Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo shaaciyey inay isku dhex wadi doonaan hirgelinta qaddiyadda madaxbannaanida iyo inay si dadban uga shaqeeyaan xasillinta Muqdisho
“Gobolka Geeska Afrika kama jiro wax kale oo aannu ku dooran karno ama dhaafsan karno Jamhuuriyadda Somaliland”
Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si xooggan isha ugu haysa afti la doonayo in laga qadaayo gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq, kuna noqdaan wadan madaxbannaan oo si gooni ah u taagan.
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Kurdistan Mr. Massoud Barzani oo saxaafadda u waramay labada toddobaad ka hor, ayaa ku dhawaaqay in gobolkiisu isku diyaarinayo sidii afti guud looga qaadi lahaa, isagoo aan si rasmi ah u cayimin muddada arrintaasi dhacays, balse ku baaqay in la sameeyo komishan maamula aftida lagu doonayo in Gobolka Kurdistan ku doonayo inuu kaga madaxbannaanaado dalka Ciraaq.
Sida lagu baahiyey hay’adda warbaahinta ee HAN (Geeska Africa Online), dawladda Somaliland, ayaa si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqa Gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq ku doonayaan inay madaxbannaani ku helaan, iyadoo arrintaasina taageero u noqon doonta qaddiyadda Somaliland ku raadinayso ictiraaf caalami ah.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa caddeeyey in aanay dib ugu noqon doonin midnimo Soomaaliyeed, isla markaana aanay Somaliland weligood ka qaybqaadan doonin dedaallada dawlad federaal ah loogu samaynayo Soomaaliya iyo doorashooyinka la doonayo in Soomaaliya laga qabto sannadka 2016.
“Somaliland waxay raacaysaa laba dariiq oo heer gobol ah, ka koowaad waa in aannu taageero ka gaysano sidii ammaan iyo xasillooni looga dhallin lahaa Muqdisho, annagoo si dadban oo aan toos ahayn arrintaas uga shaqaynayna iyo dariiqa labaad oo ah in aannu dhisno, dhidibadana u taagno Jamhuuriyadda Somaliland, annagoo doonayna in aannu helno qaran madaxbannaan oo haysta nolol amni iyo dhaqan-dhaqaale,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Sida lagu baahiyey Geeska Africa online, xasilooni-darrada iyo qalalaasaha ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxay fursad u yihiin sidii Somaliland u heli lahayd , isla markaana ay ugu rumoobi lahayd qaddiyadda madaxbannaanidooda ay muddada dheer sugayeen, taasoo aan noqon doonin fursan gobolada Somaliland mar kale dib ugula midoobaan Soomaaliya.
“Gobolka Geeska Afrika kama jiro wax kale oo aannu ku dooran karno ama dhaafsan karno Jamhuuriyadda Somaliland,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland, kaasoo rumaysan in dadweynaha iyo dawladdoodu ku dhegan yihiin qaddiyada madaxbannaanida, wax kale oo lagu doorsan karaana aanay jirin, balse laga wada shaqeeyo sidoo loo meelmarin lahaa qaddiyada aqoonsiga Somaliland.
Sidaas darteed, dadweynaha iyo dawladda Somaliland, waxay si gaar ah isha ugu hayaan natiijada ka soo bixi karta aftida la doonayo in laga qaado gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, iyadoo haddii gobolkaasi madaxbannaani ka qaato dalka Ciraaq ay arrintaasi fursad u noqonayso qaddiyadda Somaliland, taageerana kaga heli karto fagaarayaasha caalamka.
Dawladda Somaliland iyo Soomaaliya, waxa u socda wadahadalo la xidhiidha qaabka mustaqbalka labada dal u heshiin karaan iyo waxyaabaha la iska kaashan karo, iyadoo Somaliland wadahadalkaas ka rajaynayso inay ka soo baxaan waxyaabo faa’iido u ah madaxbannaanida iyo gooni-isu-taagooda, halka Soomaaliyana ka raadinayso midnimo dambe iyo in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan.