay in baahideena cuntadu ay ku tiirsan tahay raashinka dibada inooga yimaada, oo laba dhibaato inoo leh, tan koowaad tayada cuntooyinka inooga yimaada oo aan tayo ahaan wanaagsanayn iyo ta labaad oo ah isku halaynta dadkeena cuntooyinka dibada inooga yimaada oo heerkii fikirka iyo hindihisoogi wax soosaarka gudaha hoos u dhigay. waxaana is waydiin leh baahidaada cuntada oo gacantaada iyo geyigaaga aan ku xidhnayni sidee ayay ku noqon kartaa mid aad noloshaada ku halayso.
Xukumadan oo ah xukumadii horumarka, xilka iyo waajibaadka hogaaminedna uu ku waajibinayo ku hagista ummadda sharciga iyo hidisayaal cusub oo bulshada u dhaqaajin kara xaga horumarka, ayaa xukumadani juhdi wayn ay galisay barnaamij dhiiri galinaya wax soosaarka midhaha dalkeena oo iskugu jira kordhinta intii hore u jirtay tijaabinta iyo beerida midho dalkeena ku cusbaa. sida Bariiska, Timirta, Tufaax iyo Istaroobariga, waxaana ILLAAHAY madahadii ah in xukumadu ay arrintaasi ku guulaysatay.
dadkeena beeralayduna ay ku abuurtay arrintaasi in ay samaystaan iskaashatooyin u dhaqaaqay wax soo saarka beeraha, lana yimid niyad saraysa oo u taagan wax soosaarka, waxaa xukumadu iyadoo taasi sii xoojinaysa sanadkii hore miisaaniyada qaranka lagu daray 10 cagaf-cagaf oo kuwa qodaalka ah iyo xabad baldoosar ah iyo gaadiid kale oo culus waxa kale oo la hirgeliyey Labourty lagu baadhayo ciida iyo tayada midhaha.
7. XOOLAHA (LIVESTOCK):
Qaran ahaan marka la qiimaynayo lafdhabarka dhaqaalaha reer Somaliland waxaa kaalinta xooluhu ay tahay ta koowaad ee nolosha dadkeenu ay ku tiirsan tahay, siyaasada xukumada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) waxay fiiro gaar ah ay siisay daryeelka iyo caafimaadka xoolaha waxaana la abuuray Tiimam dhakhaatiir ah oo cusub oo u qaybsan deegaanada kala duwan ee gobolada dalka si joogto ahna ula socda caafimaadka xoolaheena waxaa xukumadu ay shaqaayalaysay dhakhaatiir xoolaha ah si ay kaalin uga qaataan hawlsha xooga leh ee u jihaysan caafimaadka xoolaheena, mudadii ay xukumadani xilka haysay waxaa magaalada Berbara ka suuro galay dhab uga shaqaysiinta maxjarada xoolaha ee ku yaala magaalada berbera waxaa kaloo dadaal wayn ay xukumadu u gashay sidii xoolaheena suuq loogu helilahaa.
8. DHAQAALAHA (ECONOMIC )
Tashiilid, kaabid iyo kobcinta dhaqaale ee dalku waxay ahayd talaabo si cad ugu tilmaanaa barnaamijka xisbiga kulmiye ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) waxaana iyadoo taa laga shidaal qaadanayo, dib u giijinta dhaqaalaha xukumadani ay ku bilowday dejinta qorshe dib u habaysana loogu sameeyey, dhammaan goobaha dakhliga, la dagaalanka musuq maasuqa, tayeyta hawl-fulinta maamulida dekhliga, waxayna ahayd bilowgii ay hawshu ku dhaqaaqday kuna dhalisay isbadalada iyo kor u kaca dekhliga dalka, oo markii ay xukumadani ay timid miisaaniyada sanadluhu ay ahayd $ 47-50 milion halkaas oo lagu soo gaadhsiiyay korodhkii is biirsanaayay ee misaanadihii xukumadihii dawladan ka horeeyay ee ay iska soo dhaxleen muddo dheer.
