AKHRI: Gabay la yidhaa Dibad-Bax Oo ka turjumaya Dilkii ka dhacay 2012-kii degmada Axmed Dhagax iyo Saylac Ee Musuqii ay ku kaceen komiishankii hore iyo xukuumada

0
67

Gabaygan waxaa layidhaa DIBAD-BAX waxaana curiyey Abwaan: Sacad Axmed Xasan-roodhiile, Musharax (Candidate) Doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Hargeisa sanadka 2012, Ururkii Rays. Gabaygani waa mid mudaharaad ah (dibadbax) wuxuuna dareen adag ka bixinayaa Dilkii Ka dhacay Degmadda axmed dhagax iyo Saylac, musuqmaasuqii iyo boobkii lagu sameeyey Doorashada, ee ay ku kaceen Komishanka Somaliland iyo Maamulka Dawladda Silaanyo oo Isbarkani.

 Abwaan Sacad Roodhiile pictureyyy.jpg1.Digta gabayga maansada riddada, danab sidii yeedhay

2.Digaandigaha waa laga dhigaa, daalinka u wayne

3.Dam damtiisa waa u qoolan yahay, be,e digtaatoore

4.Dambas kacaya uurada sidii, duufan ku dhirbaaxa

5.Dabayshoo ku dhabanaaniso oo, duulan kugu goobto

6.Dogob ciiray daadkoo sitoo, dulundul caynaaya

7.Dirirtiisi sidii faarax nuur gabay, ku daandaanshay

8.Darandoorigaan ugu dhuftay dab, iyo naabaal dhe

9.Da’yartoo is daba taagan oo, dhagaxu duulaayo

10.Qolqolkoo dadkii is hortubaan, Dibadbax ku hadheeya

11.Askartoo dib guranaysa oo, dhinacyo daymoota

12.Dayrkoo lasoo dhaafo oo, laga dulboodaayo

13.Kacdoonkaa dadwaynahu hurdada, dalaq ku soo gaadhe

14.Damaashaad ciyaar lagu qabsado, daarka kadin-keeda

15.Doog wararac weeyaan dulliga, waan ka dirirnaaye

16.Diiradaydu meel durugsan bay, arag duljoog taaye

17.Hadaan daawo loo helin markale waa la daydayiye

18.waxaan xulad dabka ugalinayaa, shicib dareensiine

19.Deelleey silsilada cusub bal aan ,daah-furkeen sheegno

20.Dareen-kiisi sidii qays miyaan, dunida gaadhsiiyey

21.Sidii Boobe ma u daabacay, ururi deelleeye

22.Diiwaankeeda dhaxal-reeb ibaha, dararsan een maalno

24.Dhako daabcadiisii murtida, dooxday ubacdooda

25.Dayrtuu yar daayee wuxuu ,dacarta leefsiiyo

23.U duqeeyey sidii weedhsame,dalow ka laa laadshay

26.Ilka jiir daruur curatayoo, yurub ka soo daaray

27.Isaguna dubbaha wuu la helay, dakharo gaadhsiiye

28.Dabshidkii tuunisiya sidii, daafaha u gubatay

29.Ama daamihii qaahiraad, dawgii la fadhiistay

30.Daldalkisa saadam xuseen siday, shiicadu u doontay

31.Daalinkii qadaafi sidii, diirku uga hoodhmay

32.Dabaabad wuxuu wadan jiriyo, dirir wixii gaadhay

33.Ayuu gabaygan kuu daaran yahay, waa digniin culuse

34.Golaheeni deegaan habkaan, doobiga u culanay

35.Dadweynaha codkoodii dulmaa, loogu dawgalaye

36.Dawgii xornimo iyo xalaal, laga dawaabeel e

37.Danaystahu ku wacad fure wixii, dan u ahaa qarane

38.Oo Dawladnimadii wacnayd, damiye nuurkeede

39.Distoorkiyo xalaashi kuwaa, doorashada xumeeyey

40.Damacii dadkoodii kuwaa ,daahmadaw saaray

41.Dullinimada musuqmaasuqaa, Daalinku wax boobay

42.Komishanka damiirkooda gaday, diinta ka hayaamay

43.Daayinkood kitaabka u maree, dawga kale qaaday

44.Aakhiraa dab lagu shidi cadaab, dubani saantooda

45.Aduunkana dullay ku arkayaan xilkana, darajo waayaane

46.Dulmanow dhulkaygow wixii, dabin laguu qoolay

47.Dibindaabyadii kugu dhacdee, digasho ooyaysay

48.Waxaa geesi kugu duuganee ,doqon wad kuu reebay

49.Dullinimo qabyaaladi waxay, dib udhac kuu keentay

50.Da, yartii dhulkaygow wixii, damac laguu diiday

51.Waxaad dibad u yaacdiyo waxaad, camal la, aan diiqday

