AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo: Muddo Kordhin Mise Doorasho

0
20

Hargeysa 23 July 2014 (Hubaal)- Iyadoo shantii sanno ee xilka loo doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ka hadhay hal sanno oo keli ahi, ayaa hadana ilaa hadda aanay muuqan ifafaalo kala saafaya in doorashadii madaxtooyadu ay dhacayso xilligii loogu tala galay iyo in kale.Isla markaana xisbiyada mucaaradka ah ayaa qaba welwel arrintaas la xidhiidha. Inkastoo Madaxweyne Siilaanyo uu dhowr goor ku celceliyay, in aanu doonayn muddo kordhin marka teeramkiisu dhammaado, haddana waxa loo arkaa inay jirto qabyo badan oo arrinta doorashada la xidhiidha, taasoo u baahan in si dhaqso ah loo dhammaystiro “Xukuumadu waxay wadaa khiyaamo hoose oo lagu kala dhantaalayo doorashada.Hadii aanay taasi jirin waa in si degdeg ah loo dhaqaajiyo arrimaha doorashada.

Siilaanyo

”Sidaa wax yidhi mid ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah.Kaa iyo qaar kale oo aanu wax ka weydiinay mowduucaniba, waxay isku raacsan yihiin, in xukuumadu diiwaangalintii madani ahayd ka bedeshay wejigii, una dhigayso sidii ay tahay diiwaangelinta codbixiyaasha oo lama huraan u ah qabsoomida doorashada “Waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa in diiwaangelinta muwaadinka loo maro sharciga dalka.Wuxuu xisbiga WADDANI qaadacayaa sifo kasta oo dhuumasho dhabarku ku muuqdo ah oo dustuurka baalmarsan.”Sidaa wax lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha waaxda qorsheynta ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali.Warsaxaafadeedka Xisbiga Waddani wuxuu inta ku daray oo uu yidhi “TV-ga xukuumada wax dhawaan ka baxay, qaabka loo samaynayo diiwaangalinta muwaadiniinta.Waxaa gef iyo meel ka dhac ku ah bulshada Somaliland in lagu tilmaamo shan boqol oo kun oo qof.Waxaa kale oo Tv-ga xukuumadu baahiyey in dadka da’doodu ka yarta ahay 16 sanno aan la siin doonin kaadhka muwaadinka ee ay bixinayaan.” Warsaxaafadeedka wax lagu sheegay in diiwaangelinta madaniga ah ay tahay ta qofka muwaadinka ahi uu ku helo kaadhka aqoonsiga ee ay bixiyaan dowladda hoose. “Maamul xumada xukuumadu waxay sabab u noqotay is-dhexyaac iyo isku qabsi waajibaadka qaran ee qeexan,kaadhanka wax loo diiday inay bixiyaan golayaashi deeganku ee dadku soo doortay oo ah kuwa xaqa u leh inay bixiyaan, masuulna ka ah caddaynta muwaadinka.Ujeedada golaha deegaanka looga horjeedsaday inay bixiyaan waa dhaqaale.Waxa madax ka kow shacabka looga raba laba dollar.Mar hadaan sharci loo samayn oo aanu baarlamaanku ansixin lacagtaasi waa xaaraan, Tv-ga wax laga baahiyey in kaadhka muwaadinku la mid yahay kaadhka diiwaangalinta codbixinta oo aanu xaq u lahayn qof da’diisu ka yartahay 16 sanno, taasina waa dhuumasho dhabarku ku muuqdo oo diiwaangelintii codbixiya ah lagu marin habaabinayo.Diiwaangelinta madaniga ahi waa waajib dustuuriya, oo qof kasta oo nool, marka lagu darro ilmaha marka dhashay la siiyo.”Eryadaasi waxay qayb ka ahaayeen warsaxaafadeedka WADDANI. Marka la qeexo diiwaangelinta madaniga ah iyo diiwangelinta codbixiyayaashu, waa laba kala duwan.Diiwaangelinta madaniga ahi waxay khusaysaa guud ahaanba shacbiga oo madax ka kow ayay u saamaynaysaa, hase ahaatee diiwaangelinta codbixiyayaashu waxay khusaysaa, inta xaqa u leh bixinta codka ee qaangaadhka ah da’ ahaan.Sidaa darteed hadii ay sax tahay dooda mucaaridku waxay u muuqanaysaa in khalad jiro, balse falanqaynta iyo ka gungaadhida xaqiiqada, wuxuu wargeyska Ogaal ku eegi doonnaa faqidaada tan ku xigta ee wakhtiga dhow. Sida la sheegay diiwaangelinta madaniga ah oo qandaraaskeeda la siiyay shirkad aan cimrigeedu waynayn oo su’aalo badani ka taagan yihiin, wax

lacagteeda bixinaysa dowladda, isla markaana qaandhaan bixiyaasha Somaliland ka saacida dhinaca doorashooyinka, ayaa warar lagu kalsoon yahay tibaaxeen in ay diideen bixinta kharashkaa, balse ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay Somaliland ka caawiyaan tiro koobka codbixiyayaasha, oo ay awal horeba ka kaalmayn jireen Somaliland. Inkastoo aan xukuumada laga maqal dib u dhac doorashada ku imanaya, haddana wax jira walaac laga qabo doorasho xilligeed ku dhacda.Qaar badan oo ka mid ah waxgaradka dhexdhexaadka ah ee la socda xaalada siyaasadeed ee wadanka, ayaa rumaysan in Madaxweyne Siilaanyo doonayo muddo kordhin, diyaarna u ahayn tartan doorasho oo uu galo.Hase ahaatee, dhawaaqyada xukuumada ka soo baxay ilaa hadda kumay kala baydhin, in Madaxweynuhu diyaar u yahay Tartanka, isla markaana waxay ku celceliyaan in aanu doonayn muddo kordhin. “Madaxweyne Siilaanyo wuxuu diyaar u yahay doorasho oo cidii la tartamaysa diyaar ahaato.”Sidaa wax yidhi mid ka mid ah Golaha wasiirada oo aanu wax ka waydiinay arrintaas. Dhammaadka xil haynta gudiga doorashooyinka, maqnaanshaha wali taagan ee diiwaangelinta codbixiyayaasha, diiwaangelintan madaniga ah oo loo arko carqalad aan jidkeedii haysan, kala hormarinta doorashooyinka Madaxtooyad Iyo Baarlamaanka oo aan la ogayn aragti ahaan inay ka ka midaysan yihiin xisbiyada mucaaridku iyo in kale iyo qodobo kale oo raaca ayaa dhammaantoodba ah su’aal taagan. Isla markaan wax su’aal muhiim ah oo jawaabteedii wali lalantahay ah, Madaxweyne Siilaanyo, mudo kordhin iyo doorasho midkuu u doonyaysan yahay

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here