mudadaa afarta sano ah ee xukumadan talada dalka haysay waxay gaadhsiisay $152 milion, guud ahaanba marka lagu daro hayadaha madaxabanaan ee dekhli soo saarka noqonaya $212 milion waxaa kaloo lagu guulaysatay samaynta siyaasada jaangoaynta miisaaniyada qaranka, xisaab xidhka miisaaniyadaha ayaa mudadii xukumadan jirtay oo kaliya xisaab celin loo sameeyay golaha wakiilda, dhinaca kale saddexdii sano ee ugu danbeeyay miisaniyda qaranka waxaa la horgeeyay golaha wakiilada, xiliga uu tilmaamayo dastuurka dalka oo ah bisha Tobonaad sanad walba waana arrin imika ka hor aan dalka ka dhicin,
9. HORUMARINTA SHAQAALAHA
Shaqaaluhu waa laf dhabarka socodsiinta iyo howlaha horumarinta ay xukumadu shacabkeeda u hayso kuwa socodsiinaya, xukumadu iyadoo garwaaqsan kaalinta ay shaqaaluhu qaranka u hayaan iyo muhiimadoodaba waxay dib u eegis balaadhan ku samaysay dhismaha hay’ada qarankan ugu qaabilsan shaqaalaha dawlada, waxaanay u dejisay siyaasad shaqaalaha, kordhinaysa, tayaynaysa, daryeelaysa, aqoontooda iyo waayo aragnimo shaqana kor u qadaysa si ay u gutaan masuuliyada shaqo ee ay qarankan u hayaan, markii ay xukumadani ay talada la wareegtay 2010 bishii July shaqaalaha dawalada u shaqeeya waxay ahaayeen tiradoodu 6,867 shaqaale oo ay ku jiraan shaqaale shaqada bilaabay ilaa 1991-1992
Ugu danbayntiina soo gaadhay tiradaasi aan kor ku soo xusnay.
Kadib xukumadan uu hogaaminaayo madaxwayne axmed maxamed maxamuus silaanyo madadaasi afarta sanno ah ee uu xilka hayay waxay shaqaalaysay 7,364 oo shaqaale rasmi ah iyo 5,983 oo ah shaqaale aan joogto ahayn gunooyina qaata.
waxaa uu kor u kacaasi intaas leeg ku yimid ka fikirida xukumada ee dhibaatada dhalinyarteena ka haysata shaqo la’aanta taasi oo awoodeena ka xoog roon, hase ahaatee waa dadaal socda si baahiyayahaasi shaqo la’aanta wax looga qabto, waxaa la dalacsiiyay shaqaale ay tiradoodu dhantahay 542 shaqaale ah 130 ka mid ah shaqaalaha dawlada ayaa loo diray waxbarasho dibadeed oo ay ku tageen wado kala duwan 115 ka mid ah waxay soo qaateen shahaadada bachelor ah 15 kalena waxay soo qaateen masters degree, 20 kale oo ka mid ah shaqaalaha dawlada oo waxbarasho dalka Ethiopia u tagay ayaa soo dhamaystay first degree iyo master degree.
macadka tobabarka shaqaalada dawlada ayaa aqoon heerkeedu kala duwan yahay siiyay 2,179 oo ah shaqaalaha dawlada, waxaa mudadii xukumadani ay jirtay musharka shaqaalaha la kordhiyay boqolkiiba boqol iyo labatan waxaa dheer korsiimada gunooyinka xilalka oo loo kordhiyay 10,00 oo ciidamada kala duwan ee qaranka, waxaa markii u horaysay ay xukumadu hirgalisay xaqsiinta shaqaalaha qofka dhintay iyo qofka shaqada ka tagay waxaa kaloo la dhaqaajiyay sanduuqa dadka mudada dheer u soo shaqaynayay (Retire)
10. DHALINYARADA:
Madaxwayanaha jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (silaanyo) siyaasadiisa hogaamineed waxay beertay korisay gacan qabashada dhalinyarada reer Somaliland, marka la eego da’da ay dhalin yarto ay siyaasada kaga qayb qaadan karto oo markii hore ahayd (35 jir) waxaana madaxwayne silaanyo suurto galiyay in dhalin yartu (25 jir) kaga qayb qaadan karaan siyaasada dalka, taasi oo baarlamanka dalku ansixiyay, waxaa kale oo xilal iyo masuuliyado u dhiibay madaxwaynuhu dhalinyar faro badan oo da’dooda oo kale waligood aan lagu eegin in ay xilal qabtaan.
waana bilow taariikhdu xusi doonto in dhanyar badani ay noqdeen wasiiro, agaasimayaal,maareeyayaal iyo boosaskale oo muhiim ah.
