Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa boob iyo dhibaato shacabka reer Somaliland loo gaysanayo ku tilmaamay qaadista cashuuro aan sharciga waafaqsanayn oo la sheegay in Wasaaradda Duulistu soo rogtay.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku sifo qaldan u sharciyeysato cashuuro laga qaadayo dadweynaha isticmaala madaarrada diyaaradaha ee dalka oo aan laga ansixin Golaha Wakiillada ee sharci-dejinta ah.
“Cashuur aanay soo diyaarin ama kordhin Wasaaradda Maaliyaddu oo aan Golaha Wakiillada ee Baarlamanka Somaliland laga ansixin waa wax xaaraan ah, waa wax baalmarsan sharciga dalka u yaal, cidda samaysaana waa cid boob iyo dhibaato ku haysa shacabka Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa shalay