Aaway Xuquuqdaydii?! – W/Q. Mustafe Cabdiraxmaan

0
27

Waxaan ahaan jirey mid leh xuquuqo dhammaystiran, oo aaminsan aragti xaq ah. Aragtidaas oo ay ka dhalan jirtay nolol xalaal ah oo dhab ah, dad iyo duunyo lagu liibaani jiray, col iyo abaarna lagaga adkaan jiray.

Bulshada aan la noolaa waxay ahayd, bulsho i xannaanaysa si aanan u xanuunsan, i dayac-tirta si aanan u dayacmin, i sasabata si aanan uga tagin, i raali gelisa si aanan uga cadhoon, ii uur-fayow sida ubad ay dhaleen.

mustafe

Ilaalisa heshiiska naga dhexeeya meel kasta oo ay dunida joogaan,, igu indha-doogsada sida dayaxa afar iyo tobnaad. Mar walba afka igu haya sida xadiis ama aayad diin ah. Facba faca kale u gudbiyo, aragtidaydii dhabta ahayd ee aan rumaysnaa.

Nasiib xumo immika sidaa ma ihi, waxaa dux beeshay oo uu habaas fuulay aragtidaydii xaqa ahayd, waxaa la dulmiyey oo basaastu huwatay noloshii dhabta ahayd ee aan aaminsanaa. Iyadoo la abuuray aragti liidata oo uu qof indho la’i usha u hayo.

Waxaa la dhiiri-geliyey nolol khaldan oo ku salaysan dulmi kana shidaal qaadanaysa baadil cad. Waxan ku dhex noolahay bulsho aan i dannayn, waa bulsho aan i dareemin, waa bulsho aan igu faanin, balse iga faanta, oo rumaysan in aanan casriga la jaan-qaadi karayn balse taa anigu ma qabo, casri kasta waan la jaan-qaadi karayaa, haddaan helo dad ii daacada, oo i kool-kooliya ina kab-kaba oo si dhab ah ii daryeela.

Ma nooli mana dhiman, dhaawac halisa ayaan qabaa, waana suuro-gal in aan u dhiman karo. Jidhkayga xubin kasta oo ka mid ah, dhiig ayaa qulqulaya, waxaan u baahanahay gargaar degdeg ah, qof damiir le oo i arkaa ima dhaafeen. Dhiig joojin iyo dhaymo midna la iima quudho.Wallow ay jiraan dad kooban oo u dadaala si ay ii badbaadiyaan, haddana duruufaha soo wajaha ayaa inta badan ka itaal roonaada.

Inta aynu ceebteena ognahay, waynu caafimaad qabnaa, haba yaraadaane inta aan haysto cid ii garaabaysa baaqi ayaan sii ahaanayaa, balse Maalinta cid ii garowda aan waayo, waa maalinta dunidan iigu danbaysa ee aan dhammaan doono. Soomaaliyeey waxaan ahay dhaqankiina oo idinla hadlaya!

Waa dhaqankii awoowyaashaa ee qiimaha badnaa ee kala saari jiray soomaalida iyo bulshooyinka kale ee caalamka, waa astaanta aad kaga duwan tahay ummadaha dunida kugula nool, waa arrinka qudha ee aad la dhex tagi karto dadyowga kale marka uu mid waliba astaantiisa soo bandhigo.

Dhaqankaas oo intii uu ka xaragoon jirayba maanta lagu xaragoodo. Intii uu ku xaragoon jirayna laga xaragoodo! Aaway dadkaygii? Meeday xuquuqdaydii? Mooyi!

Waxaan ku soo koobayaa ereyo ka mid ah tix uu lahaa abwaankeenii weynaa ee Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”

“Badownimaa saxnayde

 

Ilbaxnimo ma sidanaa?”

 

Mustafe Cabdiraxmaaan Sharmaarke

Email: mustafe05@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here