Tani waxay keenaysaa in aynu daboolno gaabkii waynaa ee u dhaxeeyay dadka xilalka haya iyo dhalinyarada, hase ahaatee waxaa ay xukumadani ay cadaysay in ay tahay xukumadii dhalinyarta.
macnaha ka danbeeyaana uu yahay in hogaanka qaranka loo abuuro dhalinyaro masuuliyadooda ay keenayso xilkasnimo iyo mustaqbal hore u socda, in dhalinyaradani hididiilo ay u noqdaan kuwa soo koraya si ay u hiigsadaan.
waana barnaamij siyaasadeed oo u jeedada ay xukumadu ay ka leedahay ay tahay in xooga dhalinyarto uu yahay midhihii diyaarintoodu uu abuurilaha mustaqbal ummaddan wax-tara.
waxaana wax lagu faano ah in dhalinyartaasi haysa xilalka culus ee qaranka ay ku guulaysteen iskuna dhigeen kuwo waajibkoodii ka soo baxay, waxaa kale oo siyaasada madaxwayne silaanyo ay barbar istaagtay gacan qabashada ururada dhalinyarada ee dalkeen ka jira, ururada haweenka iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dhinaca siyaasada iyo Dadka laga tirade badna yahayba, waxaana xukumadani sanadihii u danbeeyay ay si joogto ah u qabatay ciyaaraha gobolada ee heer qaran iyo dhismaha garoomo ka mid ah kuwa ay dhalinyaradu ku ciyaaraan.
11. DHISMAHA WADOOYINKA (INFARUCTURE )
Dhismaha wadooyinku waa kaaba yaasha dhaqaale waxanay ka mid yihiin halbowalaha xoojinaya isdhaxgalka bulshad iyo wax iswaydaarsiga ganacsiga oo uu ka abuurmi karro dhaqaale saamayn ku yeesha nolosha ummadda, waana meelaha laga qiyaaso koritaanak bulshooyinka ee dhinaha horumarka dhaqaalaha, waana sida loogu tiriyo kaabe dhaqaale.
madaxwayne silaanyo, iyo siyaasadiisii waxqabad ee xukumadiisa u dejiyay waxaa qayb wayn ku lahaa dhismaha wadooyinka waxaana uu barnaamijkaasi uu ahaa mid abuuray kalsooni iyo midnimo wadaniyadeed oo shacabka iyo xukumadoo iskaashanaya ay bilaabeen dhismayaal wadooyin laami ah oo isugu jira heer qaran iyo heer degmo.
waxaana haatan wax dhamaaday iyo wax lawado ah wadooyin faro badan, wadada boorama iyo Dila way dhamaatay, wadada kalabadh iyo wajaalena way dhamaatay, waxaana si xawali ah u socda wadada hargaysa iyo baligubadle, Hargaysa iyo Salaxlay, Dawga-cad, Alaybaday iyo Arabsiyo , Oodwayne iyo Burco iyo dhismaha wadada ugu dheer ee Burco iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale xukumadu ay ku deeqday wada kastaba lacag xoog leh iyo qalabka adeegsiga dhgismaha wadooyinka, wadada u dhaxaysa hargaysa iyo berbera waxaa lagu sameeyay tayactir aad u wayn oo ay bulshadu mahadisay, wadada dila iyo kalabaydh ayaa iyana la qorsheeyay in dhawaan la bilaabo, iyo tayactir lagu sameenayo wadada u dhaxaysa Xamaas ilaa Sheekh Kuwaasi oo loo hayo kharashkii ku baxay.
waxaa kaloo xukumadu ay soo iibisay dhamaanba (Mechanisms) loo adeegsanaayay dhismaha wadooyinka laamiga ah, waxaana meesha ka baxay fikradii ahayd inaynaan dhisan Karin waddo laami ah, waxaanay muujinaysaa awooda isku-teshigeedu in uu keeni karro horumar, waxaa dalka laga hirgaliyay ilaa 350 waddo oo laami ah oo ay ku jiraan kuwa magaalooyinka guddaheeda iyo kuwa ka baxsanba.
