Abwaan Iyo Masuul Dawladeed Oo Tallooyin Lammaan U Jeediyay Xukuumadda Iyo Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Somaliland.
Abwaan Iyo Masuul Dawladeed Oo Tallooyin Lammaan U Jeediyay Xukuumadda Iyo Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Somaliland.
Baligubadle-(Hubaal)- Guddoomiyaha Wabarashada Gobalka HAWD, Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan, ahna maamulaha dugsiga sare ee Quule Adan Dool, ayaa si taxadar leh uga hadlay xadhiga Tafatiraha Shabakada wararka ee Baligubadle Media, Axmed Adan Rooble, waxaanu ugu baaqay xukuumadda in ay xoriyadiisii u soo celiso suxufigan.
Guddoomiye, Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan, oo goor dhawayd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Hadhwanaagnews, isaga oo jooga xarunta gobalka HAWD, ee Baligubadle, ayaa ah Abwaan marar hore tallo iyo tusaale dhinacyo badan taabanaya ugu soo bandhigay hab suugaaneed uu kaga hadlayo aragtidiisa ku wajahan xayiraadii Wargeyskii madaxa banaana ee Hubaal.
Ugu horayn, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa hadalkiisii ku bilaabay, ‘’Wallaal, waxa aan bahda Hadhwanaagnews, ula
soo xidhiidhay in aan eray fayow oo masuuliyadu i farayso ka idhaahdo xadhiga Tafatiraha Shabakada wararka ee Baligubadle, Axmed Adan Rooble, oo dhawaan loo xidhay warar uu ku faafiyay shabakadda uu tafatiraha ka yahay, sidaa daradeed, ujeedadaydu maaha in aan si xanaf leh uga hadlo dhacdadan, balse, waxa aan si ixtiraam iyo maamuus leh uga codsanayaa guud ahaan xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, in ay saamaxaad u fidiyaan suxifagan xidhan ee dhallinyarada ah.
Sidoo kale, waxa aan si gobanimo leh uga codsanayaa xukuumada Somaliland ee uu gadh-wadeenka u yahay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo horumar badan oo la taaban karo oo kala duwan ka hirgelisay guud ahaan Somaliland muddadii ay xilka haysay in xayiraada laga qaado Wargeysayada madaxa banana ee Hubaal Iyo Haatuf, oo in muddo ah xayiran kana maqan saaxadii warbaahinta.’’.
Abwaanka oo hadalkiisii ku soo gabagabeeyay tallo iyo tusaalayn si toos ah uga socota xukuumada iyo warbaahinta waxa uu yidhi
‘’ Warbaahintu waxa waajib ku ah in ay mar kasta maanka ku hayso waajibaadka iyo masuuliyada aadka u culus ee ka saraan guud ahaan dalka iyo dadka Somaliland, iyaga oo eegaya hadba saamaynta togan ama taban ee warka ay tabinayaan uu yeelan karo, sidaa darteed waxaan si wadaniyad leh ugu boorinayaa in ay saxafiyiintu muujiyaan xilkasnimo dheeraad ah oo taxadir leh. xukuumadda iyo saxaafaduna waa in aanay mid waliba awoodaheeda si khaldan oo hagardaamo ku jirto u isticmaalin, Guud ahaan waxaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland u rajaynayaa in uu sanadkan sanadkiisa inugu gaadhsiiyo guul, badhaadhe, iyo Ictiraaf buuxa’’.