AKHRI: Masuuliyiinta Xisbiga UCID Oo lagu Eedeeyay Inay Qarannimada Somaliland Ka Hormariyaan Ilaalinta Danaha Jabuuti

0
34

Hargeysa (Hubaal) Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda xisbiga UCID Mr. Yuusuf Budle, ayaa masuuliyiinta iyo madaxda xisbigaas ku eeddeeyey inay baasabooro iyo lacago ka qaataan dalka Jabuuti, isla markaana qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ka hormariyaan ilaalinta danaha Jabuuti.

Guddida Fulinta ee xisbiga UCID ayaa taageeray xil-ka-qaadistii Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee UCID ku sameeyey Xoghayahooda arrimaha dibadda, kadib markii masuulkaasi sheegay in madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle uu dawladda Maraykanka ka codsaday in laga caawiyo sidii ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga qayb ka mid ah loo dhigi lahaa xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu noqday waddo halaq-mareen ah, halisna ku ah ammaanka Jabuuti iyo Itoobiya, waxaannu Xoghayuhu ha sheegay in xukuumadda madaxweyne Geelle tahay cadawga koowaad ee Somaliland.

Faysal-iyo-Cali-Guray

Hasayeeshee, Guddida Fulinta ee xisbiga UCID, ayaa arrintaas beenniyey, sheegayna in dawladda iyo shacabka reer Jabuuti yihiin qaar la walaalo ah ummadda Somaliland, balse Xoghahihii Arrimaha Dibadda ee xisbiga UCID Mr. Yuusuf Budle, ayaa sheegay in xisbiga UCID looga talliyo dalka Jabuuti oo uu ku tilmaamay inuu yahay cadawga ugu horreeya ee Somaliland.

Ugu horrayn qoraalka xilka laga qaaday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UCID oo ka soo baxay guddida fullinta ee xisbigaas mucaaridka ah, waxa uu u qornaa sidan;

“Guddida Fulinta ee Xisbiga UCID waxa isugu yimi shir ay kaga doodeen, kuna lafa-gureen qoraalkii uu soo saaray Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Xibigga UCID, kuna weeraray Madaxweynaha iyo Siyaasadda Dowladda Djibouti iyo go’aankii uu xilka kaga qaaday Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf

Gebabebadii shirkaas waxa Guddida Fulintu Isku waafaqay;

1.         In qoraalkaas Yuusuf Budle (Xoghayihii hore) aannu Waafaqsaneyn Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Xisbiga UCID iyo inay ka hor imanayso xidhiidhka labada dowladood iyo labada ummadood ee walaalaha ah.

 

2.         Waxa kale oo Guddidu ansixiyey in  go’aankii Guddoomiye-ku-xigeeenka 3aad ee Xisbigu  Mr. Cali Gurey xilka kaga qaaday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xisbiga Mudane Yuusuf Budle uu ahaa go’aan xisbi, sharcina yahay

 

3.         Mar kale Xisbiga UCID wuxuu u arkaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ay yihiin walaalo aannu wadaagno dano qarannimo iyo mid ummadnimo

 

4.         Ugu dambeyntii Xisbiga UCID wuxuu Yuusuf Budle ugu mahadnaqayaa muddadii uu xisbiga la soo shaqeynaayey,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Guddida Fullinta ee xisbiga UCID.

Dhinaca kale, Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee xisbiga UCID Mr. Yuusuf Budle, ayaa qoraal uu isna soo saaray ku sheegay inuu xilka iyo xubinimadii UCID gabi ahaanba iska casilay, isagoo masuuliyiinta xisbiga UCID ku eedeeyey in laga maamulo dalka Jabuuti, dhaqaale iyo taageerana ka helaan si ay u ilaaliyaan danaha iyo masaaliixda guud ee Jabuuti.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali iyo guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbigaasi Cali Guray

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali iyo guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbigaasi Cali Guray

“Waxa aan u sheegayaa dhammaanba madaxda, xubnaha iyo dhamaanba taageerayaasha Xisbiga UCID meel kasta oo ay joogaanba in laga bilaabo maanta (Axaddii) oo ay taariikhdu tahay 20July 2014 aan ka tanaasulay, kana tegay dhamaanba ka mid noqoshaddii xisbiga UCID aniga oo ku salaynaya arrimaha soo socda:

Waxa ay ahayd maalintii ay taariikhdu ahayd 17kii July 2014 mar aan bixiyay waraysi uu ila yeeshay weriye ka tirsan saxaafadda madaxabannaan, kaasoo aan ku sheegay arrimo la xidhiidha colaada Madaxweynaha Jabuuti u qabo dadka iyo dalka Somaliland, maalin kadib, oo ku beegnayd 18 July 2014 waxa aan saxaafadda madaxabannaan ku arkay in la iga qaaday xilkii aan u hayay Xisbiga UCID ee ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, una ku saxeexan yahay Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga, Cali Guray. Waxa aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga in;

 

1-     Aan marnaba la ila soo xidhiidhin oo aan madaxda xisbigu waxba iga weydiin sida ay wax u dhaceen iyo arrimaha aan soo ban dhigay cadayntoodii.

 

2-     In aannu Cali Guray awood u lahayn in uu xil iga qaadi karo, sida aannu awood ugu lahayn in uu xil cid u magaabi karo, aanayna hore u dhicin in uu cid magacaabo ama acid xil ka qaado.

 

3-     In dhamaanba Guddidii fulinta iyo Golihii Dhexe ee Xisbiga cid kasta oo aan kala xidhiidhayba ay ii caddaysay in aanay ka war qabin haba yaraatee, aan la isugu yeedhin, waxna laga weydiin arrinkan.

Kadib xidhiidh na dhexmaray madaxda ugu saraysa xisbiga, waxa la ii sheegay in si kastaba wax u dhaceena ay arrintu ku timid culays weyn oo kaga yimid ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee degaankoodu yahay Djibouiti iyo weliba qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Djibouti ee kasoo jeeda Somaliland. Waxa kale oo ay ii sheegeen in qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa Xisbiga UCID ay dawladda Djibouti siisay baasbooro Djiboutian ah, isla markaana ay dhaqaale xoog ah ka helaan xisbi ahaan dalka Djibouti, sidaas daraadeed ay ku qasban yihiin in ay oofiyaan codsiga kaga yimi ee ahaa in la iga qaado xilka,” ayuu Yuusuf Budle ku yidhi qoraalkiisa.

Waxa kaloo uu nusqaan iyo karaamo dhac ku tilmaamay in xisbiga UCID looga taliyo dal kale oo si buuxda uga soo horjeeda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aan u sheegayaa madaxda xisbiyada qaranka iyo kuwa xukuumadda Somaliland in aanay qaddiyadda Somalialnd ku beddelan baasbooro Jabuuti ah iyo woxogaa lacag ah, ayna ugu badinayso haddii ay aaminaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Waxa nasiib-darro ah in qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee ka soo jeeda Somaliland, laakiin ganacsigoodu ku salaysan yahay Djibouti ay si badheedh ah ugu ololeeyaan, dadkana ka dhaadhiciyaan figradda ah: In haddii nin reer Berbera ahi qabsado xukunka Somaliland uu awoodda saari doono in uu hore u mariyo dekedda Berbera, taasuna ay keeni doonto in Somaliland iyo Ethiopia-ka guuraan dekedda Djibouti. Sidaas daraadeed ay ugu badinayso in ay lugaha qabtaan murrashaxa xisbiga UCID oo ka soo jeeda magaalada Berbera, kolbana la horkeeno nin ay hayb sare wadaagaan ayse ogyihiin in aannu mudan karin hanashada hoggaanka dalka. Waxa iyaduna nasiib darro ah in Musharaxa Xisbiga UCID uu rumaysto in uu taageero ka helidoono ganacsatadaas, marka ay arrimuhu kala miirmaan, taas oo aanu marnaba Ismaciil Cumar Geele ka yeelayn nimankan reer Somaliland ee uu isagu ku adeegto. Waxa ay mar kasta u sheegaan dadka ay rabaan in ay wax ka dhaadhiciyaan in markii ugu horaysay ee dadka reer Somaliland ay si buuxda uga maarmeen dekedda Djibouti ay ahayd markii uu xukunka Somaliland Maxadweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ka soo jeeday magaaladda Berbera. Hadda, haddii uu mar kale qabto nin reer Berbera ahina ay suurto gal tahay in uu intaas ka sii ballaadhiyo oo uu si toosa ugu furo dalweynaha Ethiopia.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here