WAX KA QABASHADA GAROOMADA DIYAARADAHA
Barnaamijka hogaamineed ee madaxwaynuhu qaranka u dejiyay,dhaqaajinta dhamaanba hay’adaha kala duwan ee qaranka,waxaa kaalin mudnana lahaa garoomada diyaaradaha oo ah halka xaga hawada dalka laga soo gallo, lagana qiyaas qaato waddan walba heerkiisu sida uu yahay waxaa xukumadu muddaasi afarta sano ah garoomada ay ka qabatay wax-qabad wayne iyo talaabo horumar ah oo laxaad leh, waxaa la kordhiyay kuwo cusubna lagu daray Terminal-da iyo departure ka garoomada Hargaysa iyo Berbera Hall-lalka VIP-ga Waxaa xukumadu Dadaal wayn u gashay sidii loo heli lahaa dhaqaale wax lagaga qabto Runway-yada, Dawlada kuwayt ayaa inaga caawisay Runway-yada madaarka hargaysa iyo berbera lana dhamaystiray iyadoo la gaadhsiiyay Standard caalami ah oo diyaaradaha waa-wayni ku soo degi karaan kana duuli karaan iyadoo waliba haatan ay socoto dhismaha 1km oo lagu daray Garoonka Egal International Airport ee hargaysa, waxaa si mug leh dib u habayn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Burco, dib u habayn maamul iyo qalabayn heer sarre ah ayaa lagu sameeyay garoomada Caasimada Hargeysa iyo Berbera iyo hawl wadeenadii qalabkaa ku shaqayn lahaa oo loo tababaray.
12. Waxaa xukumada haatan talada haysaa u suuro gashay waxyaabaha qaran ahaan,jiritaankeena iyo go’aanka shacabka markhaati cadaan u ah oo xukumadihii horre mid walba ay balan qaaday oo aan fulin, dadwaynuhuna muddo 20 sanno ku dhow si joogto ah wax ka qabashadeeda arrintaasi ay u codsanayeen , waxaana ka mid ah
1. Idaacada qaranka ee Radio Hargaysa oo dalka iyo dibadaba si wayn looga dhagaysto, taasi oo xukumadani sanadkii koowaad ee ay qabato hogaanka dalka ay soo iibisay.
2. Tv-ga qaranka oo awoodisa baahineed la gaadhsiiyay dhamaanba caalamka, Studio-yaal iyo hawlwadeenadii ka hawlgali ahaa oo la qoray.
3. Darajaada ciidamadu waxay ahayd dhacdo wax-qabad oo taariikhda u gali doonta hogaamiyaha Qaranka. Shacab waynahana iyo dalka somalilandna u ahayd sharaf hilimaad, ciidankana u ahayd dhiirigalin iyo haybad qaran, waxaa derajo kala duwan la siiyay 10,000 kun oo sarkaal oo ka mid ah ciidamada militeriga, Booliska, Asluubta iyo ciidamada ilaalda xeebaha.
4. Xukumadu muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka haysay waxay shirkado maal-gashi oo waawayn ay ku qancisay in dalkeenu uu yahay goob amni oo la isku halayn karro taasi oo keentay in si rasmi ah looga bilaabo baadhitaanada khayraadka dabiiga ah ee dalkeena , sida Betrol iyo macadano kala duwan. hawshaasina dalka uga socoto si wanaagsan, waxaana dalkeena ka soo galay ogolaanshihii bilowga sahaminta lacag dhan $3,946,258 lacagtaasi oo ku xarootay qasnada dawlada waana waxqabadyada awood iyo aqoonba ay xukumadani ay kaga midho dhalisay, dhinaca kale sahaminta dhinaca macdanta ayaa laga sameeyay gobolo ka tirsan dalka oo ay ka mid yihiin Sanaag, Awdal iyo Saaxil.