52.Daad-xoor waxaad noqotayoo, badaha doon raacday

53.Soo doogsan waydee wixii, dakhar laguu gaystay

54.Mar uun bay Diraac soo onkodi,doogsin kuu maqane

55.Mar uun baa la daabici wixii, xumo ku daashadaye

56.Mar uun baa la daawayn halkii, damaqa qoonayde

57.Mar uun baa la daah-furi wixii, aragti daahnaaye

58.Mar uun baa dib loo sixi waxay, kala dir sooceene

59.Mar uun baa xaqii kaa dadnaa, daayin soo faqiye

60.Mar uun bay haldoor dhali waxay, ducasho raagtaaye

61.Mar uun bay dayaxa gaadhaysa, dawladnimo adage

62.Afartaasi dabarka u xidhee hadaan, dabac u siidiido

63.Waxba hadalka yaan dib u liqine, doobta soo dhaafye

64.Xaq u dirir xaqsoorow dulmigii, lugo mayeesheene

  1. Axmed dhagax dhegaankaa dadkii, dhiigod lagu daadshay

66.Tacsibaan u dirayaa hanbada, waa dadkaygiiye

67.Gabood fal dil toogasho maxkamad, lagu dul taagaayo

68.Dacwadana qareen caalamiya loo cuskani, waa danbiilaha e

69.Xasan ciise daliilkuu hayee, nagu dardaaraayey

70.Dawgii runtuu ku adimee, la iska diidaayey

71.Taariikhdu dibay u qori wiixii, laga dulboodsiiyey

72.Daayinkuu ka sugayaa carada, daynta ugu maqane

73.Dardarteedu way soconaysaa, wax is dareensiine

74.Afartaa dareershee hadaan, daanta kale eego

75.Hayinkaynu daadihi nidhaa,daadshay haamaha e

76.Isagaa dalluun dheer ku riday, dumiyey sooyaale

77.Dirqibay kusii yara dhutiyi, daashay maandeeqe

78.Nacnac baa difaac lagu yidhaa, dib u dhacoodiiye

79.Isnaa daadafeeyaa gartii, lagula doodaayey

80.Hadii aan haldoor iman markale, daayacweeyaane

81.Afar kale dareen taagan oon, cidi ka doodaynin

82.Darifkeeda ceebaan dadkaa, saylac guban daadsan

83.Foodkood kuwaa laga duwee, laga dabaalaayey

84.Danaakilo kuwaa laga dhigee, dibinta ruugaaya

85.Dawladaa jabuutina kuwaa, ul iyo diirkeeda

86.Godobtaa dadkaa lagula kacay, waa duruuf adage

87.Deriskaa walaalnimo colaad, looma daahfura e

88.Doorashada markay laalayeen, waa la duudsiyey

89.Ceerigaabo deegaanka gole, duqa laga fogaynaayey

90.Duhurbay badheed dib u cugteen, dadab u meersheene

91.Digdigtii ma shaashay halkay, talo ku daysteen

92.Sool bari walee uguma dudo oo, doorkan la xumeeye

93.Sidii ay diyaar ugu noqdeen, lagu ma daawayne

94.Sanduuqii dushoodii la dhigay, lama daryeelayne

95.Afartaasi kuu daadahshee, waxan ku deeqsiiyey

96.Durdur soo burqanaya murti bal, aan daro xareedi

97.Dulcad guul alla lagu degsaday, ducada awliya e

98.Ayuubkaa dadaale iyana, dibbada loo tuuray

99.Haku daganin maandhaw ayaan, sheekh laguu dirine

100.Ducayeelki weeyaan dabiib, guurtidii qarane

101.Waxba yaan dulxaadine hadaan, diirka ka cadeeyo

102.Dacar-budhuq figtii cumar ku jog, baando ka difaacay

103.Dunbuquu ku liishaamayee, buurtu ku dayaantay

104.Berberay dugsaad tahay darkeed ,cidi kariixayne

105.Shirkagii dan iyo duco midhaha, kaaga soo daatay

106.Mustanbeedka oday dalab siduu, daadka uga moosay

107.Dekedood ku sii xoojisaan, iyo dariswanaageena

108.Dalka oo dhan baa lagu xukumi, doobi xoor wayne

109.Toddob da,aya roobka murtida, daadku mulacyeeye

110.Xiddigaha dariiq lagu maraa, dayax la waayaaye

111.Dulucdeeda maansadu waxay, daadagto oo socoto

112.Dalcad adag waxay fuusho ama, jiifto dabotaxana

  1. Dariiqeedu kama lumo kolkay, daw ku joogtaaye

  1. Wargeysyada haloo diriro waxaan, duri xumaan-toode

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here