5. Waxaa la badalay lacagtii giibbaarta ahayd oo kumanan qof oo ka mid ah ganacsatada Burco Gacantooda ku soo hadhay meel kale oo ay ka soconaysaana aanay jirin, iyadoo arrintaas dhaqaale burburka ay keeni karto ka fikiraysa xukuumadu waxay u babac dhigtay in muwaadiniintaasi ay ka sabato bixiso xaaladaa adag ee soo foodsaartay dhamaanba dadkii lacagtaasi giinbaartu ay gacantooda ku soo hadhayna ka ururisay iyadoo siisay qof walba wax u dhigma qiimihii lacagtaasi ay barigii hore lahayd oo shilinga Somaliland lagu siiyey.
6. Brige ka hargaysa oo 5 sanno qabyo ahaa oo xukumadii hore ay bilowday ayaa lagu dhamaystiray 100 maalmood ee u horeeyay ee talada ay xukumadani ay qabatay.
13. SIYAASADA ARRIMAHA DIBADA (FORIGN POLICY)
Siyaasada arrimaha dibadu waxay guusheedu ay laf-dhabar ka tahay meel marinta aragtida iyo mabda’a qaranimada dalkeena, waxaana siyaasada arrimaha dibadu ay ku xidhan tahay kolba heerka iyo sida ay tahay tan gudaha, oo deganaanshiyaha nabadeed iyo maamulka dawladeed oo si waxtar leh gudaha uga shaqaynayaa ay kaa caawinaysaa dadaalada siyaasada arrimaha dibada, waana tan xukumadan u suuro galisay in codkeedu uu gaadho beesha caalamka.
Waxaynu nahay qaran aan wali la aqoonsan oo African ah oo taageerada ay helayaan ay aad u yartahay waxaana dalka u suuro galshay waxyaabo aan ka suurto galin wadamo badan oo African ah oo aqoonsi iyo taageeroba haysata tusaale ahaan, heerkeena bisaylka waxaa tusaale ugu filan xukumadani waxay ku timid doorasho dadwayne oo xisbigii talada hayay uu ka guulaystay xisbigii mucaaridka ahaa awoodii ay ula kala wareegeen si nabad galyo ah, waxay arrintaasi ahayd sawir iftiimiyay heerka aan taaganahay, oo beesha caalamka aan kaga kasbanay tixgalin iyo mudnaan, waxaa xusid mudan xukumada uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) uu hirgaliyay siyaasad qeexan oo ku dhisan in dacwadeenu ay gaadho fagaarayaal caalami ah, iyadoo mudadii afarta sano ahayd ee aynu ka soo gudubnay madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland madaxwayne ku xigeenka iyo wufuud heer sarre ah oo qaranka matalayaa ay booqasho wayn ku tageen wadamo badan oo caalamka ka mid ah kuwaasi oo ay la yeesheen kulamo ku saabsan qadiyada Reer Somaliland.
madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaa uu la kulmay madaxwaynayaal, raysal wasaarayaal amiiro iyo boqoroba waxaanay qiimayntaasi diblomasiyadeed ay ku timid waxaynu nahay iyo fariinteena oo gaadhay dawaladahaasi, kor u qaadidaasi heerka diblomaasiyadeed ee dalkan, ay xukumadani u horseeday waxaa uu fududeeyay in madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland hadal ka jeediyo kulamo Calaamiya, waxaana ka mid ahaa shirkii Feb 23 dii 2012 –kii ee uu kaga qayb-galkii dalka ingiriiska.
Shirkaasi oo ku saabsanaa arrimaaha geeska gaar ahaana soomaalida oo si rasmi dawlada Ingiriisku ugu casuuntay madaxweynaha kana soo qaybgaleen hogaamiyayaal iyo wakiilo ka socda 40 dawladood in ka badan kuwaasi oo ahaa dawladaha daneeya xaaladaha guud ahaanba ka jira Africa, geeska Africa iyo khaas ahaan arrimaha somalida, hadalkii uu madaxwaynuhu ka jeediyay shirkaasi waa kii ay ka dhasheen fikirka ah in Somaliland oo dhinac ah iyo somaliya ay wada hadal bilaabaan beesha caalamkuna ay taageerto waxay ahayd faham iyo garawshiyaha wadamadii iskugu imid qudbadii garnaqsiga ahayd ee u madaxwaynuhu ka jeediyay ay daaha ka qaaday kala duwanaanshiyaha, marxaladaha iyo duruufaha kala duwan ee ka jira gobolkan geeska,meeshana ka saartay fikirkii hore u jiray oo arrimaha somalida si kaliya u wada arkaayay, waxaaa kaloo talaabooyinka dublamaasiyadeed ee ay xukumadani ay qaaday ka abuurmay in Somaliland caawimada ay bixiyaan qaar ka mid ah wadamada deeq bixiyayaashu si toos ah loo siiyo, sida sanduuqa Somaliland development fund oo ay bixiyaan UK iyo Denmark.
kaasi oo loogu talo galay xoojinta baahiyaha aas-aasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, shacabka reer somaliland iyo golayaasha qarankuba waxay si wayn u soo dhaweeyeen wax-qabadka xukumadani ay ka samaysay siyaasada arrimaha dibada oo xukumadan ka hor muddo dheer ku socday si aan kasbasho u keeneen ka midho dhalinta qadiyada Somaliland.
waxaa kaloo siyaasada arrimaha dibada ee xukumadani qorshe adag u dejisay wax wada qabsiga iyo iskaashiga uu qarankani la leeyahay wadamo badan oo caalamka iyo kuwa Somaliland deriska ay yihiin, waxaanay Somaliland ay noqotay meel ay wada shaqaynteeda, wax wada qabsigeeda iyo halka ay ku taalaaba ay muhiimad dheerada ay u leedahay gobolkan geeska Africa kaalinteeduna ay tahay mid muuqata oo aan la dafirikarin.
dhinaca kale waxaa dalkeena yimid wufuud heer caalami ah oo xukumadani ay horseed ka ahayd in ay dalka yimaadaan, imaatinkoodii dalkuna uu wax wayn ku soo kordhiyay in laga garaabo qadiyadeena, dawladnimadeena, nidaamka dimuqaraadiyadeed ee ka jira dalkan Somaliland, madaxwayanaha jamuuriyada Somaliland socdaaladaasi uu dibada ku tagay waxaa barbar socday qoraalo uu si joogto ah ah ugu dirayay , dawlado iyo ururo kale oo ay ka mid yihiin kuwo goboleed iyo kuwo qaaradeed iyo kuwa caalamiya IGAD, Eu midowga Africa iyo jaamacada carabta iyo wadamo kale, dadaalkani waa mid sii socon doona ilaa inta aynu gaadhayno waxaynu u boholyownay oo ah Aqoonsiga Somaliland.
GABOGABADII
Hadal iyo dhamaan waxyaabahaasi aynu soo sheegnay iyo inta kale ee aan soo wadnaaba waxay ku qabsoomeen oo ay ku suuro galeen taageerada shacabka reer Somaliland ay isla barbar taageen xukumada iyo hogaamiye la yimid karti waxqabad hogaamin waayeelnimo, niyad ay ku abuuran tahay quruxda dalkaaga iyo qarankaaguba waa waxqabsi isku tashi iyo waliba madaxwaynaha qaranku uu la yimid barnaamijmo iyo qorshe yaal abuuraya hour-socod maalintii timaadaana ay noqotay mid wax ku soo kordhisay wixii hore inoogu qabsoomay, waxaa ina sugaya jid dheer oo guushu ay ku xidhan tahay dadaalkeena dawlad iyo shacab aynu halkaa ka sii wadno.
Fiiro Gaar ah waxa aanu idin soo Gudbin doonaa Hay’addaha iyo Wasaaraddaha halkan ka maqan oo aanu ugu talo galnay in aanu kolba Qayb idin soo Bandhigno.
Wabilaaahi tawfiiq
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
CODKA waxqabadka xukuumadda ee 4-tii sanno la soo dhaafay u qabsoomay qaranka